galmudugnews.com

Home » WARARKA » Abidkey tanoo kale -Sheeko Ukun iyo Canjeero

Abidkey tanoo kale -Sheeko Ukun iyo Canjeero

on Apr 9th, 2013 // No Comment

Views 163594

Muqdisho (Mool-Cadde)- Waa aroor hore. Masaajidda salaadda subax way faaruqeen balse waagu si dhab ah uma dilaacin.  Shanqarta guud ahaan aad ayey u yar tahay, jawiguna aad ayuu u degan yahay.

Balse waxaa guryaha dhexdooda laga dareemayaa shanqar yar yar oo ay sameynayaan hablo u soo kacay in ay dabka reerka u shidaan si ay qoyska ugu diyaariyaan qaxwadii iyo shaahii subaxnimo.

Subaxdu waa jimco. Lama filayo in ay waddooyinka soo buuxiyaan caruur iskuullada u kala dareereysa ama kuwo dugsi quraan u socda.  Dadkuna shaqooyin way ka nasanayaan.

Maadaama ay bil mowliid tahay waxaa masaajidka biyo degeenka ka socda Digri, wacdi iyo Rabbi-Salli uu jiibinayo imaamka masjidka, ayna u hoorinayaan xilqad rag ah oo salaadda masjidka ku wada dukaday.

Meelo kala fog fog oo jidka ah waxaa ka muuqda gabdho dab wada jaqafyo, kuwo cusbo soo doontay iyo kuwo guryaha hortooda xaaqaya.

Waxaa meel sheedda ah ka soo socda gaari dameero hilib sida, waxaana gadaashood soo socda kuwo biyo dhaaminaya iyo odey labo riyood celcelinaya oo hadba dhinac ay uga ordayaan. Malaha ZAB ayuu u waday ayaan filayaaye riyuhu way naxsanaayeen.

Shimbiro tiro badan oo ileyska arooryaad hurdada ka soo kaakiciyey ayaa ka dul heesaya dhammaan geedaha agagaaraha ku dhow dushooda.

Marka aad jalleecdo dhanka bari waxay indhahaagu qabanayaan boqolaal boolaboolooyin ah oo u qulqulaya dhanka badda iyo halka uu ku yaallo kawaanka bari ee xoolaha loogu qalo deganayaasha Muqdisho.

Wiil yar ayaa guri dhexdiisa ka heesaya oo leh “Booloboolo biibtoy, afka biyo ku qaadoy, hooyadey u diidoy, aabeheed u diidoy, dhulka biliq ku siisooy” aniga xitaa waan ka helay heestaas iyo luuqda uu ku qaadayey canuga 3 jirka ah ee soo aroor kacay.

Safka quruxda badan ee ay boolaboolooyinka ku duulayaan iyo muuqaalka cirka ee casaanka ah oo isku dheehmay ayaa waxay kordhiyeen bilicda jawiga, indhuhuna dhankii ay eegaanba kuma daalayaan oo durba way jecleysanayaan walow quruxda muqaneysa uu yara dilayo geedka “Easy Grower” ee ay Soomaalidu u taqaano Cali-Garoobka oo wadada hareeraheeda buux dhaafiyey.

Dhammaan wax yaabahan aan sheegaya ma aha kuwo cusub oo lala yaabo, waa wax subax waliba la arko oo caadi ah ama nolosha caadiga ah ka mid ah. Balse mid baa yaab badan laheyd oo iga keentay oraahda ah “Abidkey tanoo kale!!!!”

Aniga oo ka soo laabtay masjidka kuna sii socda guriga ayaa waxay dhegteyda bidix maqashay hadal yaab leh

“War maxaa na loo soo daadiyey?” ayaa akteyda ka yeertay. Dhankii hadalka uu ka yeeray ayaan soo eegay qof iima muuqdo.

“Ma ogi, malaha waa na laga dhergay” ayaa haddana isla dhankii ka yeertay.

Shaki badan baa i galay, malaha jin baan sheekeysanaya ayaan is dhahay, waana acuudu bileystay. Geesahayga ayaan si fiican u eeg eegay, waxna waan u jeedi waayey, kaddib inaan dhaqaaqo ayaan damcay, balse cod u eg midka shimbirka “Baqbagaa” ee dadka ka bada hadaaqa ayaa meel godka qashinka dhexdiisa ah ka shanqaray.

Waxaan is iri malala godkan ayuu ilmo yar ku dhacay, godkii ayaan ku soo dhowaaday. Waxay indhaheyga qabteen Ukun aan jabneyn iyo canjeero yara dabeyshatay oo markaas uun wax yar ka hor gabar yar ay godka ku soo daadisay.

Ukun iyo Canjeero waxay bilaabeen inay is weydiiyaan sababta loo soo daadiyey maadaama aan laga maarmin oo isla subaxaasi guri walba canjeero lagu dubi doono in yar oo tabari u diiday mooyee.

Ukun ayaa hadalkii bilowday oo tiri:

“Canjeero in lagu soo daadiyo waad astaahishaa, habeenkii oo dhan ayaad hurdo beel nagu riday, guri walba adigaa sidii qori ka dig iyo dam leh fiidkii, dhoocil walba adigey ku garaaceysaa, balaayo qalfoof ehe” ayey Ukun ku canaanatay Canjeero.

Canjeero oo dulqaad muujineysa ayaa tiri “Aniga qofna igama maarmo layman xushmeeyo oo markii layga dhergo waa la isoo daadiyaa sidan oo kale, Ilaah ayaa jooga”

Ukun iyo canjeero waxay bilaabeen inay ka sheekeystaan faa’iidooyinka ay dadka u leeyihiin.

Ukun ayaa hadalka bilowday, waxayna tiri.

Aniga haddii aan ahay Ukun faa’iidooyin badan ayaan bulshada u leeyahay, dhaqaale ahaa iyo caafimaad ahaanba.

Marka koowaad daawo ayaan ahay, marka labaad cunto ayaan ahay, marka seddaxaadna duunyo la dhaqdo ayaan dhalaa oo faa’iidooyinkeyga lama soo koobi karo, marka afaraadka dhammaan wax yaabaha la isku qurxiyo oo ay Shaambooyinka iyo daawooyinka jirka qurxiya ku jiraa waa layga sameeyaa, faa’iidooyinkeyga lama soo koobi karo.

Canjeero “Haye… iihi…” ayey ugu jiibineysaa, wayse yaaban tahay, waxay la yaaban tahay ukunta godka qashinka dhex taal ee haddana intaas oo faan ah dhigeysa.

Ukun oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri:

Marka ilmaha uu hergebka ka bixi waayo inta subag yar laygu garaaco, sokor yar  dhag laygu siiyo ayaa la siiyaa. Kaliya taas ma kuma koobnee marka dadka waaweyn ay ku dhacdo burunkiito ama qufac badan oo xab wata uu ku daaho waxaa la siiyaa ukun habeenkii biyo qabow lagu bariisiyey oo inta ay jebiyaan ayey cabayaan aroortii hore.

Sidaas ayey kaga daawoobaan ooftii heysay. Aniga ayaa xabkii xabadka ka fadhiyey ka soo fujiya.

Walow aan abaal badan la iiga hayn feerahaas gudaha ka buka hawl adag ayaan ka qabtaa marka inta biyo laygu bariisiiyo aroortii lay liqo.

Dhalinyarada food dheerayaasha habeenkii marka ay biibitooyinka soo galaan maba dalbadaan wax aan ka aheyn ukun biyo lagu kariyey iyo caano.

Mid walba galaas caano ah intuu dalbado ayuu labo ama sedax ukun ah dhag isku siiyaa. Burutiin badan in aan ahay ayey og yihiin dhalinyarada oo way i jecel yihiin, balse aniga food dheerayaasha ma jecli cunidooda, waayo cusubo badan ayey igu kudaan ayey tiri.

Habeenada Jimcaha odayaasha ayaan ka saacidaa hawsha culus ee habeenkaas. Odey walba si uusan habeenkii u fashilmin ayuu galabkii inta biibito soo maro wuxuu isku soo dhuftaa labo ukun iyo galas caano ah.

Odeygii ukun waayo habeenkaas hawshiisa nuur ma leh ayey ku faantay ukun.

Marka la gaaro ciidaha suuqyada anigaa ku leh oo buskut iyo doolsho la’aantey lama dubi karo, dhadhanka iyo caraftaba anigaa u yeela, jilicsanaanta iyo jaaha muuqaalka anigaa u sabab ah, arooska aan doolsho heysan ama habeenkii aan cashada loo saarin ugu yaraan hal ukun isaga ayey u taalaa.

Waxaa intaas dheer marka ay maqaayadaha dubayaan hilbaha sida kutuleetiga,  iyo noocyo badan oo kalluunka ka mid ah ukun la’aanteed lama dubo. Kalluunka beeshi firitaha ayaa ka mid ah kuwa aan ukun la’aan la dubi karin ayey ku dooday ukun.

Gabdhaha ilbaxa ah, marka ay qadada ama cashada diyaarinayaan ansalaatada waxay dhinac ka soo saaraan ukun biyo lagu kariyey, taas oo dhadhan wanaagsan u yeesha ansalaatada.

Subixii naagta gaarida ah seygeeda waxay u sameysaa ukun yar oo tamaad iyo basal yar lagu yara shaguugixiyey, saliid meel dheer ah iyo xawaash yarna dhag lagu siiyey.

Waxaan kaa ilaabay in dadku ay aad u jecel yihiin hilibka digaaga, digaagna anigaa dhalay waad og tahay waa nooc ukunta ka mid ah digaaga xitaa ayey warkeeda ku dartay Ukun.

Digaagtu mar walba way ka hilib macaan tahay, kana hilib udgoon tahay noolaha kale oo dhan, xitaa kalluunka ayey sii raacisay.

Haddii ay dumarka qaar wallacaan ukun saliid lagu fuuriyey ayey kaga dhegtaa, wayba ka helaan anigaa og ayey tiri.

Nolosha dadka dhan waliba way uga baahan yihiin ukun. markii wadaadada mindaawaadka sameeya ay daawada isku dardarayaan kama maarmaan ukun oo waxay qeyb weyn ka tahay mudaawaadkooda.

Waxaa intaas dheer ayey tirir Ukun: haddii aad dukaamada soo gasho shaambooyinka ugu qaalisan waxay ka sameysan yihiin ukun, daawooyinka tinta lagu kobciyo iyo kuwa jirka dheehiisa qurxiya intaba waxay ka sameysan yihiin ukun ama maadooyin ukun laga sameeyey ayaa ku jira ugu yaraan.

Rootiga ugu qaalisan dunida ee maqaayadaha caanka ah sida McDonald’s iyo kuwo kale oo badan lagu iibiyo waxaa lagu sameeyey ukun. Mararka qaarna waxaad maqleysaa Egg Burger “Rooti ukun leh” ayaa laga wadaa.

Weliba farsamo dhowaan soo baxday ayaan kuu qishayaaye, gabdhaha jirkoodu ad adag yahay marka ay doonayaan in ay jirkooda ka dhigaan mid “Soft” ah, waxay isku qasaan Qasil iyo ukun, way is mariyaan, kaddibna waxay sugaan inta uu jirka kaga engegaan, markaas ayey ka qubeystaan, gabadha saas sameysa jirkeeda wuxuu noqdaa mid il iyo gacanba soo jiita.

Canjeerooy yaanan war kugu daaline aniga haddii aan ahay ukun, dadka iima oga laakiin noloshooda oo dhan ayaan dhinac walba faa’iido uga ahay, imana xurmeeyaan oo way i soo tuuraan markii ay iga dhergaan. Waxaa intaas ka daran wixii ku soo shiiraba waxay leeyihiin “ukun ukun camal ayuu u soo uraa” Ukun ma urto haddii ay urto way iska key deyn lahaayeen.

Canjeero oo dhakafaarsan ayaa ukun waydiisay, “Haddiiba aad meel kasta ku wanaagsan tahay maxaa anigana la iigu kaa dari waayey si aan u jilco doolsho ahaan?”

Ukun waxay ku jawaabtay, malawax ayaan ku jiraa, malawax canjeero walaalkeed ka yar lee waaye iska dulqaado.
Ukun waxay sii wadatay hadalkeedii oo waxay tiri: Bur saliid iyo bur ceesh ayaan ku jiraa, baasta al foorno xitaa mar mar waa laygu daraa ayey hadalkeedii ku soo koobtay.

Ukun waxay canjeero waydiisay “Bal adigana iiga sheekeey faa’iidooyinka aad dadka u leedahay?”.

Canjeero waxay sheegto ayey garan weysay, waxa ay ukun ka sheekeysay ayaa madaxeedii ka weynaaday.

Canjeero iyadaaba markii hore cajiin laga sameeyey oo Galey ama masago ka sameysan, sida ukun oo kale asal uma ahan, hase yeeshee waxay isku dayday inay iska tiiriso ukun oo waxay si kooban u tiri:

Aniga horta sida aad u faantay uma faani karo, balse waxaan kaaga fiicanahay guri kasta habeenkii waa layga qasaa, hiraabtii waa layga dubaa barqadiina waa layga cunaa, aniga ayaa cuntooyinka oo dhan ugu caansan, adiga xitaa waan kaa caansanahay ayey tiri canjeero.

In aan kaa caansanahay waxaa daliil u ah, marka ilmaha yar yar uu “apetite-ka” ka xirmo hooyadood waxay dhahdaa wiilkayga xitaa hal canjeero ma dhameyn karo, wuu iga xanuunsan yahay ayay ku calaacalaan, anigaa cunto qaadashada dadka xitaa hal-beeg u ah ayey hadalkeeda ku dartay canjeero.

Waxayna sii raacisay: Noocyo badan ayaa la ii sameeyaa aniga, siyaabo badanna waa la ii dubaa. Canjeero Soomaali iyo canjeero xabashi ayaa lay dhahaa oo dunida meelo badan ayaa layga yaqaanaa.

Mar waxaa laygu cunaa maraq, mar waxaa laygu cunaa beer, mar waxaa laygu cunaa saliid iyo shaah.

Gabdhaha xarfaanta ah iyo naagaha walaca ah dalac bilaash ayey ii sameystaan, dhandhanaanka ayey ka helaan, markaas ayey tobaneeyo ka tuuraan halkii marba.

Canjeero waxay sheegtay inay neceb tahay wiilasha dalac bilaash gabdhaha ku ciriiriya ee dhahaaya “Dalac bilaashka ayaanba ka helaa”.

Canjeero waxay ka sheekeysay marka ay ugu macaan tahay in la cuno. “Sida ugu macaan ee canjeero loo cuno ayaan kuu sheegayaa” Ayey tiri Canjeero.

Subax hore ha ahaado. Gabadha reerka inta aysan suuqa aadin ee aysan adeegga doonin 3 xabo meel ha ku qarsato. Marka ay adeegga keento, qadadana ay dalaceyso, inta aysan suugadda ama hilibka biyeynin, kistoo saxan yer haku xado. Dhanaan fiicanna ha u yeesho.

Mar walba jab haka soo qanjaruufato canjeeradii u qarsooneyd, suugadii ay saxanka ku firdhisatay haku taabsato. Iyadoo dhereerkeeda iyo carabkeeda isla leeleefeysa ayey ka dhammaaneysaa ayey tiri canjeero.

Canjeero sidaas loo xadxaday wax ka macaan ma jiraan ayey sheekadii ku soo koobtay.

Sidoo kale waxay canjeero sharaxaad ka bixisay sida ay ugu neceb tahay in loo cuno.

Waxay tiri: Canjeero cunow waxaa ugu xun kow in koox dhalinyaro ah oo kuligood ciyaalka xaafadda ah saxan weyn haloogu qooyo 50 xabo hal mar. Maraqana haku yaraado. Mid walba sida inuusan weligiis dambe canjeero arkeyn inta cantoobo soo qaado isagoo aan si fiican u ruugin ha liqliqo, shah kulul ama biyo haku dejiyo mar walba.

Iyadoo sidaas loo kala boobaayo saxankii daqiiqad gudaheed haku faaruqo, dhulka saxanka geesihiisa ah canjeero badan oo gacmaha ka daadatay ha tubnaato. Waa xilligaas marka canjeero cunowgu ugu xun yahay ayey tiri Canjeero.

Ukun oo dhoolacadeyneysa ayaa hadalkii ku soo laabatay. Waxayna canjeero ugu faantay “Aniga layma boobo, qof i muutmuutsanaayo mooyee qof i calaanjinaayo xitaa ma leh. Haaneedka ay dadka ii cunaan darteed mar mar anigaa dhanxanagooda iyo carabkooda dhexdooda ku raaxeysta.

Waxay ukun intaas ku dartay canjeero aniga waxaad iigu faantay in aad caan tahay oo guriga walba lagaa dubo. Balse waxaad moog tahay in Soomaaliya iyo Itoobiya ama meel ay joogaan Soomaali iyo Itoobiyaan uun lagaa helo. Aniga dunida oo dhan ayaa layga helaa. Cid gooni ii sheegan karto ma leh, waxaana ka mid aha sheeyada dunida oo dhan si isku mid ah looga helo ee tirade yer, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalimaanta, buugaagta, dharka, sokorta iyo ukunta.

Canjeero Latin America qof yaqaano lagama helaayo, Afrikada koofureed lagaama yaqaano, walow Soomaalida qaxday ayaa Capetown iyo Pretoria ku geeyeen weli dadka dhulkaas degan kuma aysan barin, xitaa Asia-da fog qof kaama cuno ee aniga igama caansanide ha ii faanin ayey ku soo koobtay.

Canjeero iyo Ukun waxay iska wareysteen mar labaad sababta loo soo tuuray haddiiba ay mid walba dhankeedii ka sheegtay faa’iidooyinkeedii.

Ukun ayaa hadalkii ku hor martay ee tiri “Aan mudaaharaadno” Canjeero waxay ku jawaabtay “Oo maxaan sameynaa?” Ukun ayaa haddana soo jawaabtay oo tirir “Adiga marka ay gabdhaha doonayaan inay ku qasaan fiidkii gacanta kaga dheg hana ka fuqin”. “Oo haddii aan gacmaha kaga dhego way iska key dhaqaayaane ma iyadaa dhib leh” ayey canjeero waydiisay ukun, “Ha ku dhaqaane adiga isku day inaadan ka fuqin, marka lagu waydiiyo sababtana ku dheh mar dambe ha I tuurin”

Canjeero ayaa ukun waydiisay “Adigana maxaad sameyneysaa?”

“Aniga huruuda ukunta ku dhex jirta ayaan dhammaan ukumaha ka qarinaayaa si fuunto loogu maleeyo, illaa layga garbaxana kuma soo celinaayo” ayey tiri.

Ukun waxay canjeero waydiisay maadaama xilligan uu cago barar jiro sababta loo soo daadiyey oo xitaa loo siin waayey masaakiinta aan habeenkii dabka shidan.

Canjeero waxay ku jawaabtay, “Shan-faroodle” “marka uu ku waayana wuu oynaayaa, markii uu ALLAAH xoogaa siiyana wuu kibraayaa oo qashinka ayuu kugu shubaayaa”

Iyagoo weli tashigii wada ayaa waxaa meesha soo istaagtay ri ari carbeed ah oo doonaaysa in ay godka ka qaraabato. Inta aysan ridii laacin canjeeradii godka dhexdiisa lagu soo tuuray ee hadlaysay ayaa waxaa soo baxday gabadhii qashinka soo daadisay oo digsi ku wada biyo wasaq ah, ridii ayey ku daadisay biyihii wasaqda ahaa. Anigana biyihii ayaa igu soo firdhaday oo aan is iri ka fogow, daftii aan iriba hurdaddii ayaan ka soo toosay.

Riyadii yaabka badneydna halkaas ayey ku dhammaatay. Aniga oo yaaban ayaan inta aan sariirta si hal haleel ah uga kacay waxaan iri “Abidkey tanoo kale!!”

Sheekadan waa maaweelo, mana lahan ujeed siyaasadeed, fadlan wixii talo iyo dhaliil ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com

Qalinka: Abukar Albadri,

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.