galmudugnews.com

Home » WARARKA » Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray

Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray

on Apr 7th, 2013 // No Comment

Views 165535

Galmudugnews.com – Sheekh lagu magacaabo Aadan Siiroow oo reer Hargeysa ah ayaa wuxuu caado ka dhigtay inuu maalin walba habaar iyo xasdi kula dul dhaco Caasimadda Jamhuuriyadda Somalia ee Muqdisho.

Sheekh Aadan Siiroow oo xishoodka iyo wada dhalashada ka tegay,kuna xadgudbay dhowrsanaanta Diinta Sharafta badan ee Islaamka wuxuu todobaadkaan yiri “30 Sano waxay Xamar ku sii jiri doontaa Colaad waxbana kama soo socdaan”

Waxaa la yaaba Culumadda,siyaasiyiinta iyo waxgarad beesha Isaaq ee marna aan raaligelin iyo garaawsho ka bixin dadka u dhashay ee maalin walba habaarka iyo caayda la daba taagan bulshada Koofurta Somalia gaar ahaan Muqdisho.

Edna Adan dhaqtar,Mohamed Xaashi ,Cabdi Qaboojiye iyo Aadan Siiroow intuba waxay caayeen,habaareen Muqdisho maxay ka galabsatay,maxayse ka tahay ? ma Hawiye naceyb mise xasdi ay u dhasheen.

Maalin qura qof u dhashay Hawiye hagardaamo iyo Habaar kulama kicin Hargeysa iyo Burco  laakiin tani waxay ka marqaati kaceeysaa in qabiilka Isaaq ay ka dhasheen dad xasdiya oo ka xun horumarka degaanka beelaha Hawiye .

Muqdisho waa Magaalo qabiilka Hawiye degaan sida Hargeysa u tahay Magaalo madaxda labaad ee dalka ayna degaan beesha Isaaq sidaas darteed maanta waxaa la soo gaaray maalmahii runta lagu wada hadli lahaa waana nasiib daro in shaqsiyaad u dhashay beesha Isaaq ku hadlaan luqada Faroole iyo Siyaasiyiinta Puntland.

Hadalada guracan ee reer Hargeysa ka soo burqanayaan waxay taariikhda ka dhigan tahay inay la safteen Siyaasiyiinta Majeerteen  garabka Faroole kuwaas oo ku haminaya inay Hawiyaha gumeeyaan,dhulkoodana xoog iyo xeelad kula wareegaan.

Hadaba waxaa la sugayaa in Mashaa”iiqda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hawiye  jawaab waafiya siiyaan ninkaan isku sheegay Sheekha ee Cunsuriyada iyo xasdiga la ildaran.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.