Xildhhbaan C/laahi Jaamac Kaboweyne oo Katirsan Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Federaalka Somalia ee kasoo jeeda Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Shacabka Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland in ay dhowraan Nabada Deegaanka islamarkaasina la joojiyo Tilaabooyinka Caqabada U keenaya Amaanka
Xildhibaanka ayaa Sheegay In Xildhibanada Labada Maamulka ee Kujira Dowlada Somlia ay kawada hadleen sidii loosii dayn lahaa dad kukala xiran Waqooyiga Iyo Koofurta Gaalkyo isagoo dhinacakalena baaq u diray madaxweynaha Puntland C/rixmaan faroole oo isagu lasheegay in uu kadambeeyey Afduub nin ganacsade rer Galmudug ah oo laga qafaashay Bartamaha Gaalkayo

