galmudugnews.com

Home » WARARKA » Somalia=shan qoys oo shan qeyraad leh shaahna aan ka cabi karib?!!((faalo)

Somalia=shan qoys oo shan qeyraad leh shaahna aan ka cabi karib?!!((faalo)

on Dec 20th, 2012 // No Comment

Views 163807

Dalkeena somalia wa dal qani ah  waa dal isku heley waxyaabo badan oo aan aduunka  la heli karin ama dhif dhif .ah haduuba jiro dal intaas isku haysta ,balse nasiib daro  waxey  ka hooseeyaan  dadkeenu,dad aan intaas laheyn,,Marka aan qiimeeyo bur waaqada dhextaal dalkeena  waxaa igu soo dhacda  xigmad somaliyeed oo laheyd kabo tole ka kaba la.a ,micnaha ninka asagu kabaha sameeya ee xirfada uleh  mar walba waxaa la arkaa asagoo  kab go,an iyo mid duruf ah  ama baaba,a  ah wata

Guud ahaan somalida meel kasta oo ey joogaan iyo dalad kastoo ey ku hoos jiraanba , waxey ka koobanyihiin  hal qowmiyad, oo leh hal af , iyo haldiin, waxey kaloo   u  kala baxaan shan qoys ama shan qabiil oo qura , dalkooduna wuxuu leeyahay shan qeyraad oo hadii laga faa,ideysto halka mid ah uu dhamaantood  kaafin karo,halka  dunida  laga la,yahay dal sidaas ula mid ah ,dadkoodu waa wax aan sidaas uga badneyn 10 million, aduunkaas qaar kiis waliba dariskeena ayaa laga helayaa  wax ka badan 70 million oo toboneeyo. qowmiyad ah  tobanaan af ku kala hadlaya  tobanaan caqiido kala aaminsan, hadana isku weel ah oo wax isku fahansan,

Somalia qeyraadkeeda oo aan ku sheegey shan qeybood   (1) kaluunka,(2)xoolaha nool(3)beeraha(4)shidaalka(5)macdanta,,qeybaha ,ayagu ey kala sheegtaana waa shan qoys, sida ,(1)hawiye(2)daa,rood(3)dir(4)digiliyo mirifle(5) beela shanaad loo gu yeero, oo ah beesha  lambarka shanaad  ah, sidoo kale  somalidu waa  toban milyan  hadii labo loo qeybiyo   waxey noqoneysaa in halkii qeyraadba ey ka faa,ideysan karaan 2 milyan oo Somali ah   nasiib daro  somalidu waxey indha ka saabteen  faa,idooyinkaas ilaahay sida gaarka ah ugu maneysatay waxeyna  had  iyo jeer  indhaha ku hayaan  isdilkooda iyo kala  aarsigooda

Hadii malayiin ku kala duwan  dhankasta ey dan guud ku midoobeen maxaan anagu isku dilaynaa? Anagoo shan qeybood wadagna,(1)haldiin(2)hal qowmiyad(3)hal luqad(4) hal dhaqan(5)iyo hal midab nasiib daro intaas oo faa,ido ah  waxaan ka nahay manta  ceyr dadkeenu waxey xeryaha qaxootiga u fadhiyaan galay cagaar laga soo aruuriyey dad aan waxba dheereyn balse dantooda ku midoobay, gudaha inta joogta waxey  feyl ugu jiraan  kaalmooyin kaniisadaha  aduunka laga soo aruuriyey. Oo ey keenayan hay ado dalaaliin, ka ah , majirto maanta  gobol si buuxda uga faa,ideysan kara qeyraadkiisa  dadkeenu waa wada  dibad sugayaal, qof kastana wuxuu ku taamayaa in uu maalin uun banaanka u baxo.fiiri dhalinyarada maalinkasta tahriibka ugu dhimata badaha iyo saxaraha , fiiri kuwa inta jiiray dhibatooyinkaas hadana faraha laga qaaday e martida u ah  kaniisado iyo mel aan munaasib aheyn,

Dhibkaas intaas la,eg waxa noo horeseeday waa qabyaalada, qabyaaladuna sida aan kawada dharagnay malahan  xad iyo meel u go,an waa  baabuur aan bareeg laheyn oo buundo laga soo daayey, waayo bal fiiri  magaalo kasta iyo gobolkasta  waa ey kala qeybisay, hadii ey  sida ey shegteen somalidu shantii qabiil ee markii hore ey isku kal saareen ey ku ekaan lahaayen  waa dhaami laheyd sidaan , balse xeerkeeda ayaa ah in  ey ugudubta  ilaa mel hoose ,ilaa ey ka dhigto mid dhamaan burburisay danaha guud,

matalan  virus HIV, ga ,jirka  tartiib. ayuu ugalaa  ilaa uu  u gudbo unugyada difaaca isla markaana uu damiyo dhaman furayaasha difaaca. jirka , hadaba waxaa  cad in qabyaaladu ey taas    kadaran tahay, marka hore  hal hal qabiil ayey kala sheegtaan  kadib waxaa arkeysaa ayagoo degmo iyo xataa guri guri ukala qeybsamay,  tusaale cad fiiri degmada aad joogtid ama aad joogi jirtay  sida ey  jufo jufo iyo wax aan dantooda aheyn isugu qeybiyaan!! Arag xataa somaliland oo dowlad iska dhigi jirtay maanta in ey hargeysa lixsaac xabad ka dhacdo waxa sababay waa qabyaalad, midtaas lamid ahna wey ka dhacdaa  meel kasta oo dalkeena ah,

Fiiri qurbaha waxey  isu qeybiyaan jaaliyado  reer hebel intii ey oran lahaayeen jaaliyada somaliyeed, waxaa arkeysaa  T.V soo tabinayo shir dad somali ah ku yeesheen dibada oo  dadkaasna ey qaab  somalinimo, kamaaran ah u dhaqmaayaan , agayoo leh jaaliyada. reer hebel ama dhahayaan aqoonyahan, dhaqatiirta, dhalinta, iyo noockasta ee jaal;iyada beeshaaas ee ku nool wadan hebel, war goormee beel dhan dibada u guurtay , yaab , intii ey israasan lahaayeen ayey sidaas u dhaqmayaan,

aan  is weydiinee 20 sano qabyaaladaan soo wadnay, beeshee  guul ka sheegan karta teese laga tirtiray dalka ?!! maya weeye jawaabtu balse waxaa uu galaaftay, nolosha, wiilal  somaliyeed oo dal iyo diinba anfici lahaa ,,hadii la ogaaday dhibkaas maxaan ugu dhagnahay maan isku tanaasulno ?

Ugu dambeyn  dadkeenow dal waa heysatiine dibad uyaaca daaya, diirimaad cimilo haka dooran baraf,,dowladnimo rasmiya haka dooran dil, ha.u doodin waligaa  dal kaloo uhoyatiyo duul aadan  dhalin  uduganshanskiis

W/Q Hassan Hussein Ahmed, xasan75@hotmail.co.uk

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.