galmudugnews.com

Home » QORMOOYIN, WARARKA, XULKA Galmudugnews » wareega waqtiga iyo warla,aanta wiilasha afrika

wareega waqtiga iyo warla,aanta wiilasha afrika

on Dec 13th, 2012 // No Comment

Views 162355

Wareega waqtiga iyo war la.aanta wiilasha africa
Marka layiraahdo waqti waa lafahansanyahay in uu yahay wax socdo ha loo fahmo si cilmiyan ah ama caqliyan ah, dunidaan aan ku nool nahayna waxaa moodaa in dadka qaar ey la socdaan waqtiga qaarna uu asaga waqitga ah uu ka socday,
marka aan leeyahay dadka qaar wey la socdaan waxaan ula jeedaa dadka ka faa,ideysatay waqtigooda sida, aan kawada dharagsanahay,aduunka wuxuu ku tilaabsanayaa hurumar, lagu keeney waqtigoo laga faa,ideystay , waayo halkii shey. oo manta lasoo saaro laguma keenin si fudud ee waaa dadaal cilmiyeed iyo mid waqti, oo galiyey kadib ayey yimaadaan


, qeybtaan aan kaga nool nahay dunida ee afrika waxey u muuqataa mid dadkeedu uusan la socon waqtiga bal uu waqtigu ka socday , horumar waxaa duni ama dal gaarsiiya waa dhalinyaradiisa oo wax barata kadibna wax u bilaaba dhalinta biri si ey u sii hormariyaan wixii ey dhalintii shalay dhamey tiri waayeen ,, waayo hadaadan wax baran waxba qiimo ah kama lihid dunida umana lihid dalkaaga ,iyo dadkaaga midna


Waqtiga wuxuu u qeybsamaa dhowr qeybood waqti ah markaad dhalatay, iyo mid ah dhalinyaro nimo iyo mid aad gaboowday oo ey ku xigto geeri intaasna mawada aha mid qufku wada heli karo waayo geeridu meel kastey fadhisaa oo uun ku sugi meyso gaboow, markaad dhalato ilaa aad ka barbaarto waajibku wuxuu saaran yahay waalidkaa, waana in ey kugu hagaan wado toosan markaad barbaarto adigaa lagaa rabaa hadii walidkaa wax barasho fiican ku siiyeen in aad siiwado oo heer gaarto waana waqtiga la kasbado wixii dal iyo dad lagu hor marin lahaa, waqtiga gabowgu waa waqtigii inta ugu dambeysa waxaad baratay aad u reebi laheyd dadka soo socda,


Dadka africa ama somaliyaba waxa, dunida ka reebey waa waqtiga, oo eysan lasocon micnaha waqtigu haduu labo yahay, sida bilow ilaa afartan jir iyo afartan jir ilaa dhamaad, micnaha geeri,oo qofku wuxuu jaaniska ugu fiican haystaa oo ey tahay in uu ka faa,ideysto waa shan iyo toban ilaa aftan waa buundo weyn oo hadaadan inta aadan gaarin buudadaas wax baran aad galeysid waqti aadan waxna baran karin bulshadana aad bariis cunid uun ugu fadhisid, qeybta hore ee buundada waa ilaa afartan sano qeybta dambana wa ilaa sideetan sano,=40 sano =80 sano

,
Bal aan isweydiinee maxaan qabanaa inteena badan kahor da,daas afartanka ah, waxaan fiirsanaa filimaanta waxaan joognaa goobaha fadhi kudirirka waxaan fiirsanaa oo hor fadhinaa dhalooyin laga soo daayo wax layiraahdo sports, oo gu, iyo xagaa, aan u kala tirino, , bal fiiri dhinaca kale wadamada hor maray maxey sameeyaan kahor buundada afartanka , waxey ku dadaalaan sidey uga soo bixi lahaayeen kuliyaad qiimo leh oo keeni kara markey buundadaas fartanka sano ah gaaraan ey noqdaan kuwo leh wax soosaar qiimo leh, waxey leeyihiin time table ku xusan wixii maanta, sanadkaan, sanooyinkaan, iyo sacad kasta, ey qaban lahaayeen


Cyle of Life,ama wareega nolosha, dadka aduunka qiimo ayey uleedahay ma,ahan in aad tiraahdo waxaan xusayaa my bith day adigoon wax ba qaban sanadkaas aad xusatay, walba, ooy, markuu sanad kaa dhamaado intaa ku qosli laheyd , waqtigaagi oo dhamaanaya micno la,aan aduunka dadka kunool waa isku mid ma,ahan in haraga cad barako gaar ah leeyahay haraga madowna uu barako daro qabo bal waa dadaal la is dheryahay,sanadkii oo leh 365 maalmood, iyo rubi, isku day in aad ka sameysato time table, quseeya shaqadada iyo waxbarsahdaada, somali badan waxey fadhiyaan xeryo qaxooti iyo xarumo shisheeye aygoon waxba baraneyn ,

in maanta ey technology du ku yaraato afrikana waxa sababay waa wareega waqtiga iyo warla,aanta wiilasha, afrika , waayo wiilasha afrika waxey ku mshquulsanyihiin dhageysiga music ka baxaya sameecado waaweyn oo xataa, eysan awoodin in ey sameystaan , iyo DvD yo casri ah oo ey soo saareen rag facood ah balse waqtiga aan ka harin ilaa ey hamuun beeleen, ugu dambeyntii dhalinyarow dhowra noloshiina ,iska dhaafa waxaan noo qalmeyn iyo quraafaadka,,waxaa maanta laga rabo dhalinta geeska iyo guud ahaanba africa ba waa waa ka faaideysiga waqtiga kahor buudaweynta da.da afartanka kugu xireysa ,
W/D/ xasan xusen axmed,xasan75@hotmail.co.uk

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.