galmudugnews.com

Home » QORMOOYIN, WARARKA, XULKA Galmudugnews » VOA-Idaajaa iyo Qabyaaladeynta Suugaanta

VOA-Idaajaa iyo Qabyaaladeynta Suugaanta

on Jun 3rd, 2013 // No Comment

Views 1616688

Idaajaa-qabyaalada

Soddon sano kolkii dowladnimo calanka loo saaray

Sedbursi saar-qabiil suntiis baa laysku wada seegay

Dhowr saf noqotay Soomaalidii waayo saafiga ahayde

Saf waa cararay oo qaxooti bey sacabka doogtaane

Safna gaajo saxariir leh iyo silic ku nool weeye

Safna waa saqiirada  tacliin socota loo diiday

Safna waa federal sillon oo Soomaali kala geeyey

Safna waa Soomaali-diid, sohdintiyo maabka

Safna waa diyaasbaro saldano si xun ku doonaaya

Safna waa safarley sugid-amini seero ka ciyaaray

Safna waa NGO saxal iyo sun wada sino iyo Aidhis

Safna waa sinjidhaan shisheeyaha sir u tebinaaya

Safna waa sixirow suuradihii Rabbi si xun u macneeyey

Safna waa saqajaan bulshada si xun u laynaaya

Safna rasaasaa seedaha jartoo socod ka naafoobe

Safna waaba sama-diid sed hela subaxa lays laayo

Safna waa suugaanley, qabiil saar u tirinaaya

Allow sahal Amuuraha oo samo na-sii saacadda ijaabo  !!!

 

Isbeddellada adduunka ka dhaca dhib iyo dheefba waa laga dhaxlaa dhan kasta miisaanku ha u batee. Jannada ka sokow, nimcada Alle noolaha ku galladay roobka ayaa ugu muhiimsan. Roobku dhul dhintay ayuu dib u soo nooleeyaa oo lagu liibaanaa, lagana helaa tigaad “caws iyo caleen” xooluhu ku naaxaan, dabadeed dadka ayaa ka hela cad iyo caano lagu gaajo baxo. Ha-yeeshee mar baa roob dhulka maasheeyaa oo dalagga beeraha waxyeelleeyaa, mar baa islaan baali/basari ah aqalku ka darooraa oo agabku ka qoyaa, ilmuhuna ka qarqaraan, markaas bey ku duceysataa “Allow ararta iyo aafta roobka ku hoori oo aqalkeyga ka weeci” waa adduun iyo xaalki oo wax qof ku farxo ayaa qof ka naxaa.

 

Maamulkii Siyaad Barre 22kii sano ee ka dambeeyey dad baa burbur u yaqaan, dadna baraare bey u yaqaanniin. Ninkii shalay wadaantu u jileysnayd ee kaligi nintooxsi darka uga cabi jirey, Siyaad dabadi waa u maalin madow iyo burbur, ha-yeeshee bayhoofkii shalay busaaradda iyo daranyadu dilootay maanta waa u baraare, wuxuuna ku wiirsanayaa raggii shalay xaqiisa boobay. Jabkii daraawiishta, gabyaa Geylan Nuur Gurey oo ku diirsaday guuldarrada ku dhacday ina-Cabdulle Xasan ayaa ku maansooday:

 

Laga raysay ruunkii Taleex iyo rafaadkiiye

Laga raysay waayeel run yiri rubad ka goyntiiye

Laga raysay adigoon rucleyn yaa ku rabadiiye

Laga raysay Maandhiin rowliyo reero sii qaxaya

Laga raysay rowdii Shanliyo rogadii taagneyde.

 

Waxa dad burburka u yaqaan dad buu baraare u yahay, tusaale kooban: Maanta Hargeysa toban jibbaar bey ballaaratay, dadkii u dhashayna waa ka taliyaan. 1980kii ka hor guryaha Bosaaso waxay ahaayeen wax ka yar boqol cariish, maantana jaamacado iyo fooqaq isku qoofalan ayaa laga dhisay. Warbaahinta Soomaalida waxaan ka maqlay Jaamacad Saxaafadda lagu barto ayaa Buhoodle laga hirgeliyey. Raxanweyn dagaalkii RRA kadib shirkii Carta-Jabuuti sed Libaax baa la siiyey oo saamigeeda waxaa lala simay beelaha kale. 1950kii reer Baydhabo waxay rabeen FEDERAL, reer Boosaaso waxay rabeen MAAMUL DHEXE oo mideysan. 50 sano kadib reer Bosaaso waxay doonayaan FEDERAL, reer Baydhabo waxay u janjeeraan MAAMUL DHEXE oo mideysan, isbeddelkaasi wuxuu ka dhashay dagaalladii sokeeye Baydhabo waa duntay, Bosaaso cusubna way dhisantay.

Mashaqeystihii shalay turufada ku noolaa, maanta muruqiisa ayuu maalay oo wuxuu bartay sida loo xamaasho, dhagaxa loo jebiyo, guryaha loo dhiso, beeraha loo fasho iyo weliba sida loo ganacsado. Dad waayadii hore ahaan jirey dillaal silloon iyo dulmi ku nool ayaa maanta ku shaqeystay dameeraha, waxayna fahmeen waxtarka dameeraha iyo inay yihiin baahitiraha bulshada xalaalmiiratada ah. Dad gafane ahaan jirey ayaa markey dameeraha rarteen ku salsalay “Gaabane Dameerow, cagta gaaban mooyee, Geel muxuu ku dheer yahay?”. Qab dhalanteedkii, is qal-qalloocintii iyo hawlihii la qarsan jirey waa laga ilbaxay oo maanta xaafadda Suweeto ee Bosaaso waxaa ka furan ganacsi ab-laga-soo-gaar (oldiest business on the planet). Isbeddellada dhacay waa horumar iyo ilbaxnimo adduunka lala jaanqaaday.

 

Maamulkii Siyaad Barre kadib waa burbur iyo waa baraare ayaa weli bulshadu ku muransan tahay. Guul iyo guuldarro, gef iyo samaan taariikhda ayaa ka garsoori doonta. Marka la qiimeeyo waxyeellada ballaaran ee deegaanka “bad iyo berriba” gaartey waa ayaandarro iyo burbur baaxadweyn, balse marka la qiimeeyo sida looga xoroobay qabyaaladeyntii maamulka iyo caburintii shalay iyo qabiil ku faankii waa baraare iyo liibaan. Shalay waxaa dalka ka jirtay warbaahin dowladeed ku jirtay gacan qabiil oo laga buunbuuniyo taariikh beel kaliya lagu ammaano, nasiibwanaag maanta taas waa laga xoroobay oo waxaa hirgalay warbaahin tiro badan oo beel beel loo leeyahay, ninba taagti ha tallaabsado oo adeerki ha ammaano ayaa hanaqaadday. Ararta aan intaas ku hakiyo oo aan abbaaro ulajeedada qoraalka oo ah barnaamijka Axmed Idaajaa ka baahiyo idaacadda VOA.

 

Voice of Idaajaa mase voice of America?

 

Siyaad Barre kadib goortii laga xoroobay caburintii waxaa hanaqaaday warbaahin xor ah iyo qalinley qortay “buugaag iyo maqaallo” horumar laxaad leh ayaa saxaafaddu ku tallaabsatay. Baraha Internet-ka Soomaalida ee beel beesha loo leeyahay, mid ka mid ah ayaan maalin furay, durbadiiba waxaa dareenkeyga soo jiitay cinwaan cajiib leh oo aan aad u jeclaystay wuxuu ahaa “Maansooleydii Mahdi Midgaan”. Shaqsiyan suugaanta aad baan u xiseeyaa, mudnaan iyo muhiimad gaar ahna waxaan siiyaa barashada suugaanta iyo afka Soomaaliga. Maanso iyo Midgaan waa laba arrimood oo qalbigeyga si adag ugu xardhan, waa dareen damiirkeyga si weyn ugu daabacan, horumarintoodu waa hiwaayaddeyda iyo halbeeg aan hiigsado.

 

Si dhugmo leh ayaan u dhegeystay maansadii Mahdi ku duubay www.keydmedia.net  Gabayada Mahdi tirinayo maahan kuwo ku cusub dhegahayga, waa tawtawdii Axmed Idaajaa ku ammaani jirey tolweynaha Daarood, waa taariikhdii la been-abuuray ee tolka Daarood lagu sharfay sebenkii Siyaad Barre. Muddo markaan dhegeystay maansadii Mahdi sharraxayey, waan sahwiyey oo waxaan ka shakiyey miyirqabkeyga, qofka shaashadda ka muuqda ma Mahdi baa mise waa Axmed Idaajaa ayaan kala garanwaayey, Idaajaa miyaa qori-is-maris noqday oo muuqaalkaad ku taqiin beddeshay? Mahdi ma kaaliyaha Idaajaa baa mase waa nin waashay? Mahdi ma Madhibaanka Hargeysaa mase Habar Yaaqubta Gedo? Waxaan kala kulmay hungo iyo haan-marran kadib markaan ka waayey wax siyaado ah oo Mahdi ummadda usoo biiriiyey  aan ka ahayn  torrorogtii Idaajaa, uurka ayaan ka inkaaray Mahdi, meel xun ka bax doqonsanaa daba-dhilifku ayaan habaarkii ku gunaanaday.

 

Caro wasiisiqii kadib, GOOGLE waxaan ku arkay warqad cabasho ah oo Axmed Idaajaa u qoray Keydmedia iyo Mahdi, wuxuu ku andacoonayaa barnaamij aan iskudubariday iyo gabayo aan uruuriyey ayaa Mahdi bililiqeystay. Sheegashada Idaajaa wax dhici kara oo macquul ah ma tahay? Cabashada Idaajaa ayaa ka sii cajiib badnayd beentii dhegahaygu dhibsadeen.  Bulshada Soomaalidu waa war ku nool “oral society” oo waxaa halhays u ah “war helaa talo hela” taariikhiyan gabaygu wuxuu ahaan jirey warbaahin iyo wacyigelin bulshada muhiim u ah. Suugaantu waa diiwaanka lagu xafdiyo afka, waxayna u kala gudubtaa gees-ka-gees geyiga Soomaalidu degto. Hargeysa nin jooga ayaa gabay tiriya kadibna dhowr ayaamood ayuu Kismaayo ku gaaraa, goobaha lagu kulmo ayaa gabayada looga sheekeystaa, jiilba jiil buu u gudbiyaa oo gabayada dhegta ayaa laga xafdiyaa ee wax buug ku qoran oo laga barto ma ahayn. Meselan gabayga “Gudban Gaalo Leged” sida la sheegay Ina Cabdille Xasan wuxuu amray in qof kastoo darwiish ah sida Faataxada u xafdiyo, si loo kala saaro daaraawiishta iyo dadka kale. Waxaa kaloo jira dhowr qarni ka hor gabay la tiriyey oo maanta hal meeris kaliya laga hayo isla markaana aan la aqoon ninkii tiriyey iyo gabaygii oo dhan, balse waxay maanta yihiin murti lagu halqabsado oo aan la oran karin qof hebel baa curiyey.

 

Haddaba weydiintu waxay tahay xuquuqda “copy right” Axmed Idaajaa sheegtay maxay cuskan

tahay? Salaan Carrabey, Cali-dhuux, Ayax-dhowre, Jaamac Shalaqbeen, Faarax Seefey, Edan Yaaha, Maymuun Biyow iyo kuwo kaleba waa hal-abuureyaal la xushmeeyo suugaantooda. Gabyaaga bulshadu wada taqaan, haddii Mahdi soo xigto xuquuqda Idaajaa ku sheegan karo maxay tahay? Kolley sida Idaajaa u maqlay oo kale ayaa Mahdina u maqlay ee maxay ku kala xigaan? Ninba dahab lumay si u doondoon. Jawaabta waxaan u dhaafayaa akhristeyaasha, waxayse aniga iila muuqataa xuaquuqda Idaajaa sheegtay inay ku saleysan tahay seddax arrimood oo Idaajaa si dhab ah u aaminsan yahay:

1-   Gabayada Mahdi ku celceliyey sida la sheegay waxaa curiyey rag Daarood ah. Marka dhanka qabiil ku faanka laga eego, doodda Idaajaa waa xaq haddii ay sarbeebtu tahay “dhaxal Gorayo Dhebed baa leh” oo gabayadii ragga Daarood curiyeen anigaa iska leh, qof kaloo ku luuqeyn kartaana ma jirto.

2-   Barnaamijyada Axmed Idaajaa Idaacadaha ka baahiyo sida laga dheehan karo, Axmed Idaajaa wuxuu aaminsan yahay asalkii hore afka Soomaaliga inuu allifey Raage Ugaas, murti iyo maahmaah inuu curiyey Qamaan Bulxan, gabayada asalkoodii horena inuu allifey Ina Cabdille Xasan, qof aan Daarood ahayn inay suugaan Soomaaliyeed ka hadasho inay dembi weyn oo ciqaab lagu muteysto ay tahay. Alexander Pushkin oo ahaa gabyaa Ruush ah, awowgiisi labaad wuxuu ka mid ahaa addoontii laga qaaday Afrika. Maadaama Pushkin ahaa nin madow, Axmed Idaajaa wuxuu si dhab ah u aaminsan yahay Pushkin inuu ahaa gabyaa Daarood ah oo ilma adeer la ah Wiil Waal.

3-   Xeeldheereyaasha dhulka ka baara raadka dadkii hore, dhowr bilood ka hor badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Siishalis waxay ka heleen jasiirad aasantay oo 2 billion sano ka hor badda ka hoosmartay. Warbixinta xeeldheereyaasha marka laga shidaalqaato waxaa cad qowmiyadda Soomaalidu inay geeska Afrika ku noolayd dhowr billion oo sano, doontii Nabi Nuux kadib. Garashada habboon waxay na tuseysaa, intii Soomaalidu jirtay hidde dhaqan iyo suugaanba waa jireen. Ayaandarro Axmed Idaajaa wuxuu aaminsan yahay ummadda Soomaaliyeed in Alle geeska Afrika ku abuuray qarnigii 19aad oo suugaanteedu kasoo billaabatay Raage Ugaas.

 

Baga oo belaayo ku asiibtay Mahdi waa mudnaay in sidaas loo bahdilo oo tuug lagu sheego. Nin reer Galgaduud ah ayaa arkay oday geelii dhugato uga dhacday, markaas buu ku yiri “Mataan Geelcad iyo darantii Bulucle” adigoo heli karay maxaa geelaaga ka waraabiyey ceelka Gujaale oo ah dal xun, baga in geel la’aan kugu dhacdo waad mudan tahay. Beesha Gabooye dagaalka iyo suugaanta horyaal bey ku yihiin oo waa looga dambeeyaa. Mahdi isagoo heli karay boqol Gaboy oo loo aqoonsan yahay horyaalka gabyaaga, maxaa ku kallifey inuu ku celceliyo gabayada raggii Idaajaa hore u ammaanay. Mahdi wuxuu heli karay: Geylan Nuur Gurey, Ayax-dhowre, Maxamed Diiriye Uurgub, Saciid Muuse Sh. Madhibaan, Cali Xuseen Xersi, Xasan Qaraab, Xuseen Aw Faarax, Yuusuf Maradoon, Laashin Rooble iyo gabyaa kaloo loo qirsan yahay heer qaran. Ebbow hanuuni oo hantidiisa tus iyo hal-abuurka tolkiis ee hibada maansada Alle ku galladay. Malaha Mahdi maskax farad buu qabaa ama maanka ayaa laga gumeystay, inkaarta iyo digashada aan ku riday waa mudan yahay, maxaa yeelay doqon Nabi Muuse ayaa habaaray. Mahdi wuxuu la mid yahay: nin dahab ku beddelanaya maar, nin geel ku beddelanaya riyo, nin malab ku beddelanaya dacar, nin aqoon ku beddelanaya jahli, nin Soomaalinimo ku beddelanaya qabyaalad, nin waddaniyad ku beddelanaya jaajuusnimo.

 

Axmed Idaajaa waa fariid u guntaday ammaanta tolki, waqti badanna ku lumiyey uruurinta suugaantooda, marka la qiimeeyo habdhaqanka qabyaaladda cuskan ee Soomaalidu caanka ku tahay, hawshaas uu tolkiis u qabtay billad iyo bogaadin buu ku mudan yahay oo wuxuu la mid yahay geesi cadow soo laayey geelna soo dhacay. Dadaalka xad-dhaafka ah ee Axmed Idaajaa u galay iskudubaridka gabayada Daarood, waxay u egyihiin baaq si dahsoon loogu tebiyey beelaha kale oo lagu baraarujinayo been-abuur iyo buunbuunin ay suugaan-yahanka tolkood ku ammaanaan. Barnaamijka Axmed Idaajaa ka baahiyo idaacadda VOA runtii waa ku-maxaafsi cilladeysan, maxaa yeelay magaca iyo ficilku waa kala tagan yihiin. Idaajaa wuxuu warka ku billaabaa “waa barnaamijkii dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida”. Ha-yeeshee marka la qiimeeyo murtida iyo macnaha waxaa habboon in la dhaafo been-abuurka afka baarkiisa ku siman oo Idaajaa warkiisa ku billaabo “waa barnaamijkii dhaqanka iyo Suugaanta Daarood”.

Akhriste fadlan fur website-ka VOA laanta afka Soomaaliga kadibna tirokoob magacyada dadka suugaantooda lagu soo bandhigay qeybta “hiddaha & dhaqanka” dabadeedna si cadaalad ah uga garsoor in barnaamijyadaasi qaadan karaan magac Soomaaliyeed iyo in kale. Warbixin cinwaankeedu ahaa “Idaajaa oo idaacada VOA u beddelay Radio Daarood” oo website-ka “Hoyga Suugaanta” soo bandhigay barnaamijka Axmed ka baahiyo VOA suugaan-yahanka lagu xusay, waxay ka kooban yihiin 79 shaqsi (63 waa Daarood, kala 16-ka kale yihiin Soomaalida kale). Magaca barnaamijka iyo murtida Axmed Idaajaa waa kaaf iyo kala dheeri. Sidaas awgeed waa lagama maarmaan in erayga Soomaalida lagu beddelo Daarood. Waddamada reer Galbeedka 1994 maaglada Rome-Italy waxay ku aas-aseen hay’ad ay ugu waqlaleen “International Criminal Court”. Ameerikaan si cad uu diiday oo wuxuu ku andacooday waan ka sarreynaa maxkamaddaas, Yurubna si dadban bey u diideen, waxqabadkii maxkamaddu wuxuu dhaafi waayey ugaarsiga Madaxda Afrika. Magacii maxkamadda ee ahaa “International Criminal Court” hadda waxaa loo beddelay “African Case Court”. Runtii waa magac ku habboon oo ay mudan tahay maxkamad ku sheegta Hoygeedu yahay Holland.   http://www.hoygasuugaanta.com/VoaSomali.html

 

Habdhaqanka Idaajaa wuxuu ka turjumeysaa cadaaladdarradii iyo xishood la’aantii adeerki Siyaad Barre 21kii sano ee Kacaankii Luggooyo Soomaalida wax ugu qeybiyey ee ku biyoshubatay (65 Jineraal Daarood iyo 8 Jineraal Isaaq. 13 Safiir Dhulbahante iyo 1 Abgaal. 10 G/Sare oo wada dhashay ilma Jaamac Gurey. 1990kii Safiirrada Isaaq iyo Dashiishle waa isla ekaayeen oo waxay kala ahaayeen Xuseen M. Bulaale oo joogay Turkia iyo Axmed Shire Maxamuud oo joogay East Germany. Qoraalkan oo faahfaahsan waxaad ka heli kartaa buugga Sababihii Burburka Soomaaliya, bogagga kala ah: 81/82, 147/150, 158/166). Bahal ceeriin ma daayo ninna caadadi ma baajo. Baydari biciid qashay ayaa deriskii siiyey madaxii, waase saluugeen, Baydarigii oo la yaabban sida ay u qawadeen qeybta wanaagsan ayaa ku yiri deriski “haddaan idin siiyey: labadii ursheen iyo labadii maqleen iyo arkeen, dhaydhaylihii iyo dhanxanaggii dhambasha la’ekaa, maskaxdii moolka ka buuxday iyo maqaarkii madaxa, maxaa idinka maqan?).

 

Sida cadaaladda iyo hufnaanta ah ee Axmed Idaajaa suugaan-yahanka Soomaaliyeed wax ugu qeybiyey malaha wuxuu ka hidde-raacay wax qeybintii Baydariga. Xishood la’aanta iyo gaboodfalka Siyaad Barre iyo Axmed Idaajaa waa dhaqan guud oo ay ka hidde raaceen tolweynaha ay ku abtirsadaan. Maamuus iyo sharaf, manfac iyo madaxtinimo, wax walba aniga ayaa mudan waa mushkilad marax xun laga dhaxlo. Dib u eeg sooyaalka Soomaaliya, madaxdii hirgelisay cadaaladarada, qabyaaladda qaawan iyo kadeedka ummadda, waxay ku dambeeyeen khaatumo xumo, iyagoo qoomameynaya ayey qaxooti ku dhinteen (Sayid Maxamed, MSBarre & Cabdullaahi Yuusuf) goobtey ku geeriyoodeen iyo guuldarradii ku dhacday, yaan la illoobin. Qofkii hadimo abuura hubaal isagaa halisteeda hela.

 

Alle wuxuu ballanqaaday in maalinta Aakhiro cadaaladda la taam yeeli doono oo noolaha loo garsoori doono. Adduunyada cadaaladdi kama jirto. Dagaalkii 2aad kadib saraakishii Naziga Jarmalka, iyagoo dahab iyo dollar jeebka uga buuxo waxay u guureen Latin Ameerika, halkaasna madax bey ka noqdeen. 21kii sano ee Kacaankii Luggooyo Axmed Idaajaa iyo Aw Jaamac Cumar Ciise waxay qalabka warbaahinta qaranka ka joogteeyee taariikh la been-abuuray oo loo nisbeeyey tolweynaha Daarood. Taas ka sokow, Manaahiijta Waxbarashada ayaa lagu daray oo ardayda Soomaaliyeed inay xafdiyaan khasab baa looga dhigay. Halgan dheer oo dhiig badan ku daatay kadib waxaa lagu guuleystay in dalka laga tirtiro quraafaadkii Idaajaa iyo Aw Jaamac ku sheegeen taariikh qaran, xaashiyihii ay xarxariiqeenna waxay la aadeen Gedo iyo Sool. Nasiib badanaa ma Nazigii Jarmalkaa, Aw Jaamac been-abuurkii wuxuu ula tegay Madaxweynaha Jabuuti wuxuuna ku beerlaxawsaday waa taariikh Soomaaliyeed oo si lumeysa ee fadlan daba-qabo oo daabac, qorshahaasna waa ku guuleystay. Axmed Idaajaa isna tororogtii wuxuu ula tegay Madaxa VOA laanta afka Soomaaliga, wuxuuna ka dhaadhiciyey waxaan hayaa suugaan Soomaaliyeed oo barashadeedu bulshada muhiim u tahay.

Nin geed dheer koray ayaa markuu figta sare gaarey laani la jabatay, isagoo bed-qaba markuu dhulka ku dhacay wuxuu yiri; “kaba fiican oo degistii ka hawl yar”. Radio Muqdisho waaba ka dallaceen oo waxay heleen madaxweyne deeqsi ah iyo idaacad calami ah, halkaas ayey si toban jibbaar ah uga sii miiseen taariikhdii been-abuurka ahayd iyo ammaantii Daarood, todobaad walba idaacadda VOA waxaa laga baahiyaa geeraar oday Daarood ah tiriyey iyo baraanbur habar Daarood ah tirisay, waa sida Idaajaa ku xiiqay. Dhegihii bulshada waxaa qabsaday afar oday oo ay Idaajaa isku beel yihiin, VOA oo idaacad Idajaa noqotay iyo marinhabaabinta aad baa loo dhibsaday.

 

Sannadkii 2011 suugaanley iyo qalinley (aniga iyo Boobe Yuusuf Ducaale  ayaa ka mid ahaa) kala joogay Xamar iyo Hargeysa ayaa la xiriiray madaxa VOA laanta afka Soomaalida, waxaan u sharraxnay cilladaha barnaamijka Idaajaa, waxaanna codsaday in la joojiyo ama ugu yaraan lagu barxo suugaanley kale. Halayga war-sugo iyo wax baan ka qabanayaa waxay qaadatay 2 sano iyo dheeraad, haddana waxba kama soo naasa-cadda. Carruurta qurbaha ku dhalatay sida ay u badan yihiin, waxay ila tahay carruurta madaxa VOA in aysan wax aqoon ah u lahayn af Soomaali iyo suugaan midna, wax su’aal ah oo barnaamijka Idaajaa ku saabsanna uga imaan doonin qoyskiisa. Waxaase taagan weydiin warcelin hufan u baahan.

 

Soomaalida geeska Afrika deggan ee Idaajaa marinhabaabiyey hadday madaxa VOA laanta afka Soomalida weydiiyaan xeerka waajib nooga dhigay inaan dhegeysano tororogta Idaajaa xaggee laga tixraacay? Ma beelaha kale ayaan lahayn gabyaa iyo suugaanyahan? Taariikhda maansada Soomaaliyeed ma Raage Ugaas bey kasoo bilaabataa? Maxaa kallifey in maskaxda ummadda Soomaaliyeed lagu majara-habaabiyo suugaan beeleed bogga ka raran iyo in lagu beero taariikh been-abuur ah? Madaxa VOA muxuu kaga jawaabi doonaa? Ma qiyaasi karo jawaabtiisa, waxayse u dhowdahay “nin dharbaaxyo quureed dugsaday dhaqayadeed maal. Indha Low ku yaal ma arkaan addinkood. Qalbi laawe Qur’aan lama baro. Aragti gaaban idahaa ku luma. Doqoni dubaax iyo dareen midna maleh”. Gaboodfalkii gulufkii dooxatadii daraawiishta (Shabaabkii waagaas) nin gocanaya ayaa loo sheegay geerida ina-Cabdulle Xasan, markaas buu isagoo faraxsan yiri “Waatey Alleba kala go’een gooshigii hore’e — sidee buu Aakhiro ugu galbaday doqonsanaa Gaalku!”. Madaxa VOA-Somali oo 1980-yadii ka shaqeyn jirey Warfaafinta Soomaaliya, malaha weli waxaa hortaagan tookhii ahaa “halkani waa Radio Muqdisho codka beesha hubeysan iyo gabay Nugaali lalama karo guurow Cadale” wuxuuse mooggan yahay beelaha Soomaaliyeed inay maanta wada hubeysan yihiin oo ay kala xoroobeen. Waxaa kaloo jiri karta garasho la’aan iyo aragti gaaban. Xayawaanka loo yaqaan “Qarandi” maalin iyo habeen markasta waa fooraraa, wuxuuna dayax arkaa habeenka 15aad markaas buu yiraah “bileey bil caanood araggaagu waa noo abshir”.

 

QABYAALADEYNTA FANKA:

Horumarka Teknoloojiyaddu ku tallaabsatay waa lagu liibaanay. Dhowaan shirkad lagu magacaabo ROKU ayaa soo saaraty sanduuq  la yiraah “digital media receiver with satellite dish” oo laga daawan karo laguna duubi karo boqollaal “channel”. Koox hayb la ah Axmed Idaajaa, ayna isku fekrad yihiin ayaa dhowaan aaladda ROKU ku kordhisay  “channel” cusub oo Soomaalida gaar u ah, waxayna ku duubeen (taariikhda beshooda, horumarka Puntland, Khaatumo State, Jubbaland Forum iyo madaxdii beesha C/rashiid Cali Sharmaake ilaa Cabdiweli Gaas. Muxaadaro ay jeedinayaa rag 90%  isku hayb ah, fannaaniin 90% isku hayb ah oo xiddigaha ugu caasan yihiin: Axmed cali Cigaal, Maryan Mursal iyo Saado Cali Warsame oo fankaba hakad gelisay si ay heeso guubaabo ah uga tiriso Khaatuma State iyo Jubbaland).

In fanka la qabyaaladeeyo waa maan-gurracan iyo garasho jaan, waa geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. Woqooyi-Bari ilaa Soomaali Galbeed waxaa ku badan gabayga, sababtoo ah waa dhul colaadeed oo geel dhicista iyo gabdha kufsiga caan ku ah, furaha gabayga waxaa laga billaabaa “xalay gelin dhexaadkii markaan gogosha qaban waayey — gocasho ciilkii markii gama’ la ii diiday”. Gobollada Koofur Galbeed taarikhiyan waxay ahaan jireen nabad iyo barwaaqo. Beertoo baxday, balligoo xareed buuxdo iyo berrin barwaaqo xoolo dhalay lagu maalay, barwaaqadaas iyo baraarahaas adduun qof ku nool hiwaayadiisu waa hees iyo ciyaar. Furaha ciyaarta iyo heesaha waa “bilaney bil nuurey, boqorkii haweenkaay, Barniyeey ila bashaal, oo ciyaarta soo bood”.

 

Tolweynaha Daarood oo taariikhiyan aan hidde dhaqanba u lahayn “hees iyo ciyaar” inuu fannaaniintii qabyaalad dhex dhigo waa ayaandarro iyo uurkutaallo laga qoomameeyo. Sida fanka loogu kala horreeyo bal tirokoob oo isbarbardhig, fannaan sare “star singer” beesha Murusade waxay ka badan yihiin “star singer” tolweynaha Daarood oo dhan. Kooxda aaladda ROKU wax ku duubtay, sow uma muuqato qof qaawan oo qof lebbis qurxoon ku xaragoonaya wax ka sheegaya. Jaahil mufti asleyn “Qur’aanka & Axaadiista” yaqaan wax ka sheegaya. Afgarooc abwaan aftaham ah wax ka sheegaya. Sabool hanti ugu faanaya maalqabeen. Fanka casriga ah waxaa hirgeliyey Isaaq iyo Gabooyaha, ayaandarro aaladda ROKU fannaaniinta ka muuqata kuma jiraan heesaagii heer qaran “star singer” ee bulshadu codkooda jeclayd. Turub waa Biig iyo Ran, wax kastana labadaas bey ka kooban yihiin, “media box – Roku” heesaaga ku duuban waa Biig-gii, ha-yeeshee Rankii fanka Soomaaliyeed qabyaalad darteed ayaa looga tegay. Qof geedo tiriyey ee YAAQ ka tegay geedo ma tiring. Qof boqoradda codka tiriyey ee ka tegay (Tubeec, Dhuulle, Shoolli & Moogeyaal .. Magool, Maandeeq & Nimco Yaasiin, Cabdinaasir Macalin Saciid, C/qaadir Jubba, Lafoole, Salaad Darbi, Khadra Daahir, Bin-Calwaan,Cabdi Tahliil) fannaan ma tiring ee waa riyooday.

 

Soomaali qabyaalad ha-dhaafto waa bahal ceeriin ha-dhaafo. Kooxda “Channel” cusub sameysay waa haybadleyaal ku tallaabsaday horumarka tolkood, waa hidde dhaqan soo jireen ah oo abed-ka-abed lagu yiqiin reer Puntland, hawshaas ay beeshooda u qabteen ammaan bey ku mudan yihiin. Weydiinta warcelinta u baahan waxay tahay, dadka “media box” lacag xad-dhaaf ah ($240) uga iibsanaya ma miyirqabaan, maxayse ka macaashayaan inay dhegeystaan Biig beel ka kooban? Haweenka hoy fadhiga ah ee“media box” iibsada dib ha u fekereen oo maanka ha shaqeysiiyeen. Fanku caaddifad qabiil kuma saleysna ee wuxuu ku dhisan yahay dookh iyo hiwaayad. Dad aan waxba ka aqoon miraha iyo macnaha ayaa aad u jecel “tone-ka” fannaan Suudaani ah sida Maxamed Werdi. Fili maayo qof heli kara Magool iyo Mooge, Tubeec iyo Nimco Yaasiin inuu dhegeysanayo kooxda loo yaqaan “fannaan fowdo”. Laashiin Rooble wuxuu ku shirbay; “Rumaan la sheegine nabee rati dameer ka raad qurxoon”.

 

Sida muuqata Soomaaliweyn kala socotay oo midnimo waa laga salguurey, saar qabiil ayaa si qotadheer loo la saqraamay. Guurti qabiil baarlamaan lagu sheego iyo dowlad goboleed ayaa lagu mashquulay. Qarnigaan la sugi maayo maamul mideysan oo ka taliya Baki ilaa Badhaadhe. Milateri haybad leh iyo maamul toolmoon. Madax cadaalad ah iyo shacab doonaya wadajir iyo walaaltinimo. Wax walba Soomaalidu waa ku kala tagtay, waxayse weli ka mideysan tahay afka guud “Lingua Franca” iyo midabka. Dadka isir ahaan ku abtirsada “Himatic” oo muuqaal ahaan isu-eg darteed, muuqaalkii Soomaalidu muran buu galay oo way adag tahay in midab ahaan loo kala sooco Soomaali-Ereterian-Sudan. Walow gobollada laga dareemi karo kala duwanaansho yar sida (gabay iyo guurow, dhaanto iyo gabley shimbir) haddana fanka Soomaaliyeed farqi weyn uma dhexeeyo, ayaandarro maanta dad baa u tafaxaytay in fanka weji qabiil loo yeelo. “Meel aadan ka uunsan jirin haddaad ka uunsato, meel aadan ka guban jirin baad ka gubataa” waa maahmaah bilis-xaawaley gaar u ah. “Geelow geed walba daaq ee markaad ciin daaqdaa lagu yabaa” waa maahmaah geelleyda gaar u ah. Qabyaaladdu markey ku milanto fanka isla markaana qabiil kasta ku andacoodo afkayagu waa ka beddelan yahay afka reer hebel oo isma fahamno, waxaa la garaacay albaabkii rejo beelka, waxaa loo ood-jiiday jiritaanka Soomaali mideysan. Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka kusoo koobo:

Dawgan weli waxaa jira, doorkan jooga dunidoo

Niman aan ka daalayn, kala dilista shacabkiyo

Inay kala diraan ehel, damacaan dhamaan iyo

Beentii dorraad weli, deelqaafkii waa hore

Dadka waan ka mudan nahay, iyo damacii Sheydaan

 

Abdulkadir  Osman  “Aroma”

Shirwac55@hotmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.