galmudugnews.com

Home » WARARKA » Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya

Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya

on Mar 13th, 2013 // No Comment

Views 169944

Video Muuqaal ah ayaa lagu helay koox ka tirsan Ciidamada Federalka Somalia mar ay sawiro iskaga qaadayeen meyd ku dhintay dagaal oo ay sheegeen inay yihiin shaqsiyaad ka mid ahaa Xooggaga Alshabab. Ciidankan oo uu wehliyo madaxoodii unitka ayaa la cadeeyay inay ka tirsan yihiin ciidan dhawaan lagu soo tababaray dalka Kenya kana tirsan qeybta sahanka ee Gaaska Hilaac, gobolka Gedo.

“Ficilkasta oo lagula kaco meyd, saaxiib ha ahaado ama cadow, waa sharaf ka dhac aanan laga filan Karin Ciidan Qaran” waxaa yiri, Hassan Omar oo ah madaxa Jaalliyada Somalida, Gobolka Ohio oo ahaan jiray sarkaal Ciidamada qalabka sida ka mid ah burburkii dowladdii dhexe ka hor.

Koshin Farah, oo ah Qareen udooda xuquuqda insaanka una shaqeeya ururka xuquuqda insaanka udooda “Sade International” oo fadhigiisu yahay Columbus, Ohio ayaa ku tilmaamay dhacdadaan mid laga naxo wuxuuna  codsadey in la baaro oo kuwii dambiga galeyna la soo saaro Maxkamad Qaran.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol waa hore la hilmaamay, oo ay horukacintiisa ay liidato.  Inkastoo ay dowladda dadaal ugu jirto inay isticmaasho ciidamo Gedo laga abaabulay si ku awood ugu yeelato jubbooyinka, haddana, waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato baahida baahsan ee Gobolka ka jirta sida dhinacyada waxbarashada, horumarinta adeega bulshada. Si kastaba ha ahaatee, shaqsi madax oo dowladdaan cusub ka tirsan ayaanan wali gobolkaa booqasho ku gaarin.   Raga matala gobolka ee ku jira baarlamaanka ayaa umuuqda kuwa aanan dan badan ka leheyn Gobolkan. Dowladda ayaa u muuqata mid mashaariicda iyo dib udhiska dalka la beegata magaalo madaxda iyo gobolka Puntland oo kaliya.  (Fiiri heshiiskii dhawaan la saxiixay)

Musse Farah Jiilaal

SADE International Press Office Press@Sade.org.so PressSade@gmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.