galmudugnews.com

war deg deg ah gudoomiyaha gobolka mudug ee maamulka putland oo qarax miino ka badbaaday

Waxaa Akhrisay :1890

Gaalkacyo (RBC Radio) Qarax xoogan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaana lala eegtay gaari uu saarnaa gudoomiyaha gobalka Mudug.

Maxamed yuusuf Jaamac gudoomiyaha gobalka Mudug ee maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxaasi lala eegtay gaariga uu saarnaa. Waxaana la sheegay in uu halkaasi ku basbeelay gaariga.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago sida ay ku waramayaan dadka deegaanka oo la hadlay RBC Radio.

Ilaa iyo iminka lama garanayo rasmi ahaan cida ka danbaysay qaraxaan xoogan oo lala eegtay gudoomiyaha gobalka Mudug Maxamed yuusuf Jaamac