galmudugnews.com

Home » WARARKA » Dadweyne saf u galay Xarumaha Dahabshiil si lacagtooda u qaataan ! maxaase ku dhacay?

Dadweyne saf u galay Xarumaha Dahabshiil si lacagtooda u qaataan ! maxaase ku dhacay?

on Apr 3rd, 2013 // No Comment

Views 163723

Galmudugnews.com- Boqolaal qof ayaa hor tuban Xarumaha Xawaalada Dahabshiil ee Koofurta Somalia kuwaas oo dhamaantood guluf ugu jira inay lacagaha u yaal Bankiga iyo Xawaalada qaataan hasse yeeshee nasiib daro waxaa lagu wargeliyay in xaalad amaan darteed la xiray dhamaan Xarumaha Shirkadda.
Ganacsatadda iyo Dadweynaha argagaxsan ayaa badankood xalay hurda seexan kadib markii ay Warbaahinta ka maqleen in qarax weyn lala beegsaday Xaruntooda weyn ee Dahabshiil ku leedahay Muqdisho.
Saraakiisha amniyaadka Al-Shabaab Garabka Mukhtaar Roobow ayaa ku hanjabay inay weeraro ismiidaamina ku qaadi doonaan Xarumaha Dahabshiil hadii aysan todobaad gudahiis ku bixin lacagta Canshuurta ee lixdii biloodba mar ay bixin jireen.
Madaxa Amniyaadka Al-Shabaab Mahad Karataay ayaa sheegay in Dahabshiil bixisay Macluumaadka Akoontiyada madaxda Al-Shabaab taasna ay ogaadeen Waaxda Sirdoonka Xarakata Al-Shabaab.
“Lixdii bil waxay bixin jireen Nus Milyan Dollar,lacagtaasi waa diideen waxay dhaheen boqol kun dollar naga qaada ,waxaa taasi ka sii daran inay bixiyeen Macluumaadka Koontooyinka aanu ku laheyn Shirkadda ,oo waxaa loo gudbiyay kuwa isku sheega Golaha amaanka iyo Dowladaha gaalada”ayuu yiri Mahad Karataay.
Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa goboladda Shabeelada hoose,Hiiraan,Shabeelada dhexe ,Bay iyo Bakool ku daadiyay Warqado ay shacabka ugu sheegayaan inay Lacagahooda ka qaataan Shirkadda Dahabshiil.
Hiiraan,Bay iyo Bakool dhamaan Xarumaha ku yaal ayaa xiran iyadoo laamaha furan ee Shirkadana cabsi darteed dadweynahu geli karin.
“Walaahi waa arrin halis badan in Xarumaha Dahabshiil la galo maxaa yeelay nimankaan mar walba ayey isku dhex qarxin karaan” ayuu Mohamed Haji oo la hadlay Galmudugnews.com.
Saraakiisha Sirdoonka Dowladda Somalia iyo kuwa Ahlusuna ayaa xirida Dahabshiil iyo qaraxa lala beegsaday Xaruntooda weyn ku tilmaamay Riwaayad lagu qaldayo beesha Caalamka si Shirkadda looga badbaadiyo Xayiraad Caalamiya oo la hadal hayo in la saaro doono bisha Augusto 2013.
Xeeldheerayaal u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada Dahabshiil ayaa ku dooday inaysan jirin Riwaayad la jilayo balse xaqiiqadu tahay in Dahabshiil yareeysay lacagtii Al-Shabaab siin jirtay ee taageerada ahayd sidaas darteedna ay wada hadalo socdaan.
Xarumaha la xiray ee Dahabshiil iyo qaraxa weyn ee lala beegsaday Xarunta Muqdisho waxaa ka aamusay dhamaan Warbaahinta Muqdisho marka laga reebo Radio Muqdisho maxaa yeelay Warbaahinta waxay siiyaan lacag.
Warbaahinta ugu waaweyn Caalamka ayaa faafisay in la xiray Xarumaha Dahabshiil lana qarxiyay xarunta ugu weyn taas oo ka dhigan in Shirkadda magaceeda dhaawac weyn gaaray.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.