galmudugnews.com

Home » WARARKA » Maxaad ka Taqaan Maalgeliyaha Shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Marko

Maxaad ka Taqaan Maalgeliyaha Shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Marko

on Apr 5th, 2013 // 1 Comment

Views 167094

Galmudugnews.com- Qaar ka mida Saraakiisha Sirdoonka Somalia ayaa xaqiijiyay in nin lagu magacaabo Abdullahi Ibrahim Cadow maalgelin dhaqaalo siiyo dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Maleeshiyo beeleed ka dagaalama gobolka Shabeelada hoose.
Ninkaan oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Udubland ayaa ka mida Saraakiisha Al-Shabaab waaxda loo yaqaan  International Intelligence Department Agency.wuxuuna sidoo kale qaabilsan yahay aruurinta lacagaha laga qaado qurba joogta tirada yar ee taageersan Al-Shabaab.
Ibrahin Abdullahi Cadow waxaa maalgelinta Al-Shabaab kala shaqeeya madaxda  Hayadaha WFL iyo AYUUB NGO Hassanow Mustaf, Cabdoow Badooly, Siid Cali, Mohamed Mudane iyo Cabdirahin Muse Abshir .
Madaxda labada NGO waxay gacan weyn ka geysteen dagaaladii dhowaan Alshabaabka iyo Maliishiyo beeleedka  Biyo maal ka rideen Shabeeladda hoose.
Ibrahin Abdullahi Cadow oo ku dhuumaalaysanayey Muqdisho ayaa ka guuray Hotel Mubarak oo uu deganaa .
Ila wareedyo muhiima ayaa Galmudugnews.com u sheegay in Abdullahi IBrahim Cadow si qarsoodiya uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,uuna galay Nairobi.
Dhagarqabaha Dilaaga ah Ibrahin Abdullahi  ayaa isaga kala goosha wadamada Kenya, Ugandha, Jabuuti, Soomaaliya, Saanbiya, Suudaan iyo DR of Congo,
Ibrahim Abdullahi Cadow wuxuu sheegtaa inuu ganacsade yahay, mararka qaarna wuxuu  raacaa tabliiq si si uu iskugu muujiyo inuu yahay nin faafiya Diinta Islaamka.
Dhagar qabe Ibarahin Abdullahi Cadow oo lala xiriirsho inuu lug weyn ku lahaa dil loogu geystay Magaalada Nairobi, Gabadhii u ololeyn jirtay Nabadda iyo Horumarka Istarliin Abdi Arush, wuxuu heystaa dhalashada Mareykanka laakiin lama ogga magaca uu isticmaalo.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya in dhagarqabayaashaan Cadaaladda la horkeeno Maalin aan dheereyn.

1 Response to " Maxaad ka Taqaan Maalgeliyaha Shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Marko "

  1. [...] Shabeeladda hoose. Ibrahin Abdullahi Cadow oo ku dhuumaalaysanayey Muqdisho ayaa ka guuray Hotel Mubarak oo uu deganaa . Ila wareedyo muhiima ayaa  Jowhar24.com u sheegay in Abdullahi IBrahim [...]

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.