galmudugnews.com

Home » WARARKA » Topnews:- Kaah Express oo loo aqoonsaday Xawaalad Soomaaliyeed- Awdal iyo Khaatuma.

Topnews:- Kaah Express oo loo aqoonsaday Xawaalad Soomaaliyeed- Awdal iyo Khaatuma.

on Nov 21st, 2012 // No Comment

Views 162286
Galmudugnews.com— Kaah Express ayaa loo aqoonsaday Xawaalad Soomaaliyeed oo ka madaxbanaan siyaasad  iyo qabyaalad .
Macaamiisha Shirkadda Kaah Express ayaa %40 kor u kacday sanadkaan markii Maamulka Shirkadda uu la wareegay Hassan Abdi Cawad oo ka mida Xeeldheerayaasha Ganacsiga iyo Maamulka ee Geeska Afrika ,shaqsiyaadka ugu caansan.
Hassan Cawad oo balaariyay Xawaalada Kaah wuxuu ka hoowlgeliyay dad iskugu jira dhamaan qabiilada Somalida
Maamulaha Kaah Express Wakiiladda uu ka sameeyay Xarumaha Caalamka oo lagu yaqaan aqoon iyo shaqo wanaag ayaa sawir qurux badan ka bixiyay muuqaalka Shirkadda .
Bulshada u dhalatay Khaatuma State iyo Awdal State ayaa amaanay Xawaalada Kaah waxayna sheegeen inay tahay Shirkad madaxbanaan oo degaanadooda ka fulisay adeegyo dhaxalgala.
Bulshada u dhalatay Khaatuma State iyo Awdal State waxay hore qaxeen Xawaaladihii ay macaamisha la lahaayeen oo siyaasada ku milmay.
Kaah Express oo la rumeeysan yahay inay hada ku jirto kaalinta labaad ee Horyaalnimada Xawaaladaha Somalia waxaa hubaala inay sanadka cusub geli doonto kaalinta 1-aad hadii ay laba laabto tartankeeda ganacsi .
Somalidu waxay u baahan yihiin ganacsi xora oo xalaala balse uma baahna in faa’iidada laga helo adeegooda lagu huriyo colaad ama dadka Soomaaliyeed lagu laayo.
Siyaasadda iyo Ganacsiga waa laba kala fog oo aan is qaban karin.
Shirkadii siyaasad ku lug yeelato waxaa ku qoran taariikhda inay burbur ku dambeyso maxaa yeelay Siyaasadu waxay kala dishaa ama isku naca Wiil iyo Aabahiis.
Dadka qiimeeyo ganacsiga Somalida waxay Kaah Express ku sifeeyeen inay tahay Xawaalad Soomaaliyeed.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.