C/shukri Cali Xirsi oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Somaliya Xukuumada Cusub ee la dhisay iyo xaalada Galmudug
C/shukri ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaliyeed in ay ansixiyaan Xukuumada Cusub, waxa uuna sheegay in Xukuumada Cusub ay tahay mid tayo leh.
“ ma ahan in Xukuumada la dhaliilo waa Xukuumad tayo leh oo kooban, Marka waxaan oran karaa Xukuumadan wax badan ayay qaban kartaa, Waa in aan uwada tanasulna Dawladaan cusub lana shaqeyna sidii aan dalkeena Hooyo dib udhisan lahayn oo sharafteeni iyo karaamadeeni u soo ceshan lahayn, anaga oo dhan ma wada noqon karno Madaxweynayaal iyo Wasiiro”ayuu yiri C/shakuri Cali Xirsi.
“ Maamul Goboleedyada ha ogaadaan in Xukuumada dhexe ay tahay awooda ugu sareysa Qaranka oo ay iyadu wakiil ka tahay maamul goboleedyada ka dhisan Soomaliya, Maamul Goboleedyada awood uma lahan in ay xariir la sameeyaan wadamada caalamka, mana yeelan karaan Wasiiro caalamka la xaajooda. Sida Dawladaha Federalka e Jarmalka, Najeeriya iyo Itoobiya Dawlada dhexe ayaa canshuuraadka, Ayraboorada, Dekedaha, Amniga, Xiriirka Calamka, Sugidda xuduudada, hawada iyo xeebaha Qaranka kuli waxa masuliyadeeda iyo maamulkeeda iska leh Dawlada dhexe ee Federaalka. marka macnaha Federaalka ma ahan in Maamul Goboleed kasta uu udhaqmo sida Dawlad dhexe, sidaas daraadeed waxaa meesha ka maqan in seminaro aqoon kororsi ah oo dinaca midaamka Federalka loo qabto Maamul Goboleedyada Soomaliya kuwa dhisan iyo kuwa dhismi doona ”ayuu markale yiri C/shukri Cali xirsi.
“ Dadka dagan Galmudug waa in ay ku Noolaadaan Nabad oo ay qilaafkooda ku xaliyaan wada hadal, Galmudug ma ahan hal jufo sida aan hadda u aragno, waa in la isugu yeera dhamaan beeleha degan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo ay udhistaan maamul balaaran oo wax tar leh”ayuu markale Yiri C/shukri cali Xirsi.
Hadda Galmudug Ilaa labo shaqsi ayaa Madaxweyne sheeganeysa oo labadaba si sharci daro ah iskood isku magacaabay iyada oo Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin oo si rasmiga ah weli taagan yahay, waxaas wax caqliga saliimka qaadan karo ma ahan.
Sidoo kale siyaasigan ayaa sheegay in Dowlada Cusub laga sugayo waxyaabo badan oo aysan qaban Dowladii ka horeysay.

