galmudugnews.com

Home » WARARKA » Maxkamadda Holland oo Dahabshiil lacag ku ganaaxday halkii ay ka sugeysay ?+Dukumiinti.

Maxkamadda Holland oo Dahabshiil lacag ku ganaaxday halkii ay ka sugeysay ?+Dukumiinti.

on Nov 30th, 2012 // No Comment

Views 163087
Galmudugnews.com - Maxkamada Magaaladda Breda ayaa markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil oo dacwad ku oogtay Dahir Alasow.
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda 29 November 2012 ayaa lagu laalay dhamaan dacwadii Shirkadda Dahabshiil ku oogtay Dahir Alasow oo metelayay Associated Somali Journalists ASOJ,Waagacusub iyo Sunatimes.
Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.
Dahabshiil waxaa lacagta loogu ganaaxay inay Dacwada furatay oo Xeerbeegtida iyo Lawyerada waqtigooda ku lumisay kiis ay ku guuldareeysatay .
“Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa saxa sidaas darteed  Maxkamada kuma qasbi karto inuu Website-yadiisa ka saaro Warbixinta Dahabshiil ka so dacwootay” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Maxkamadda.
Go”aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ku habsata,waxayna kiiska dacwadaan ku khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound”
Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febraury 2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.
Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.
Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda.
“Maamulka Dahabshiil waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madaxbanaanida Saxaafadu tahay lama taabtaan” ayuu yiri Dahir Alasow
“Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direeysaa Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah ,Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska ASOJ ee Muqdisho.
Associated Somali Journalists ASOJ waxay hambalyo gaara u dirayaan dhamaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com,Galmudugnews.com,Khaatuma.com iyo Boocame.com.
“Guusha laga gaaray Xulufadda Dhiigshiil maaha mid Dahir Alasow  u gaara ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida,waxaana muhiima in Xoriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ.
Allaa Mahad leh.
Faduma Farah

Halkaan ka akhri Ganaaxii lacageed ee lagu ganaacay Dahabshiil.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.