galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Video Ciidamada la wareegaya Jubaland
  • Daawo Wasiir Cukuse oo shalaayto ka jooga Video uu ka duubay dagaalkii Isaaq
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Dagaalkii Garxajis iyo Gaashaanbuurta Habarjeclo
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Daawo Ugaas diid Prof Samatar oo booqday Ugaaska Samaroon
  • Daawo Ciyaartii Hargeysa oo ku dhamaatay rabshad iyo dagaal
  • Ila qosol: Daawo Faroole oo niikinaa iyo Kenya oo
  • Daawo Wada hadalkii Galmudug oo fashilmay
  • Daawo Muqdisho oo dib u dhisantay
  • Dhageyso Faroole ku dhaartay inuu aqbaleeyn Dowlad dhexe in Somalia ka hirgesho
  • Daawo biloowga israaca Hawiye
  • Daawo Siyaasi Daarooda oo Siilaanyo iyo Muuse Biixi weydiistay inay Siyaad Barre u duceeyaan
  • Daawo taageerayaasha Madaxweyne Garguurte oo cirka isku shareeray
  • Home » WARARKA » Maamulka Faroole oo Raisul wasaarihii xilka ka degay ku amray inuu ka baxo Puntland iyo xiisad ka taagan Boosaaso

    Maamulka Faroole oo Raisul wasaarihii xilka ka degay ku amray inuu ka baxo Puntland iyo xiisad ka taagan Boosaaso

    on Oct 31st, 2012 // No Comment

    Views 162244

    Saraakiisha ciidanka Booliska maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa la sheegay iney amar ku siiyeen raisul wasaarihii xilka ka degay ee Somalia C/wali Maxamed Cali Gaas inuu isaga baxo magaladaas iyo degaanada Puntland, iyadoo xiisad arintaas ka dhalatayna laga soo sheegayo magaalada Boosaaso.

    Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas oo tan iyo markii uu xilka wareejiyey socdaal ku marayey degaanada Puntland ayaa waxaa la sheegay in saaka Taliska ciidamada booliska Gobalka Bari iyo maamulka gobolkaasi ay si deg deg ah ugu yeereen iyagoo ku amray inuu isaga tago degaanadaas.

    Maamulka Faroole ayaa ka carooday kulamo raisul wasaairihii hore uu magaalada Boosaaso kula yeelanayey odayaasha qabaailka beelo ka horjeeda xili kororsiga halka sano ah ee madaxweyne Faroole uu damacsan yahay inuu xafiiska ku sii joogo.

    Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Guddoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan kaasoo la sheegayo inuu ku dhamaaday fashil ka dib markii xildhibaan C/weli Gaas uu diiday dalab ka yimid gudoomiyaha gobolka oo ahaa inuu isaga tago magaalada.

    Raisul wasaarihii hore ayey wararku sheegayaan inuu masuuliyinta Puntland si cad ugu sheegay inuusan degaanadas ka baxeynin, maadaama uu yahay nin reer Puntland Ah, waxaana arintan ay dhalisay xiisad dhinaca qabaailka ah oo laga cabsi qabo iney weji kale yeelato, waxaana amarkan degaanada Puntland looga saarayo C/weli Gaas la sheegaya inuu ka dambeeyo madaxweyne Faroole.

    Ciidamo tirsan maamulka Faroole ayaa la sheegay iney habeen hore isku gedaameen dhisme ku yaala magaalada Boosaaso oo uu ku soo degay xildhibaan C/weli Gaas, iyagoo diiday in dhismahaas ay galaan odayaal iyo iyo siyaasiyiin doonayey iney kulan la qaataan raisul wasaarihii hore.

    Xildhibaan C/weli Gaas ayaa waxaa la sheegay inuu arintaas si weyn uga carooday isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in C/weli gaas laga dul qaaday ciidanka hoygiisa lagu wareejiyey ka dib markii uu ogolaaday amar sheegaya inuusan la kulmi Karin liis ay ku xusan yihiin magacyada illaa 13 qof oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgarad si weyn u diidan maamulka Faroole.

    C/raxmaan Faroole madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu shacabka Puntland ku sanduleeyo iney aqbalaan xili kororsi hal sano ah oo uu damacsan yahay inuu xafiiska ku sii joogo ka dib markii ay u dhamaatay afar sanadood oo uu xilkaas hayey, waxaana Faroole uu adeegsanayaa ciidanka Puntland si uu u caburiyo siyaasiyiinta iyodadka ka soo horjeeda xukunka uu sida guracan ku raadinayo

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.