galmudugnews.com

Home » WARARKA » Jubbaland yaa iska-leh?

Jubbaland yaa iska-leh?

on Mar 12th, 2013 // No Comment

Views 167060

Hadba beeshii gacal iyo gawaad u ah gumeysiga.

Hadba beeshii garab iyo gurmad ka hesha gumeysiga.

Hadba beeshii gaadiid iyo gar-haye u ah gumeysiga.

Insha-Allaah lahaanshaha Jubbaland waxaan ku falanqeynayaa cirifka dambe ee qoraalka, waxaanse ka hormarinayaa jawaab ku wajahan naqdin lagu dhaleeceeyey qoraalkeygii hore ee cinwaankiisu ahaa “SAHAL waa sansaan dagaal sokeeye”

Dhowan waxaan baraha Internet-ka ku faafiyey qoraal biyadhaciisu ahaa in laga fogaado dananinta durbaanka colaadda iyo dagaal sokeeye oo dib u curta. Waxaan qeexay inay muhiim tahay shirweyne qaran oo laysugu yimaado  beel kastana ay goobta ka sharraxdo wixii loo geystay isla markaana ay qirato gaboodfalladii ay geysatay, gaar ahaan dembiyadii magaca dowladeed lagu galay kadibna lays cafiyo ama la qaan-baxo haddiiba qolo dheeri lagu yeesho. Sidii shacabka Koofur Afrika loo heshiisiiyey oo kale, qabiil ama qoys ama qofba dembiyadii la kala galay in habkaas looga heshiiyo ayaan soo jeediyey.

Qoraalkeyga ulajeedadiisu waxay ahayd in la saxo wixii shalay qaldamay, maantana lays cafiyo oo aan dalka dib loogu celin dagaal sokeeye oo hambada hartay la caymiyo. Haddiiba qoraalkeyga la naqdinayo ma-ahayn in la caytamo ee waxay ahayd in loo doodo si waaqicin ah “academic” oo ku saleysan aqoon taariikheed iyo asluub wanaag ee marnaba sugimeyn caay foolxun iyo qabyaalad qaawan. Waxaa habboon inaan hadalka halbeegiisa la seejin oo si hufan loo wada hadlo. Caydu nabadda way kaa wadaa, colaadana wax kaagama tarto. Waayadii hore cayda iyo xanta waxaa loo nisbeyn jirey haweenka, taasina waxay ahayd wax ka reebban ragga oo hadal iyo hawraarba waa la qurxin jirey. Todoba fac raggii birlab ahaa, todoba fac bey bariweyn ahaadaan. Malaha aqoonyahankii iyo aftahamkii walaalaha SAHAL u doodi jirey ayaa god aakhiro u batay oo waxaa soo haray kuwo garaadkoodu ku siman yahay yooyootan runta ka fog. Gabyaa Salaan Carrabey wuxuu yiri “afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda ka jara”. Hadal aqoontu waa haybad Eebbe bixiyo waana hab lagu dagaallamo. Ninkaan war ka jawaabin waran iskama qabto. Golaha rag ku kulmo ninkaan si hufan oo haybad leh uga doodin waa doqon oo ragga ayaa loo kala saraa “hadal dhahe, hanti dhiibe, hub qarxiye & haween irmaaneeya”. Haween irmaaneeye  “category” ahaan wuxuu raacsan yahay safka bilis-xaawaley,  goobaha raggu ku doodana laguma martiqaado.

Haween irmaaneeye qabiil madaxmaray ayaa ii soo qoray “Caydiid naarta ayuu ku jiraa, Cabdullaahi Yuusufna jannada ayuu ku jiraa”. Subxaanallah jannada iyo naartu gacanta Alle ayey ku jiraan, axad kaloo awood u leh  ma jiro xataa ambiyadii Alle doortay. Qabyaaladda daneysiga ku dhisan inta ay ka weyn tahay oo mudnaan ka leedahay midnimada iyo qaran Soomaaliyeed oo qabiil kasta difaacayo dembiilaha ka dhashay, la sugimaayo dib-u-heshiin iyo dowladnimo.

Marka geel loo heeso ayaa doqontu gorayo u heestaa. Ayaandarro  dhagar-qabeyaal dhulku la dhaqdhaqaay ayaa qoraalkeygii si qaldan iyo qabiil eedeyn u fahmay, dabadeed waxaa la ii soo diray email-lo aflagaado iyo inkaar laga buuxiyey. E-maillada cantarabaqashka ah waxaa ku qoran
{{From: hanadyare2010@hotmail.co.uk.  “Isaaqu Hawiyaha waa yasaa wuxuuna ku tiriyaa beelaha la quursado, waxay ugu yeeraan Hargeysa dhexdeeda waar Wanla-weynta ha noo keenin, waar Hawiye Huutuu maxaa noo geeyey, taa beddelkeedii Hawiyuhu Isaaqa waa u naageeya dabada ayuu u dhaqaa oo u nacamleeyaa laakiin umeyba ogaba, anigaa Hargeysaan joogi jirey oo aan la iiga sheekayneyn. Markii ugu horreysay 1989 ayaa la maqlay magaca Hawiye wixii ka horreeyey shacabka loo taliyo ayuu kamid ahaa ee  Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hobyo xaabada  iyo caanaha keeni jirtey, talo iyo dawladnimona waxba lagaama weydiin jirin. Marka yaa gun ah aniga mise adiga? Yaa dulli ah yaase dawlad ah? shit motherfucker”

From: garoowe5678@yahoo.com,  “Magool iyo Caydiid maanta Naarta bay ku jiraan, Ilaaheey ha xafido madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf dowlad ayuu idiin keenay, adinkoo mooryaan ah oo aan waxba qabsan karin. U mahadceliya, Ilaaheey jannada haka waraabiyo. Xaafidulaah Maxamed Abshir Muuse Haamaan, wuxuu ahaa ninkii Hawiye wax ka dhigay, oo iyagoo duurka ku jira kasoo kaxeeyey Galgaduud iyo Galkacyo. Markii horeba Hawiye lagama sugeyn inuu ka mahadceliyo axsaankii loo sameeyey”.

From: Abshir2000@gmail.com, “Hawiye waa addoon oo Daarood baa gumeysan jirey. Mardhow sida dameerahaa laydin rarayaa oo dhan walba Daarood baa idinkaga meersan. Ragga Hawiye qaar waa la laynayaa, qaarna waa la dhufaanayaa oo beerahaa lagu falayaa, haweenkuna waa addoon qaniimo ah”.}}

Nin madaxa ku socda oo la yaaban nin majaha ku socda ayaa la arkay. Wax nin ka faano ayaa nin ku faanaa. Haweenka Hawiye haddii  ragga Daarood qaniimeystaan dabcan waxay dhalayaan ubad Soomaaliyeed oo qurxoon, laakiin ma lays weydiiyey Haweenka Sawaaxiliga iyo Sankadhuudhigu silciyey ee qaar “AIDS” ku riday, qaar miska jebiyey, qaar maxalka jeexay, qaar ka dhalay carruur u eg daanyeer-gorile iyo doofaar-goome. Qof qaawan oo cawradiisu dibedda taal isla markaana wax ka sheegaya qof asturan, taasi waa maan gurracan iyo garasho jaan.

E-maillo xambaarsan aflagaado iyo caay ayaa si joogto ah la iigu soo diraa.. Erayada ku qoran emaillada maalin walba la ii soo diro markaan qiimeeyey waxaan tuhunsanahay oo malo-weyn igu ah inay soo direen shaqsiyaad reer Puntland ah. Sababta aan ugu maleeyey sidaas, waxay xiriir la leedahay dhacdooyinka taariikheed. Sababtoo ah aflagaado iyo islaweyni dhalanteed waa arrin lagu yaqaan reer Puntland. 1979 nin la oran jirey Khaliif Sheekh (reer Qandala) ayaa Sucudiga kasoo tebiyey gabay la mid ah oo aad ugu eg emaillada la ii soo diro maanta, Khaliif wuxuu yiri:

Hawiyoo mahigaan ka badan jaraha loo miiqye,

Waxay talo ku mooseen inay moxogga diirtaane,

Maarahaa Siyaad baa ka dhigay maata caano leh..

Idoor marduuf jaada helay waa majnuun falane,

Intaad wanka macasha weynleh iyo miidda karineyso,

Sida weer masuubaa intaad mayraq la ordeyso….

Xigmadda gabaygii Khaliif waxay dhaafi kari-weyday caay iyo dheri. Cuntadu waxay daruuri u tahay jiritaanka noolaha, dheri iyo cunto karin waa shaqo dumar. In asluub la’aantaas loo gabyo hidde-dhaqanka Soomaalida kuma jirto waase dhaqan hoosaad reer Puntland gaar u ah. Gabyaa la oran jirey Dharbaaxyo-Jin (reer Burco) ayaa la yaabay xigmad la’aanta Khaliif, wuxuuna u diray jawaab kooban oo aad loo jeclaystay wuxuu yiri

Murti xume, kalluun madax ka dabe, gabay Majeerteenle,

Maandhow murtiyo aqoontaad lahayd maxaa dheri ku meermeershay… Waa runtiis murtidii Khaliif waxay ku biyoshubatay “Hawiyaa moxog diirta, Isaaq baa jaad raamsada”.

Socodka taariikhda seben kasta suugaan baa laga allifaa. Nin reer miyi ah ayaa timir loo keenay wuxuu u fahmey sida bariiska in timir loo kariyo, isagoo timir hore weli haysta ayaa timir kale loo keenay, markaas buu yiri “timirtii horeba dab loo waa” oraahdaasi maahmaah bey noqotay. Sida la ogsoon yahay maahmaahda waxaa laga curiyaa nolol maalmeedka. Isbeddellada Soomaaliya ku dhacay dhowr maahmaah ayaa laga allifey tusaale gabayga Timacadde meeriska leh “dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaan” waa maahmaah. Dagaallada sokeeye waxaa laga dhaxlay dhaqanxumo iyo dhakafaar. Raqba waa ku rageeda, aqoonyahanno iyo abwaanno ayaa diiwaan u furay uruurinta:  maahmaah, murti & halkudheg wixii soo kordhay, waxaa ka mid ah:

Bad iyo beel xumi waxay liqaan banaankaa lagu arkaa.

Carrab yaxaas iyo caano baqal Casiis ma abuurin.

Cunto qubatay ama calool damaaci gashay.

Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda.

Qaad raamsade qeyrkiis ma tiigsado.

Qaad raamsade ubad qaday dan kama galo

Aabbe aroor hurda agoonnimaa ka roon.

Naag xumi waa nacab naar ka daran.

Diinta ku qaraabte daacuun ka daran

Shabaab waa shisheeye iyo ubad Shaydaan.

Allow annagoon doorsoomin na dil.

Dhul Gaalo dhallaankaa ku luma &Yurub yaxaas baa ka sokeeya.

Dagaal waa damaca doqonta & Isbaaro waa ebtelo iyo edeg ibliis.

Qallooc iyo qabyaalad baa qaran dumiya & Qab qab dhaafay baa qaran ku jabaa.

Tafaraaruq iyo kala tag waa taws qaran & Wadajir baa wanaag iyo is weheshi leh.

Tujaar tabar helay miskiin uma turo & Tuug iyo taajir taladood waa tacbo.

Waxgarad Daarood oo ay ka mid ahaayeen (Jeneraal Morgan & Jineraal Gabyow) oo Kismaayo ku shiray ayaa rag goobta ka hadlay aad u caytameen, ha-yeeshee Xaliima Soofe waxay tiri “berrito Soomaali waa isu imaan doontaa ee halayga damiyo makarfoonka, waan caytami lahaayee”. Xaliima Soofe way garataa colaad kasta in  caaqibo nabadeed  ka  dambeyn, laakiin Jineraalladu ma garan inta Xaliima garatay. Sidoo kale, Shirkii Toronto ee cinwaankiisu ahaa “Xuska Xasuuqii 91” (Sucaad & Ubax) oo madasha ka hadlay waxay ka hadal fiicnaayeen oo ka asluub wanaagsanayeen odayaal loo xil-hayey. Sidaas awgeed markii lays barbardhigay hadallada ragga iyo haweenka waxaa la diiwaangeliyey maahmaah cusub oo leh:

“Murti Daarood waa marrey dumar

Waxaan xubin ka ahay “Golaha Samadoonka Soomaaliyeed” oo hadafkiisu yahay hirgelinta (dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska qarankii dumay, dib-u-soo nooleynta sharaftii iyo karaamadii luntay iwm). Weligey kuma riyoon mana jecli inaan dego Jubbaland iyo cimilada dhooboy, jago iyo kursina kama rabo maamulka Jubbaland. Waxaan ka shaqeyn jirey Kismaayo, weli waxaan si xanuun badan u gocanayaa caddaalad-darradii, kibirkii iyo kadeedkii lagu hayey beelaha dulman. Waxaan gocanayaa islaweynidii iyo santaagii Barasaab Cumar Lulaaye. Waxaan u soo joogay odayga Gaaljecel oo aan gabadhiisa bixin karin isagoo aan marka hore idan ka helin Kafiilkiisa Majeerteen. Waxaan u soo joogay wiilka Ogaadeen oo guursan kara gabadha Wardey, ha-yeeshee wiilka Wardey guur iska-daaye in uusan fiirin karin wejiga gabadha Ogaadeen. Beel gumeysteyaashii gacansaar la yeelatay inay heerkaas xad-dhaafka ah u gumeysato beelaha tabarta yar, waa kibir xad-dhaaf ah oo aan la qaadan karin. Haddaba hillaac biyihiis waa caddeeyaa,  shaqsiyan aan iftiimiyo mowqifkeyga, anigoo dawaafaya Kacbada inaan Xaramka ku dhinto, waxaan ka jecelahay inaan Jubbaland ku dhinto anigoo ku jira xoreynta masaakinta la dulmay. Fekradaas dad badan baa ila qaba oo diyaar u ah dagaalka xoreynta Jubbaland. Nin baa yiri “cibaadeysaan cindiga ku hayee daniba waygu celin ciyaaraha”. Kooxaha kibirka iyo islaweynidu madaxmartay, fadlan ha garwaaqsadeen “qofka la addoonsado markuu dareemo inuu addoon yahay waa xoroobay”.

Taariikhda waxaa loo bartaa wixii shalay dhacay dhib iyo dheef in laga faa’iideysto oo laga fogaado khaladkii shalay lagu ambaday, lana hormariyo wadadii wanaaga lagu gaarey shalay. Waa lagama maarmaan in la fahmo muhiimadda ay leedahay “shalay, maanta & berrito”. Taariikhda Soomaalida Cabdullaahi Yuusuf ayaa ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee ciidan shisheeye dalka kusoo hoggaamiya oo madaxtinimo ku doona muruq ajnebi. Xaggee Cabdullaahi ku dambeeyey? Isagoo bahdilen oo kaba la’ ayuu qaxootinimo ku dhintay, baqo-cararkiina wuxuu ku calaacalay “Taariikh madow baan dhaxliyo toobad seegnimo’e .. Tabaalaha adduunyada maxaan tacadi soo joogay”. Qof garaad leh laba goor god lagama qaniino. Ceebtii Cabdullaahi iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq ku dhacday yaan la iloobin.

Kooxaha ka yimid “Qardho & Qorrxey” ee hoos carara ciidanka Kenya sida niyadsamida ahna ugu tiirsan awoodda shisheeye waxaan leeyahay sidu sidii hore maaha oo Hariifo waa baraarugtay, Giirgiirna waa gilgilatay. Teeda kale waxay hiil iyo hoo ka haystaan Soomaalida dulmidiidka ah ee sinnaanta iyo samaanta jecel. Insha-Allaah  Ciidanka Kenya mardhow way baxayaan ee yaan colaadda cirka lagu shareerin. Kooxaha Kismaayo ka heesaya dib taariikhda ha u eegeen oo hays weydiiyeen awood amaah ah in ummad lagu caburin karo iyo inay riyo tahay. Nin ciniin ahi caar amaah ah naag kuma arooso. Nin baa ku gabyey “wax kalaa lagaa caawiyaa oo cidi ku siisaaye, calankaa jab waa markii caarka caajis ka galo”. Calankaa jab waa cudud shisheeye ku ciilbax. Calankaa jab waa caamil gumeysi noqo. Calankaa jab waa markii caqliga caabuq ka galo. Calankaa jab waa markii cududu cilin ka noqoto. Calankaa jab waa markaad kibir is cajebiso. Calankaa jab waa markaad calmato calaf islaameed. Calankaa jab waa markii hablo cafiifaa Sawxiili caruuso.  Fariintaan oo waano iyo caqli celin u ah walaalaha SAHAL ee beryahaan ciidanka Kenya isku cajabiyey, bal aan intaas ku hakiyo, qoraalkana kusoo gunaanado “Jubbaland yaa iska leh???”

Labadii qarni ee lasoo dhaafay Lahaanshaha Jubbaland muran baa ka taagnaa, xalkuna waa sambuus afar gees ah. Duurjoogta iyo kalluunkuba sida ay u kala xoog weyn yihiin ayey isu cunaan “survival of the fittest”.  Bini-aadamku waa damaaci ka sii xun dugaagga. Dad Yurub ka haajiray oo hub iyo hantiba watey ayaa qabsaday qaaradaha: Afrika, Asiya, Australia & America. Dadkii ka dagaagay qaaradda Yurub waa ka ilbaxsanaayeen, xeelad iyo xirfad ciidanna waa ka hormarsanaayeen dadkii ay duldegeen. Dadkii loogu tegay qaaradaha Australia & North America waa la dabargooyey, tiro yar ayaa laga reebay, dhulkiina waxaa hantiyey dadkii reer Yurub.

Sidaas oo kale, Jubbaland waxaa qabsaday dadka kasoo rugdoorsaday omoska Puntland iyo Somaali Galbeed. Bartamaha qarnigii 19aad Ogaadeen hub iyo xeelad dagaalba ka sareeyey dadkii degi jirey Jubbaland, waxay qabsadeen qeybo ka mid ah Jubbaland, waxayna barakicin iyo caburin la beegsadeen beelihii aan hubeysneyn, gaar ahaan beesha Wardey, qaar waxaa loo qaxiyey dhanka NFD waxayna ku milmeen Booranta & Gabraha, qaarna waxaa laga dhigay madiidin xoolaha raaca. Isla sanadahaas abaar iyo macayshad xumo ka dhacay Woqooyi Bari, dad dhibaatadaas kasoo cararay ayaa soo degay Jubbaland. Sida taariikhyahannadu kasoo xigteen wakiilkii Kismaayo u fadhiyey Suldaan Barqash oo dhulkaas dusha ka xukumay doontii ugu horreysay ee xeebaha Woqooyi Bari kasoo shiraacatay ayaa baroosinka soo dhigatay dekedda Kismaayo Maarso 1868. 1920kii jabkii Daraawiishta kadib kooxdii seddaxaad ayaa Jubbaland soo beegsatay waxayna hayb ahaan ku biireen dadkii Woqooyi Bari doonyaha uga yimid.

Haddii lagu murmo lahaanshaha magaalo lagu nool yahay, siyaabo badan ayaa loo kala saaraa. Ugu horreyn waxaa laga baaraandegaa afar arrimood: “dhismeyaasha gaboobay, qabuuraha magaca leh, magacayada deegaanka ku meersan iyo dadka miyiga ka keena daruuriyaadka, sida: caanaha, subaga, hilibka, hargaha dhuxusha, qalabka dhismaha (dhagax, nuurad, ciid iwm). Dhismaha qadiimka ah ee Kismaayo waxaa u badan Baajuun, balse qabuuraha la siyaarto waxaa u badan Jareer iyo Gibilcadda xeebaha degta. Magacyada deegaanka 90% waxaa laga dhaxlay dadkii deegaanka loogu yimid, tusaale (Waamo, Qooqaani, Kamsuuma, Sanguuni, Yoontoy, Gajaroon, Sacmoojo, Raskaambooni, Manaraani, Warfela, Kudhaa, Unguuni, Kulbiyow, Turdho, Dhasheeg, Hoosingow iwm).  Daruuriyaadka Kismaayo looga nool yahay waxaa keena beelaha deegaanka ee kala ah: (Wardey, Madaluug, Sheekhaal, Gaaljecel, Biyamaal, Cawramaleh, Jareer iyo wixii soo raaca).

Intii aan soo galootigu xoog ku qabsan, Jubbaland dadkii asal ahaan lahaan jrey qoraall tiro badan ayaa laga qoray oo gumeysigii ayaa kaydka taariikhda geliyey, tusaale. Wakiilkii Talyaaniga Ugo Ferandi 13/01/1893 magaalada Baardheere wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cabdi Cismaan oo ahaa suldaankii Ajuuraan. Sidoo kale Ugo Ferandi 18/11/1893 magaalada Luuq wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cali Xasan Nuur oo ahaa suldaankii beesha Gasaare-gude “Raxanweyn”.  Doorasho baarlamaan oo ku celis ahayd “by election” oo la qabtay 15/01/1960, Luuq waxaa kasoo galay laba xildhibaan (Cabdikarim Xussen Malakh, Raxanweyn iyo Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir). Doorashadii 1964 Baardheere waxaa baarlamaanka kasoo galay laba xildhibaan (Keenadiid Amed Yuusuf, Ajuuraan iyo Xaaji Sid Bakar Shariif Cismaan, Raxanweyn) guud ahaan geyiga Soomaalida waxaa laga yaqaan halkudhegga “Baardheere waa beled Ajuuraan”.

North America & Australia dadkii loogu tegay sidii loo laayey oo kale soogalootigii Jubbaland qabsaday dadkii tabarta yaraa qaarna waa laayeen, qaarna waa barakiciyeen intii soo hartay waxaa laga dhigay madiidin sheegad ah oo haba yaraatee aan wax xuquuq ah lahayn. Maamulkii daaqiliga Ra’iisal-Wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa  is addoonsigii ka jiray Jubbaland ka damqaday, 1957 wuxuu baarlamaankii xilligaas horgeeyey xeer loo dejiyey xoreynta dadkii laga dhigay xuquuq laaweyaasha sheegadka ah ee Kafiilka laga ahaa. Xeerkii RW Cabdullaahi Ciise baarlamaanka horkeenay waxaa ka carooday xildhibaannadii Majeerteen oo ku dooday “Cabdullaahi waxaan kuu haysanay waddani, waxaadse tahay qabiiliiste doonaya  nin Jaamac la yiraah in loogu waqlalo Jimcaale si Irir uga bato beelaha kale”. (Tixraac: Abolition of customary law of Harifo, was reported in the official newspaper corriere della Somalia on August 17, 1957)

Alle haka abaalmariyee, RW Cabdullahi Ciise waa ku guuleystay meelamrinta sharcigii xoreynta dadkii lagu suntay “Sheegad – Hariifo”. Ayaandarro dadaalkii Cabdullaahi mirodhal ma noqon oo wuxuu la kulmay murtidii “Abraham Lincoln 16th US President ee ahayd nin xoreyn rabaa la xoreeyaa”. Nin baa yiri “Nabi Muuse dabadi ninka doqon abaal tara dib-buu uga shallaayaa”.  Beelaha dulman shalay si fudud baa loo qabsaday, maantana maahan mintid abaabulan oo doonaya inay is xoreeyaan, waxayna u muuqdaan dad la bahdiley oo aad ugu nugul in la addoonsado. Nin baa yiri “canshuur qaade janno jidkeed kuma joogo, haddana uma jeelqabo”. Suurtagal maaha inaan qoraalkan kusoo koobo dulmiga iyo is addoonsiga ka jira Jubbaland, sansaanku waa “lixdan jirka Dhulbahante iyo 20 jirka Habarjeclo garta Caynabo kuma heshiiyaan”. Si kale haddii loo dhigo Jubballand waxay la mid tahay “Qudus – Jerusalem” oo Muslimiinta, Kirishtaanka & Yuhuuduba ay aamisan yihiin inay tahay goob muqadis ah oo ay leeyihiin. Ugu dambeyntii waxaan ku talinayaa taariikhyahannada, indheergaratada, aqoonyahanka, abwaannada inay furan dood ku saabsan xallinta mushkilada Jubbaland.

Cali Sh. Maxamed

Sheekha333@gmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.