walee qurbaha qeylaa katimid!!?
somalidu waxey tiraahdaa kheyr waxkaama dhibee shar u toog hay,,maanta qormadeyda waxaan kaga hadli doonaa dhibaatada qurbaha ka soo gaartay diintii iyo dadnimadii somalida, kama hadlaayo kuwa sharafka leh ee diintooda iyo dadnimadooda ku ilaashaday qurbaha, waana tan aan ula jeedo kheyr waxkaama dhibee shar utoog hay,
dadka somalidu burburkii kadib waxey afka saareen qeybo badan oo caalamka kamid ah, inbadan waxey ka faa,ideen aqoon iyo ilabaxnimo balse qaar badan waxey ka tilaabeen meelo qatar ah, dhalinyaro badan waxey qaateen dhaqamo reer galbeednimo ah kuwaasoo kadhigay ri,seenyoon, micnaha aan geeso laheyn, xataa iska daa dhar ahaane socod ahaan xataa waa isbadaleen, waxaa arkeysaa wiilal socod sadex geesle eh leh, surweelkuna dabada ka hoos kaga xiranyahay, iyo gabdho qaawan , uguyaraana tan ugu roon xijaab mawadato, timo bid bidaaya iyo tuur banaan micnaha qaar hore oo banaan ayey suuqa la dhex taaganyihiin,
mahan oo qura dhalin yaro ee xataa dad waaweyn oo masuuliyado sheeganaya ayaa arkeysaa in ey ku qalibmeen qurbaha , xataa masuuliyiin ama xildhibaano dumar ah ayaa arkeysaa ayagoo xijaab la,an dhex fadhiya shirar, inkastoo ey xusid mudantahay haweyneyda ah wasiirada haweenka oo mar waliba war baahintu soo qabato ayadoo xijaaban taasoo ah artin ku dayasho mudan
duunyadu waxey isku garataa urka dadkuna maqalka iyo araga , in aad muslim dhab ah tahayna waxaa lagugu garanayaa waa xijaabka iyo dhaqanka, diini ku dhalasho mahan ee waaa ku dhaqan , waayo diintu markaad ku dhaqanto ayaad haysataa , kawaran hadii anagoo muslim sheeganeyna aan astaanteeni xoorno, hadey gabdhaheenu goono yar isku jiidaan garbasaarkana tuuraan , runtii garba saarku waa astaantii gabadhaha muslimka ah hadii lagaa waayo maxaa tahay?
dadkeenu markey qurbaha tageen waxey galeen xaalad aan xakameys laheyn , majirto hooyo ilmaheeda ku xaarxaarsan karta ama ku canaanan karta in uu sameeyo dhaqanka wanaagsan, hadey is ku daydana waaba laga wataa, sidaas darteed dhalin badan waxey noqdeen gungs iyo kuwo aan mustaqbal laheyn iska daa dad iyo diin ey wax utaraane ayagaaba tog dheer katuuraya,
somalidu waxey kaloo tiraahdaa nin soori qaaday iyo nimey seefi qaaday keebaa daran? nin seefi qaaday micnihiisu waa nin dhintay oo wax ku dhaceen nin soori qaadayna waa nin hunguri xumo qaaday ,waxeyna ku jawaabeen nin seefi qaaday ayaa roon ileen awalba wuu dhiman lahaa, laakiin nin soori qaaday wax ka xun maleh, hada nin xabadi ku dishay somalia iyo nin dhaqan xumo ku heshey qurbaha keebaa daran? aniga kan qurbaha uga tagay diintiisa iyo dhaqankiisa ayaa ila xun waayo dhimashadu wey taal meel kasta waaana xaq kan ku dhintay dalkiisa kuna dhintay diintiisa ayaa wanaagsan waayo waqtigaas ka hor ma dhiman laheyn,
dadka aduunka ku kala firxada hadey ilaashadaan dhaqankooda iyo diintoodu waxey faaido u noqotaa dadkii ey ka soo tageen hadiise ey dhaqamo kale qataan iyo diimo kale waxey dhibaato ku noqotaa dalkooda iyo dakooda waaayo lama huraan waa cowska jiidaaloo hadhow mar ey noqotaba waxey ku soo laabtaan dalkooda ayagoo dhaqan xun iyo mid fiicanba dib ula qeybsada dadkooda,, hada hadii somali badani ku halowday qurbaha kuwo ku hormaray iidaayee soo uma baahna in difaac laga galo oo wax lagu tifaftiro loo sii diyaarsado,
inkastoo layiri meel waayeelkii ka dur durinaayo maxaa ciyaalkii moodaa oo aad arkeysaba dad waaweyn oo marka ey hadlayaan labo tilaabo aan u qaadi karin kuhadalka afkii hooyo sida masuuliyiin qurbaha ku wax bartay oo laftoodu luqad dhumis keeni doono waayo ufiirso markey wareysiyada bixinayaan labo kalmo oo somali xalal ah iskuma xijin karaan ,
dhaqan guurka ku dhacay somalidu kuma koobna uun dhalinyaro ee qeybo badan oo bulshada banaan jooga ah kamid ah ayaa maanta war cusub la imaanaya, qaar waxeyba cadeysteen in ey diintii ka baxeen sida ayan xirsi iyo inkaloo ashuun ku adin ah , maalin dhaweyd waxaan arkayey warbixin sheegeysa in masuul ka tirsan barlamanka uu yiri ragu wa isguursan karaan?!?!! bilaahi caleykum madaxa maxaa ka sareeyo oo lasalaaxaa hadii masuul umad muslim ah uu sidaas yiraahdo maxaa shacabka laga filayaa? ,
sidoo kale meesha la rabo in laga ilaaliyo diinta iyo dhaqanka bulshada waa dowlad ama maamul ka jira meel , fiiriya gabdhaha muslimka ah ee kujira barlamanka carabta sida masar wey wada xijaabanyihiin anaga kuweena qaar ayaaba jaakado uun la jacariira oo xataa qamaar yar aan xirneyn
markaa tahay muslim ahow mid aan astaantiisa tuurin xataa hadaa masrax ka heyseyso, markaad eegto baraha bulshada waxaa arkeysaa akhlaaq xumo badan oo ka jirta somalida dhexdeeda, qaar ayagoo qaawan sawriradooda soo galiya hadii somalidu eysan maanta u istaagin ka hortaga arimahaana waxaa muuqaneysa in sidey hadba meel u gees dhiganeyso in maalinka dambe meel aan laga kabsan ku dhici doonto,
warbahinta oo laga rabo in ey qeyb ka qaadato tusitaank arinkan inta fiyoow ayaa qaar kood qar iyo buur jafaaya,, waxaa arkeysaa website yo ayaguba soo gudbinaaya dhaqamo xun xun, sida midkii iigu dambeeyey ee aan arko oo soo qorey in kabadan lixboqol oo qof oo dhigay iskoor aan horey looga dhigin aduunka waa eegey mise waxa dhex buuxo lixdii boqol oo qof ee uu sheegey oo dhamaantood wada qaawan eyna ku jiraan haween badan kawarama kaas ma qeyb buu ka qaadan karaa hagaajinta bulshada , mase tixgaliyey diintiisa iyo dadka uu wax u tabinayo waayo wuxuu soo bandhigay wax u eg sexy,
ugu dambeyn somaliyey balanteenu ilaalinta diibteena iyo dadnimadeena
W/D xasan xusen axmed , xasan75@hotmail.co.uk

