galmudugnews.com

Gudigga Ilaalinta Karaamadda Sacad oo Digniin iyo Waano soo saaray

Waxaa Akhrisay :7237

WAANO IYO DIGNIIN

 1- Qaybta koobaad ……………………………………..

Walaalaha Galmudug State waxaan idin leeyahay ma ogtihiin in aad soo marteen dadaal badan oo lugu doonayay. dawladnimo iyo sharaf. mase ogtihiin in halgankiini la marin habaabshay. hadaad tihiin Sacad,waxaan idin leeyahay. warooy isdaba qabta inta goori goor tahay. ………………………

2 waa baad soomaliya wax ka ahaan jirteen maanta waxba kama tihiin. hortiina ayaa maamulkii lagu qeybsaday. xubnihii idinka dhaxeeyay. sida arimaha gudaha oo laba laba jeer lugu celcelsaday. ilaa markii dambe aay noqotay dhaxal xaalada markeey saas tahay. waxaa loo bahanyahay in laga gaaro go”aan dad nimo ah. waa in kalsoonida lagala laabtaa sid cududa iyo ciidanba inta macna dara nooga dhimatay alaha u naxariisto wax dambe yeey naga dhiman. ileen xuquuq iyo sharaf kuuma hayaan kooxda maamulka muqdisho isku magacaawday. ninka raaco waa asaga iyo nasiib daradiisa. ……………………..

3 Wasiirada cusub waa xeelad cusub oo ladoonayo in lagu tiro sharafta iyo qiimaha ay leeyihiin sacad. maanta mahaysano siyaasiyiin isku duuban. mahaysano odayaal waxaay gooyaan muwaa faqa lugu yahay. mahaysano shuyuukh isku duuban oo hal go”aan leh waxay gooyaana la dhaqan galsho meelna kuwada duceesto. Waano iyo digniin ………………………

4 maadaama aaynu nahay dad saa u kala daadsan in hadana nologu soo biirsho dad ayagaba kala daadsan!! Wasiirada ka kala imaanaa qabaa”ilada kala duwan waa in laga laabtaa. ileen wax kuuma soo kordhinayaan inay wax kaa nusqaamiyaan mooyee hadaanan laga tana suleeynin waa in lawaafajiyaa sharciga wada jirka. talo caaqibo leh. Waatan wasiirkii ku soo biirayo.waxaa laga doonayaa. 1- Waa in beeshiisa raali ka tahay ku biirida Galmudug. 2-Waa inuu la Yimaado Wasiirka dhaqaalahiisa. iyo Ciidankiisa. 3- deegaanka uu ka yimid waa in cashuurta ay helaan degmadaas 3 duleel; hal duleel waxaa leh maamulka dhexe Galmudug. Wasiirkasto sidaas ayaa laga doonayaa haduu iskaashiga daacad yahay. waano iyo digniin ……………………….

5 wasiirada cusub mushkulada ay la imaan karaan waxaa kamid ah 1- marka horaba jiritaankaada kuma faraxsanaan jirin 2- idinkoo sidaan ka itaal roon ka xoog badan ka dhaqaalo badan ka sharaf badan. i.w.m wasiirada cusub dhibaadata ka imaan karta waxaa ka mid ah idinkoo dalab dhaqaale caalamka weeydiista sida daawo wax barasho. i.w.m wasiirada mid ka mid ah baa si fudud loo su aali karaa maa daama wasiirada aad ka mid tahay war naga sii codsiga ka yimid dhinaca Gaalkacyo! si fudud ayuu u dhahayaa 1- war uma ahaayo. 2- la iima sheegin. 3- umaleeyn maa arinkaas inuu jiro. iska hubiya. ( sababtoo ah maaha gobolkiisa ama degmadiisa ileen ewelba adiga agtiisa kama sharfaneen. waano iyo digniin ———————

 6 – baarlamaanka Galmudug. Sacad oo dhan waa in aay ka dhax muuqdaan. 2- waxaa soo raaci karo inta degaanka kula degen. Sacad hadaad tihiin alle talo saaro, is aamina ,isku kalsoonaada. 1- Ciidan waad leedihiin. 2- culumo waad leedihiin. 3- odayaal waad leedihiin. 4- siyaasiyiin waad leedihii. 5- hooyooyin qiimo badan waad leedihiin. 6-dhaqaale waad leedihiin. 7-Beri wanaagsan ayaad leedihiin. 8- Badda iyo dekadda ugu weyn Somalia ayaad leedihiin. Waxba ma qabsan kartaan waxna sooma saari kartaan sababtoo ah talo iyo towfiiqf mahaysaan. TashTa isku Tashta. ka tilaabsada kan tagyee kan daayaa. tala xumo idin kagama horeeyn. Walaalayaal waa in xal loo helaa ayaheena waana in arimaha aan soo sheegnay dawo loo helaa insha alaah.

 (Waano iyo Digniin) ———————–

waan in xal loo helaa dagaalka aan cilmiga ku dhisneen oo u dhaxeeyo SACAD IYO SULEYMAAN. waa in la raadshaa nabad iyo wada noolaansho oo cid kasto ku noolaataa meesha ay jecleesato xalka nabada waa inay raadshaan culamaa u diinka labada dhinac insha alaah wixii la raadsho waa la gaaraa

taladaan waxaay ka soo baxday.

Guddiga sare ee ilaalinta Karaamada iyo sharafta Sacad.

 .BY Afhayeenka Gudigga sare 

 Sheekh Muuse Sheekh Caalin …….