galmudugnews.com

Home » QORMOOYIN, WARARKA » Wariyaha Channel4 UK oo laaluush ka qaatay Dahabshiil

Wariyaha Channel4 UK oo laaluush ka qaatay Dahabshiil

on Jun 26th, 2013 // No Comment

Views 167105

Journalist-Jamal-Osman

 

 

 

 

 

 

Galmudugnews.com – Wariye Jamal Osman oo sanadkii hore qoray Warbixin uu ku sheegay in Wariyeyaasha Soomaaliyeed laaluush ku shaqeeyaan ayaa todobaadkaan Channel4 Tv ka sii daayay warbixin uu iidheh ugu sameeyay Shirkadda Dahabshiil.
Warbixinta Jamaal Osman waxay aheyd iidheh iyo buun buunin uu si gaara ugu sameeyay Dahabshiil maxaa yeelay waxaa dalka Ingiriiska ku yaal Xawaalada ugu weyn Somalida ee Kaah Express iyo Xawaalado badan sida Iftin Express,Amal Express,Olympic ,Muna,Sahal iyo Hodan Global Express ,hadana marnaba Warbixintiisa kuma soo hadal qaadin. Halkaan ka daawo
Kaah Express oo ah Xawaalada Horyaalka Xawaaladaha Somalida wax saameeyna kuma yeelan xanibaada Barclays Bank maxaa yeelay waxba lagama xanibin.
“Amaanta Jamaal Osman ee Dahabshiil uu ku sheegay Shirkad Reliable ah ,wuxuu ku dilay sumcadiisa Suxufinimo,waxaana hubaala inuu qaatay laaluushka Somalia looga yaqaan SHARUUR” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somalia Mr Dahir Alasow,oo sidoo kalena ah Wariye wax baara oo sedex jeer ay Maxkamad ku taal Netherland is hor fariisteen Dahabshiil Money Transfer.
Dahir Alasow wuxuu tibaaxay in Dahabshiil maalgeliso argagixisada ,isagoo xusay inuu cadeeymo buuxa horgeeyay Maxkamadda sare ee Magaalada Denbosch dalka Holland.
“Maamulaha Dahabshiil wuxuu laaluush siinayaa dhamaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiya si ay uga been sheegaan xaqiiqada laakiin runtu waxay tahay inaan Xawaaladaha maalgeliya argagixisada sida Dahabshiil loo baahneen,waxaana mahadcelin balaaran mudan Barclays Bank iyo dhamaan cid kasta oo ka qeybqaadata sidii loo xanibi lahaa ganacsatada dhaqaalaha siiya argagixisada” ayuu yiri Dahir Alasow.
Maxkamadda Gobolka Minnesota ayaa Dahabshiil ku cadeeysatay inay lacago Sharci daro ugu xawishay laba dumara oo Somalia ,sidoo kalena Wikileaks ayaa sii daayay dukumiinti Cadeeynaya in Wakiilkii Dahabshiil ee Pakistan Mohamed Suleyman lagu xiray Gauntanamo Bay maadama uu Xawaalada Dahabshiil marsiiyay lacagahii lagu qarxiyay Hotel Paradise Mombasa Kenya.
Qurba joogta Somalida ayaa aad ugu faraxday go-aanka Barclays Bank ku xanibay accounts-ka Dahabshiil Money Transfer oo ka mida Shirkadaha maalgeliya argagixisada xasuuqa baahsan ka wada gudaha Somalia.
Somalida isticmaasha Facebook iyo Twitter waxay %65 ku qoreen “ Dadkeena waxaan lacagaha ugu dirsan karnaa Xawaaladaha wanaagsan ee argagixisada aan taageerin sidaas darteed waxaan hambalyo iyo mahadnaq u direeynaa Barclays Bank ,oo xiriirka u jaray Dahabshiil Money Transfer”
Somalida ku hadlayay Facebook iyo Twitter oo u badan kuwa jooga gudaha Somalia waxay saxiixeen Petition ay ku dalbanayaan in la xiro Shirkadda Dahabshiil.
“Intii aan lacag ku dirsan laheyn Shirkadaha taageera argagixisada ,waxaan ku faraxsanahay in la xiro” ayey Somalida badankood yiraahdeen.
Codeeyn ka socota Internet-ka ayey dad gaaraya boqol qof  ku dalbadeen in la xiro Dahabshiil,Halkaan ka daawo ama ka download gareeyso

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.