galmudugnews.com

Home » WARARKA, XULKA Galmudugnews » Halkaan ka Daawo Video Xasan Dahir Aweys oo la dejiyay guri burcad badeeda ka dhisteen Cadaado iyo Ciidamada ilaaladiisa

Halkaan ka Daawo Video Xasan Dahir Aweys oo la dejiyay guri burcad badeeda ka dhisteen Cadaado iyo Ciidamada ilaaladiisa

on Jun 26th, 2013 // No Comment

Views 1620696

Video-gaan lagu duubay telefoonka gacanta ayaa muujinaya Xasan Dahir Aweys oo si xora ugu shaaheeynayo gurigaan quruxda badan oo kooxo burcad badeeda ka dhisteen Magaalada Cadaado.

Sida aad ka arkeeysaan muuqaalkaan waxaa Xasan hareerahiisa jooga ilaaladii ka soo raacday Baraawe.

Sida aad ka arkeeysaan Muuqaalkaan wuxuu Xasan Dahir Aweys ku tiraabay inuu Cadaado uga dhawaaqayo dib u soo celinta Xisbul Islaam taasina waxay ka dhigan tahay inuu weli ku adkeysanayo falkiisii argagixisanimo.

Wararku waxay sheegayaan inuu ku wajahan yahay Dalka Qatar,waxaana laba jaho ka kulaalaya Magaalada Cadaado dagaalyahanada Ahlusunah kuwaas oo dalbaday in loo gacan geliyo.

Xasan Dahir Aweys ayaa ku dhiiran waayay inuu beeshiisa Ceyr u habar wacdo laakiin isweydiintu waxay tahay beesha Reer Xaaji Suleyman ee Habargidir waxa ku qasbay inay nin argagixisa ah martigeliyaan.

Xasan Dahir Aweys waa nin ku jira liiska argagixisada Caalamka ,wuxuuna laayay dad fara badan sidaas darteed sinaba looma magangelin karo,waana in Cadaalada la horgeeyo.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.