galmudugnews.com

Home » WARARKA » Khaliif weyne oo Qaar ka mida beelaha Sacad caayay- Yaab

Khaliif weyne oo Qaar ka mida beelaha Sacad caayay- Yaab

on Jan 21st, 2013 // No Comment

Views 1612197

London (Galmudugnews) Nin ka mida Odayaashii beesha Sacad Habargidir oo lagu magacaabo Khaliif weyne ayaa shalay galab Tel Conference uu ku jiray dagaal ooge Cabdi Qaybdiid ka aflagaadeeyay beelaha Sacad Habargidir gaar ahaan Curadka beesha Sacad ee Cabdalle ,iyo sidoo kale Reer Jalaf .Reer Ayaanle,Reer Sinoole,Reer Qurdhaale,Indhayar iyo Reer Maxamed.
Khaliif weyne oo ku caanbaxay isku dirka beesha Sacad wuxuu  yiri ” Cabdi Qaybdiid dadka oo dhami gadaashaada ayey taagan yihiin sidaas darteed ha u joojin jufooyinka Maaynooratiga ah ” Kuwa laga awooda badan yahay” ee kaa soo horjeeda”
Khaliif weyne hadalkiisa wuxuu ula jeeday beelaha diiday guud ahaan qadiyada dagaal ooge Qaybdiid gaar ahaan Curadka beesha Cabdalle Sacad oo dhamaantood taageeray hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Korneyl Cali Baashi.
Hadaba todobaadkaan waxaan bilaabi doonaa qormo loogu magacdaray KHALIIF WEYNE WAA KUMA?
Waxaan bulshada Soomaaliyeed uga sheekeeyn doonaa shaqsiyada ninka u gefay beelaha Sacad Habargidir si ay u garwaaqsadaan ninka uu yahay anagoo ugu dambeyn soo gudbin doona codkiisa maadama uu shirkaas ahaa mid uu abaabulay nin aqoonta ka liita oo lagu magacaabo Cabdi  Casiis Xogolof kaas oo lagu fara xumeeyay Xabsi ku yaal  dalka Mareykanka.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.