galmudugnews.com

Home » WARARKA » Universal TV oo u xuubsiibtay Puntland TV – Boob & Bililiqo waa soo jireen

Universal TV oo u xuubsiibtay Puntland TV – Boob & Bililiqo waa soo jireen

on Apr 12th, 2013 // No Comment

Views 168959

Daaraha xusuustiyo, hadba midab la doortiyo.

Diirka lagu mariimoo, shanta daadsan yaaliin.

Deeqdaas la yaabka leh, duco waalid soo hoyn.

Carshigana kasoo degin, dal shisheeye loo tegin.

Duullaana loo gelin, ninka weel darsanayee.

Digashada saboolkiyo, ku darsaday bareeraha.

Miyaan eedi daba ool, godobtiisu dedanaa.

Tixdii M. W. Hadraawi

Qofka qaba cudurrada dhimirka marka laga tumo saarka oo ay jiibka iyo jaanta isla helaan ‘calaqadka iyo caawiyaashiisu’ wax baa ka dhex guuxa, markaas baa calaqadku yiraah daawadii waa la helay oo waxaa ka dhex hadlay “jin ama rooxaan ama fiqiburaale” taasi waa ninba xeeladi ku xoogsay. Marka loo kuurgalo habdhaqanka bini-aadamka, waxaa la ogaaday kali ama koox  waxaan muuqan inay ka dhex guuxayaan.

1990kii kadib hirgelintii nidaamka “New World Order” adduunk oo dhan waxaa ka dhex guuxaya “Internet iyo afkaar Ameerikaan”. Xisbullaah waxaa ka dhex guuxaya Iiraan iyo afkaartii Ayatullaah Khoumeyni. Daalibaan waxaa ka dhex guuxaya Al-qacida iyo afkaartii Usma bin Ladin. Madaxda Shabaab waxaa ka dhex guuxaya Somaliland oo hadafkeedu yahay inaan reer Koofur degin si loo aqoonsado. Jubbaland waxaa ka dhex guuxaya Puntland. Somaliland waxaa ka dhex guuxaya Isaaq-land. Puntland waxaa ka dhex guuxaya gacansarreyn Maxamuud Saleemaan. Madaxweyne Goboleed waxaa ka dhex guuxaya dardaarankii RW Miles Zenawi ee ahaa in Soomaaliya noqoto maxmiyado yaryar oo deegaan qabiil ku dhisan. Aljazeera TV waxaa ka dhex guuxaya Amiirka Qatar. Universal TV waxaa ka dhex guuxaya Puntland iyo belaayo hurin.

22kii sanee fowdada qaamuuska siyaasadda Soomaaliya waxaa kusoo kordhay erayo tiro badan waxaa ka mid ah “four point five, looma dhamma iyo wallee cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey”. Caleemosaarkii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, durbadiiba waxaa ka horyimid mucaarad hadafkiisu yahay wallee cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey”. Dhowr jaho ayaa dagaal iyo cuuryaamin looga furay waxaa ka mid ah: (Sicir-barar iyo sarifkii dollar oo hoos u dhacay, shirka Jubbaland, kufsiga haweenka, musuqa garsoorka, maxaabiis xabsiyada laga la baxay oo meydkooda xaafadaha la waray, canshuurtii qaranka oo shaqsiyaad qaataan, dastuur qodobadiisa lagu muransan yahay, xildhibaanno lagu naaneysay “fadlan lacag ku shubo”, jineraallo jaahileen ah oo hoggaankii ciidammada ku-hor-gudban, hadal-haynta hantida la kala haysto iyo jallaafooyin badan oo biyadhacoodu yahay dowlad ma jirto hadday jirtana maamulkeedu ma dhaafsana Banaadir ilaa Beledweyne). Maamulka Xasan Sh. Maxamuud wuxuu la mid yahay qof afarta addin ka dabran oo laga doonayo inuu horyaal ka noqdo orodka Marathon-ka, taasina waa maan-gurracan iyo garasho-jaan.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud in la mucaarado dad baa waajib u arka, aragtidooda waa dembiile mudan in la deldelo oo sababtu maxay tahay? Siyaasi kastoo loo doorto Madaxweynaha Ameerika waajib uusan ka baaqsan karin waxaa ku ah inuu marka hore tago Qudus oo lasoo khaliifo, madaxana loo saaro koofiyadda Yuhuudda, hadduusan koofiyadda dhunkan oo amarka Yuhuudda qaadan maamulkiisu ma shaqeyn karo. Sida muuqata hidde-dhaqan soo jireen ahaa ayaa Madaxweyne Xasan jebiyey, sababtoo ah maalintii la doortay ma tegin Garoowe oo kama soo tuf iyo tahliil qaadan Puntland isla markaana RW uma magacaabin siyaasigii Faroole soo xulay. Madaxweyne Xasan wuxuu gees-maray oo ka tallaabsaday shinsigii Puntland ka rejeyneysay Budbud iyo Biyo-cado ee nuxurkiisu ahaa markasta in mudnaan gaar ah la siiyo. Sidaas awgeed Madaxweyne Xasan waa dembile dilkiisu xalaal yahay.

Sida la tuhunsan yahay oo hadal-hayntu u badan tahay, mushkiladaha maamulka Xasan ku furan waxaa laga soo maleegay Garoowe, faafinta iyo buunbuuninta waxaa qandaraas lagu siiyey Uni-TV. Milkilaha Uni-TV oo ah Banaadiri waxaa loo aqoonsanaa ganacsade ka madaxbannaan xurgufta iyo loollanka ka dhexeeya Soomaali Maryooley, wuxuuse hadda lugaha la galay dhiiqada. Uni-TV wuxuu u eg-yahay mid u adeega Puntland, malaha markii horeba iyaga ayaa maalgeliyey. Xantu waa badan tahay: sheekaa leh Uni-TV asalkii hore waxaa lahaa Baariyow oo agoontii ayaa laga dhacay, oo hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. Sheekaa leh Uni-TV milkiyadiisa rasmiga ah waxaa iskaleh curadka Faroole. Sheekaa leh Uni-TV waxaa iskaleh ganacsato reer Puntland ah oo milkiile ku sheegu waa “cover” magaciisa lagu shaqeysto. Sheekaa leh waa tabcane la tababaray  amase waa seedi la sidkay amase si gaar ah ayaa loo gunneeyey.

Maalmahaan waxaa diiradu saaran tahay oo Uni-TV joogteeyey baahinta barnaamij loogu magacdaray “hantida la kala haysto”. Dad baa dugaag iyo diirato lagu suntay, dadna dulmaneyaal xaqoodii xoog lagu haysto ayaa lagu sheegay. Si muqaalka barnaamijka loo qurxiyo dadka dugaagga iyo diiratada lagu sheegay, weriye ku hayb ah ayaa daadihinta barnaamijka loo xilsaaray. Weriyaha oo madaxa loo geliyey koofiyadda dheer ee xujeyda Nigeria waa taltaliini ku wanaagsan tebinta warka, waa xariif kara warka mase kaso macnaha warka. (http://www.youtube.com/watch?v=WM4or1TomiI. Arag sida loo siyaasadeeyey beenta qaawan). Waayadii hore wiilka dhasha, canshuur la yiraah SAMAYO ayaa laga bixin jirey oo la siin jirey shaqsiyaad guryaha umulaha ka qaraabta. Sebenka danaysiga waxaa soo ifbaxay awrkiraale cusub oo la siiyo SAMAYO waxaana lagu naaneysay “aan ku dhahee dhuunta ii qoy, afka ii buuxi aan eed ku galee” (Call-box or pay as you go simcard). Dad lasoo xulay oo dulmaneyaal lagu sheegay ayaa barnaamijka lagu martiqaaday, dadkii lagu sheegay hororka hantida islaameed xoogga ku haysta, inay barnaamijka ka qeybgalaan waa loo diiday. Waajibaadka warbaahinta waxaa ka mid ah tebinta warar dhexdhexaad ah oo labada dhanba la wareystay. Uni-TV wuxuu dhowaan baahiyey wareysi uu Bosaaso uga soo qaaday Mudane Cambacambe oo sheegtay inuu yahay milkilaha Hotel Degel oo ku yaal km4 Xamar, balse xogwareysi iska-daaye xataa magaciisa lama xusin Mudane Daahir Bekiin oo hadda gacanta ku haya Hoteel Degel, taasi waxay muujineysaa dhan u xaglin iyo warbaahin aan la dheellitirin. Mr George Orwell qoraagii caanka ahaa wuxuu yiri “All men are created equal but some are more equal than others”. Saxaafada haddii si xun loo adeegsado waa sun sumcadda disha. Dadka Uni-TV u gefay waxay xaq u leeyihiin marka hore inay sharciga u dacwoodaan, marka labaadna inay qaadacaan gebi ahaanba adeegga Uni-TV, sida xayeesiinta. Gef iyo gardarro waa arrin lagu yaqaan Uni-TV oo hore ayuu ugu gefey reer Jabuuti iyo reer Somaliland. Mowqif cad ayey ka qaateen oo deegaankooda waa ka mamnuuceen Uni-TV, sidaas oo kale dadka loo gefey ee dugaagga iyo diiratada lagu tilmaamay waxaa la gudboon inay warbaahinta Uni-TV ka joojiyaan deegaankooda.

Kudhaa barigiisa,

Kamsuma agteeda,

Xaalufinta keynta,

Keenyaanka dantiisa,

Kablalaxa shiraaya,

Maamulka Kismaayo,

Kaalinta Garoowe,

Sidii kontonkii,

Kadeedka dadweyne,

Kikuyo jaceylka,

Midnimo kadabgoynta,

Kolley soconmeysee,

War-ka-jooga tolow.

Xisbiyada Ameerika waxay isla ogol yihiin isreeb-reebka in musharaxiinta loo qabto Talaadada tartanka ugu dembeysa “Super Tuesday” isla markaana doorashadu dhacdo Talaadada ugu horreysay bisha Nofember. Waxaa jirta been bulshada Soomaalidu isla ogoshahay oo ku saabsan noloshii jirtay dagaallada ka hor. Sanadaha fowadada, geel-jire u dhashay (MODH = Mareexaan – Ogaadeen – Dhulbahante) hadduu ku faano waxaan ahaan jirey “G/sare ama Jineraal” laguma yiraah weligaa ciidan ma qoran oo geel baad ku ilaalin jirtay miyiga Buuhoodle ama Cabudwaaq ama Qorraxay ee waa loo rumeeyaa derajada uu sheegtay. Waxaa la mid ah bayhoof Banaadiri ah oo Ceelgaab ka dawarsan jirey ama Xamar-Weyne bur-saliid iyo bejiye ku shiili jirey hadduu ku faano “laba dukaan oo dahab ah ayaan lahaan jirey oo lamadii meemen Hawiyaa ustay” laguma yiraah weligaa hanti ma yeelan oo waad tuugsan jirtay ama bejiye ayaad iibin jirtay ee waa loo rumeeyaa dahabka uu sheegtay in laga dhacay. Beenta beryahaan soo ifbaxday waxaa ka mid ah, dadkii Koofurta kasoo qaxay 1991 qof kasta wuxuu ku andacooday (waxaa xoog la iiga haystaa: toban guri iyo 2 aseendo iyo 5 tareelle, dahab iyo dollarna waa layga dhacay) waa runtood oo waxay mudan yihiin in loo rumeeyo sida dawarsadihii dukaanka dahabka ah lahaan jirey.

Bililiqo Magaalo Goormey Billaabatay?

Dhulweynaha Soomaalidu degto waa omos khayraadku ku yar yahay. Kala-riixashada iyo kala boobka khayraadku “resources” waa taxane soo jireen ah oo layska hidde-raacay. Marka geel la dhaco waxaa loogu heesaa xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma. Gaalo iyo Islaam geelow yaa ku leh. Marka la raadraaco hidde dhaqanka Soomaalida boob iyo bililiqo waa joogto. Dhaqankii geel dhacista ee miyiga ayaa magaalada loo soo raray, kadibna wuxuu ku milmay maamulkii qaranka. Boob iyo bililiqo waxay magaalada ka billaawdeen dagaalkii 2aad kadib, goortii Ingiriisku ka eryey Talyaaniga geyiga Soomaaliya, dowladii Fajiistada Talyaaniga daarihii ay Koofurta ka dhistay iyo beerihii ay dhooboy ka fashay dad baa bililiqeystay oo milkiyad been-abuur ah u sameystay, taasi waxay ahayd bililiqadii kowaad. Maamulkii jirey 1960-69, madaxdii dowladda iyo tolkood hantidii ay qaranka ka boobeen waxay ku dhisteen guryo iyo beero waaweyn. Tusaale 1960yadii mashaariicdii Ruushka “Russian Projects” waxaa agaasime looga dhigay Injineer reer Puntland ah, dabadeed qalabkii dhismaha wuxuu u qeybiyey tolkiis, si gaar ah waxaa loogu dhisay daaraha Xaafadda Taleex oo 80% ay leeyihiin reer Puntland, taasina waxay ahayd bililiqadii labaad. Kacaankii Oktoobar taageereyaashii Siyaad Barre, hanti boob xad-dhaaf ah ayey sameeyeen. Dhismaha daaraha fooqyada ah iyo beeraha waaweyn ka sokow, dhul boob baaxad weyn ayaa Gobolka Banaadir ka dhacay, taasina waxay ahayd bililiqadii seddaxaad. 1991kii kadib masaakiintii xaqooda hore loo dhacay oo noqday Mooryaan hubeysan, daar iyo beer wixii gacantoodu gaartay waa bililiqeysteen. Sidoo kale ganacsato iimaan laaweyaal ah ayaa cunto iyo daawo dhacday dalka ku qarqiyey, falka labadaan kooxood waa bililiqadii afraad.

Hanti isu celinta xal baa loo heli karaa waxaase ka dhib iyo shido badan dhul dad looga qaaday dan-guud ayaa dad kale la siiyey. Tusaale dhulka ku yaal galbeedka Shineemo Equatore inta la hubo afar gacmood ayuu isu dhaafay. 1950-yadii waxaa lahaa Maxamed Sh. Cismaan “Edmundo”. 1960-yadii waxaa ka iibsaday Xaaji Miyateyn oo ahaa reer Hargeysa. 1970-yadii dan-guud ayaa loo qaatay oo waxaa laga dhigay barxad baabuurta la dhigto “parking”. 1980-yadii qeyb ka mid ah shaqsiyaad reer Puntland ah ayaa la siiyey oo daar dheer iyo hotel Degel ayaa laga dhisay. Sanadkii 2000 qeybtii bannaanayd nin reer Cadaado ah ayaa milkiyad u sameystay oo hadda ku shaqeysta. Haddaba weydiintu waxay tahay dhulkaas yaa iska leh? Kumanyaal dhacdo oo tan la mid ah ayaa Koofurta ka taagan ee qaabkee baa milkiyada hantida la kala haysto loo kala saari doonaa? Allow sahal umuuraha, wallee leyli biyo kama keeno. Ninba dahab lumay si u doondoon.

Talo bixin:

v Dowladda waxaan kula talinayaa inay si miyirqabta  oo taxadar leh u wajahdo hantida la kala haysto, laab-lakac siyaasadeysan iyo degdeg waa in laga dheeraadaa. Si looga fogaado kacdoon dadweyne, dadka guryaha islaameed ku nool waa in dib u dejin loo sameeyaa. Garsoorka maanta ee musuqa ku shaqeeya waa in aysan faraha la gelin dacwooyinka hantida la kala haysto. Waxaan xog-ogaal u ahay dhul laba shaqsi oo isku jufo ah ay isku haystaan oo garsooruhu inta dollar ka qaato midba maalin u xukumo, hadba kii dollarka kordhiya ayaa loo xukumaa. Xukun caddaalad ku saleysan laga sugimaayo xaakim xoolo doon ah ama xaas ka gaajoon yahay, waxayna la mid tahay murtida leh “haddii waraabe xaakim yahay ogoobey ari xaq maleh”. Haddaba dowladda Soomaaliya waxaan markale ku boorinayaa inay beelaha oo dhan kasoo dhex saarto guddi aqoon iyo karti, daacadnimo iyo xalaalmiirato aan laaluush qaadan lagu xulay. Guddigaas waa in guddoomiye looga dhigaa qof Jareerweyne ama Raxanweyn ah, sababtoo ah labadaas beelood hanti badan lagama haysto oo markii horeba kama qeybgelin boobkii hantida qaranka ee gurayaha lagu dhistay ama beeraha lagu fashay. Guddigu inta aysan shaqada billaabin waa in tababar tayo leh oo qotadheer la siiyo, ugu yaraan hal sano. Guddiga waa inaan lagu darin qof dowlad u soo shaqeeyey xataa hal maalin, sababtoo ah shaqada dowladu waa jaamacadda laga soo barto laaluushka, xatooyada, musuqa, eexda, qabyaalada iwm. Waddamadii dagaallada sokeeye ka dhaceen jidkii ay mareen waa in la raacaa, tusaale Mingiste Xaley Maryama hoggaamiyihii Itoobiya wuxuu dhulkoodii ka raray oo milki-guuriyey kumanyaal qof, markii xukunka laga tuuray mushkilad baaxadweyn ayaa soo ifbaxday. Xalinta mushkiladdaas guddi sare oo laba sano oo seminar ah la siiyey ayaa loo xilsaaray, waxaana tababar loogu diray waddamadii dagaallada sokeeye ka dhaceen ilaa Laatiin Ameerika.

v Dadka hantida islaameed xoogga ku haysta, Alle haka baqeen oo ha ogaadeen in qabri iyo qiyaame ka dambeeyaan, sakaraad, su’aal iyo siraadna sugayo, ugu dambeyntana iyadoo la qatan yahay oo la qaawan yahay in wejiga Alle la hor istaagayo. Qofkii magac dowlo hore loogu dhacay, dood iyo dokumeenti wuxuu haysto guddiga ha usoo bandhigo, balse qiil la’aan qofkii hanti ku haysta, inta la nool yahay maanta cafis ha weydiisto qofkii hantida lahaa ama dhaxaltooyadiisa hadduu xijaabtay.

v Dadka hantida laga haysto dulqaad iyo samir badan ha yeesheen oo Alle darti haku sabreen kolley adduun iyo aakhiro miday noqotaba maalin bey xaqooda helayaan. Dadka hantida sheeganaya waxay u qeybsan yihiin masaakiin la dhacay oo mudan in loo hiilliyo iyo dembileyaal mudan in la ciqaabo oo laga soo celiyo hantidii ay shalay boobeen. Teeda kale waa in la garwaaqsado in colaad ba’ani Soomaali oo dhan dhexmartay oo xataa laba walaalo ah isdileen. Tusaale kooban, nin reer Cadaado ah ayaa guri Xamar ku yaal Garoowe uga soo iibsaday sarkaal reer Sool ah. Guriga waxaa degan nin reer Guriceel ah, waana diiday inuu ka baxo oo wuxuu ku dooday guriga waxaa leh XDS oo waxaa dhisay Hoggaankii Damaanyo, wuxuu marqaati u keenay kooxdii dhistay guriga. Sarkaalka reer Sool wuxuu haystaa milkiyad damanyale ah oo la hubiyey, ninka reer Cadaado waxaa ka maqan US$ laba boqol oo kun, ninka reer Guriceel wuxuu soo caddeeyey in XDS dhisay oo gurigu yahay hanti qaran. Nin baa yiri, ku kaadshaan nin u aqaan ee bal adba kala saar seddaxdaas garood ee is feer yaal.

Cudurkood la aqoonsado waa furaha caafimaadka. Cudurka geela ku dhaca haddii gammaanka laga daweeyo waa guuldarro. Adduunkoo dhan wuxuu eedeeyaa oo inkaaraa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dantu ku kalliftay “isqarxin iyo burcadbadeed”. Adduunku weligi isma weydiin “the root cause” ciriqa xasarada iyo waxyaabaha ku riixay dhallinyaradu inay naftooda halligaan. Alle wuxuu addoomada faray “Fas-aluu ahlu digri inkuntum laa taclamuun”. Waa lama huraan in aqoon laga kororsado “Ab-yaqaannada – Genealogist ku taqasusay abla-ableynta iyo abtirsiga bulshada oo la weydiiyo horta yaa dhalay dableyda dadka laysa, abtirsigoodu xagee buu ku arooraa? Weydiintaas warcelinteedu waxay tahay, dabley aabbihi waa Mooryaan, hooyadina waa Maxaysato. Qaamuuska AfSoomaaliga bogga 311 ee Yaasiin Cismaan Keenadiid qoray 1974, erayga Mooryaan wuxuu ku qeexay “dad la dhacay oo Caydh ah”. Haddaba weydiintu waxay tahay yaa xoolahoodii dhacay, maantase side baa loo xalliyaa shartooda? Laga soo billaabo 1940-yadii degistii magaalada, bulshadu waxay u qeybsanayd “dibir daar dheer seexda iyo dibjir derbiyada darxumo la suuxsan. Maamulladii dalka soo maray marnaba kama fekerin haddaan la daryeelin dibjirka inay mustaqbalka noqon doonaan dilaa iyo dugaag.

Mooryaan waa ciilqabaa wuxuuna aaminsan yahay in xaqiisii hore loo dhacay. Oday baa curadkiisa caayi jirey oo ku canaanan jirey doqon baad tahay, habeenkaan ku dhalay haan-biyo ah baan dhalay, waxaad tahay nacas naagaha ka xoog yar. Canaantaas kadib qaalin qurbac ku curatay ayaa odaygii qurbacii ka qalay oo ku sidkay nirig laba jir ah. Hashii si kastoo loo qaldhacay oo loo ciqaabay waa diiday nirigtii, caano iyo caaqibo waa laga waayey. Wiilkii oo gows dambeedka ka qoslaya ayaa odaygii ku yiri, aniga ayaad nacas igu sheegi jirtay, nacaska runta ah maanta waa adiga maxaa yeelay hashu nirigta aad ku sidigtay laba sano ayey wada joogeen oo ay tiqiin, waana ogtahay in aysan dhalin ee taas haku xiiqin, nacasyahow fekrad kale keen. Hasha sidigta diiday waxaa la mid ah, dadka hantida haysta, waxay og yihiin laga soo billaabo 1940-yadii in bililiqo jirtay oo guryaha iyo beeruhu yihiin booli waartay oo la xalaalaystay, lagama maarmaanna ay tahay in si guud dib loogu xisaabtamo. Haddaba 1950-yadii ilaa maanta madaxdii qaran iyo ganacsatadii wax bililiqeysatay waa in si adag loo la xisaabtamo. Hantida dalka taal guurto iyo maguurto waa in la tirokoobo qofka lehna la weydiiyo meeshuu ka tabcay oo caddeyn leh. Haweeney guri-joogto ah oo carruurta canjeelada u dubta, hantida magaceeda ku qoran waa in la weydiiyo meeshay ka keentay asalkii hore. Cabbirka guryaha Xamar mitir ahaan waa (13 – 20 – 30 – iyo wixii ka badan). Qofka ku andacoonaya afar qol oo dhagax/bulukeeti ah oo jiingad lagu deday guri ka weyn ayaa xalaal ah, waa beenaale taasna aniga ayaa caddeynayee hayla doodo. Hubaal hantida Soomaaliya taal qiyaastii 80% waa booli, maalgelintii asalka ahaydna waa xaaraam si dadban iyo si toos ah mid lagu keenayba. Boolidu waa wejiyo badan tahay, waxaa ka mid ah: laaluush qaadasho, xatooyo xoolo dadweyne, naas-nuujin, canshuur la musuqay, qandaraas qiimaha la kordhiyey, haybad madaxtinimo maal lagu helay, dhul magac mashruuc lagu qaatay oo dib loo iibiyey iyo musuq kaloo maamulka lala xiriiriyo.

Musuqa iyo boolida ganacsiga waxaa ka mid ah: badeecad tayo xun oo dadweynaha laga iibiyo, badeecad kala go’day oo la dhiigshiilo, faa’iido aan canshuur laga bixin, ganacsi qof u xiran “monopoly.”  Waxaa kaloo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta maanta, waxay ku shaqeystaan furihii isgaarssinta qaranka, anteenooyinka ay taageen waxay hawada kusii daayaan “radiation” caafimaadka bulshada halis ku ah, waxay bulshada saareen qiime xad-dhaaf ah oo la rubi-saaray, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka qiimaha wacitaanka ugu qaalisan adduunk oo dhan. Xawaaladaha oo shaqadii bankiyada dalka la wareegay, ayaandarro wax canshuur ah ma bixiyaan. Tani waa qeybta ugu weyn bililiqo oo dhan, waxaana ku baraaray oo liibaan iyo barwaaqo ka helay booli-quuteyaal aaminsan inay yihiin culimo xalaal miirato ah.

Waxaan leeyahay, dhiigmiiratoy xaaraantaad dhiteyseen idin dhaaftay idilkeed. Tujaar tabar helay miskiin uma turo.  Tuug iyo taajir taladood waa tacbo. Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka kusoo gunaanado sheeko xiiso leh. Nin reer miyi ah ayaa yiri xaasid maahi afar kama naxee waan ku farxaa “naagtii aad furtay nin kaloo guursada waa la waayey. Colkii aad ka hartay guul ma gaarin oo gambtaa loo joogsaday. Reerkii kaa guuray guri barwaaqo ma degin oo waa soo guryo noqdeen. Sodoh dhimatay hadday qof wanaagsan ahayd albaabka ayaa la xirta oo guriga dhexdisa ayaa wilisiqo iyo waalo lagu ciyaaraa, hadday dulmiley ahaydna dibedda ayaa balooley iyo dhaanto lagu ciyaaraa”. Haddaba akhriste si weyn ugu farax oo weligaa haka naxin dhibaato shan kooxood gaartey: “badeeco gubatay iyo iimaanlaawihii lahaa oo la diley. Wadaad xume tafsiirka diinta qalloociya oo la diley. NGO-le basaas ah oo la diley. Dhaqtar dhiigmiirte la diley. Saxafi sun afuufe la diley”.Halkudheggeenu waa guul iyo garsoor hufan !

Abdulkadir Osman “Aroma”

Shirwac55@hotmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.