galmudugnews.com

Home » WARARKA » Ciidamada Galmudug oo toogtay afar ka mida Maleeshiyada Qaybdiid-Afduub

Ciidamada Galmudug oo toogtay afar ka mida Maleeshiyada Qaybdiid-Afduub

on Apr 10th, 2013 // No Comment

Views 163757

Dagaal la isu adeegsaday hubka fudud ayaa koofurta Galkacyo ku dhexmaray Ciidamada amaanka Galmudug State iyo Maleeshiyo taabacsan hogaamiye kooxeedka Cabdi Qeybdiid.
Ciidamadda amaanka Galmudug ayaa dhaawacay afar ka mida Maleeshiyadda Qeybdiid,waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen 11 ka mida Maleeshiyadiisa .
Dagaalka ayaa dhacay kadib markii Maleeshiyadda Dagaal ooge Qeybdiid bilaabeen inay Ganacsatada Koofurta Galkacyo ka qaadaan lacago baada taas oo loogu magacdaray Canshuur.
Maleeshiyadda Qeybdiid ee nolosha lagu qabtay ayaa lagala wareegay Waraaqihii Canshuur ku sheega iyo wixii ay lacag wateen kadibna waa la sii daayay.
Dagaal ooge Qeybdiid oo wata Baabuurta dagaalka ayaa isku dayay inuu Ciidamadda amaanka xoog ku maquuniyo hasse yeeshee wuxuu si deg dega uga soo laabtay Jiida dagaalka kadib markii tacshiirad xoogan la huwiyay.
Qeybdiid oo bilahii la soo dhaafay Galmudug ka waday afduubyo iyo dilal qorsheysan ayaa xalay afduubtay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Galmudug State Khaliif Sheekh Xuseen.
Dagaal ooge Qeybdiid wuxuu afduubkiisa u adeegsaday Mooryaan la heyba Wasiirka.wuxuuna hore u afduubtay Duqa Magaaladda Galkacyo ee Maamulka Galmudug Marwo Shukri Cabdi Ciise.
Maamulka Galmudug wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu dhamaaday dulqaadkii sidaas darteed la qaadi doono tilaabooyin Melleteri si looga hortagi falalka guracan ee Dagaal ooge Qeybdiid iyo Maleeshiyadiisa ka wadaan Galmudug.
Maamulka Galmudug wuxuu hoosta ka xariiqayaa inaan Masuuliyiinta la afduubtay loogu qiil sameeyn karin waxaa afduubtay beeshooda maxaa yeelay waxay ka tirsan yihiin maamulka.

Maamulka Galmudug wuxuu beesha Caalamka iyo Hay”adaha xaquuqul insaanka ku wargelinayaa inay si mugleh ula socdaan tacadiyada dagaal oogey Qeybdiid ka wado Galmudug.
By Dahir Abdulle Alasow
Wasiirka Warfaafinta,CIyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug State of Somalia.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.