galmudugnews.com

Home » WARARKA » Musuqmaasuqa Dekadda Muqdisho oo xoogeeystay iyo Cabashada Muruqmaalka

Musuqmaasuqa Dekadda Muqdisho oo xoogeeystay iyo Cabashada Muruqmaalka

on Apr 19th, 2013 // No Comment

Views 162708

Ku :- Saxaafadd Madaxa Banaan ee Gudaha iyo Dibadda.

Ujeedo:- Cabasho Muruqmaalka Dekadda. Tar:- 11/04/2013

Anagoo ah Muruqmaalka Dekada Xamar waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa  Cabashadeena ku aadan musuqmaasuq dilooday Dekada Muqdisho,  waxaana jira in koox ka tirsan maamulka Dekada ay isku biirsadeen in ay qalinka ku dhacaan wax aan dusheena ku xamaalno iyagoo samaystay shirkad ay ula magic-baxeen (M.M.D.) iyagoo aanan ka mid ahayn Muruqmaalka Dekadda Xamar.

Hadaba waxaan ka Cabanayna  kooxdan u Samaystay Shirkada M.M.D  in ay ku cunaan Dhiddka Muruqmaalka iyo Musuqmaasuq iyo Awood sheegasho baahsan oo ka jirta Maamulka Dekada Xamar.

Hadaba waxaan ugu Baaqaynaa Madaxda sare ee Dawlada in ay soo farageliso arinta dekada xamar islamarkaana ay wax ka qabato dadka usoo xaytay in ay lunsadaan  lacagta xamaalka iyo dhididka Muruqmaalka, waxaana intaas dheer in aan kala kulanay maamulka dekada Handadaad, jirdil iyo xarig iyado waxa intaas oo dhan naloogu samaynayo  ay tahay waxa aan dusheena ku xamaalnay. Waxanaa nalagula dhaqmaa waxaan ku saaro Qaado , Waxaan ku siiyana qaado hadii kale iska bax.

Waxaa intaas dheer in Saldhiga dekada uu naga xiray 3- Qofood oo muruqmaalka  dekada ah  waxaana si sharci daro ah  loo gudbiyay Gaalshiro  iyadoo aan wax maxkamad ah la saarin, sidoo kale waxaa jira dad ay afduub ahaan ugu xirteen guryahooda oo ka soo fakaday.

Waxaana dhibkaas nalagu haayo isku bahaystay shaqsiyaad ka tirsan maamulka Dekada xamar oo ay ka mid yihiin.

1:- Maareeyaha Dekada  C/llaahi Cali Nuur iyo K/xigeenadiisa.

2:- Gudoomiyaha Muruqmaalka  Qaliif Maxamed Ugaas

3:- G/Xigeenka Muruqmaalka Yuusuf Warsame Afrax

4:- Maxamuud  Cosoboow Afrax – Gudoomiyaha Majakuusi

5:- Cabdi Yuusuf Axmed (Cabdi gab) G/Xigeenka Majakuusi

6:- Axmed Xasan Wataac – Madaxa Sheegashada ahna la taliyaha Maareeyaha.

Sidoo kale waxaa jirat in Dacwado ka dhan ah Dadkaas aan u gudbinay  Maxkamada gobolka taasina aanay waxba ka soo naasacadaan isagoo noogu hanjabay in uu gaalshiro noo dirayo hadii aan dacwado kale ka qorno dadka dhididkeena cunayo

Hadaba waxaan Warbaahinta u sheegaynaa in hadii nala dilo ay na dileen dadkaas, hadii nala xiro ama jir-dil naloo gaysto iyana waxaa ka dambeeyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Xaashi iyo taliyaha Saldhiga Booliska Dekada

Afhayeenada Dhibanayaasha Muruqmaalka Dekada Xamar.

1:-  C/Qaadir Maxamuud  xareed                                    0615526275

2:- Maxamuud raage macoow (baanaroma)                 0615531630

3:- Maxamed Maxamuud Xasan (foodeey)                     0699977729

Mahadsanidiin .

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.