galmudugnews.com

Home » WARARKA » Mike Hammer oo cambaareeyay dilalka suxufiyiinta Soomaaliyeeed

Mike Hammer oo cambaareeyay dilalka suxufiyiinta Soomaaliyeeed

on Oct 31st, 2012 // No Comment

Views 16267

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee dhinaca bulshada Mike Hammer ayaa cambaareeyay dilalka joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo sanadkan gaaray heerkii ugu sarreeyay.

Mr. Hammer oo shir jaraa’id ku qabtay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamay beegsiga joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo tacsi gaar ah u diray ehelka Abwaankii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa Idaacadda Kulmiye Warsame Shire Cawaale.

Kaaliyaha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka  ay il gaar ah ku hayso dhibaatada suxufiyiinta Soomaaliyeed loo geysanayo, wuxuuna ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay la xisaabtamaan dadka tacadiga geysanaya oo dabagal lagu sameeyo.

Wuxuu dhinaca kale ugu yeeray maamullada Puntland iyo Somaliland in ay ixtiraamaan xorriyadda hadalka iyo cabirida fikirka, wuxuu ku baaqay in saxaafadda iyo suxufiyiintaba loo oggolaado in ay hab xorriyad ah ku howlgalaan.

Hadalka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee qaabilsan dhinaca bulshada Mike Hammer ayaa ku soo aaday xilli suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag oo cabsi leh, waxaa sanadkan kaliye la dilay 17 suxufi.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.