Gudoomiye ku xigeeynka dhinaca amaanka ahna siihaya xilka Gudoomiye ee gobolka Hiiraan Axmed Nuur Inji oo waereysi siiyay idaacada kulmiye ayaa waxa uu eedeyn dusha kaga tuuray beesha caalamka iyo dowlada Soomaliya waxaana uu ku eedeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadkii uu saameeyay fatahaadii uu sameeyay wabiga Shabeelle ee magaalada Baledweyne waxaana uu intaasi ku daray Inji in ay ilaa iyo hada ay dadkaasi dhooban yihiin duleedka magalada Baledweyne halkaasina ay ku heysato xaalad nolol xumo .
Sido kale Axmed Inji ayaa beesha caalamka iyo dowlalada ugu baaqay in ay indhahooda ku soo eegaan dadkan ku dhibaateysan Hiiraan waxna ay u qabtaan waxaana uu tilmaamay inji hadii ay dadkaan heli waayaan gar gaar deg deg ah oo dhinac kasta ah sida caafimaadka iyo wax ay cunaan inay dhibaatada intaasi ka sii badan doonto sidii taasi looga hortaghi lahaana ay dowlada iyo Caalamka intiisa kale xil iska saaran dadkaan uu saameeyay wabiga shabeelle oo dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay fatahaadii ka dhacday Baladweyne sameyay.
Markii ay soo if baxday in uu fatahaad sameeyay wabiga shabeelle waxyeelana uu u geystay dad badan oo ku nool magaalada Baledweyne ayaa madaxweynaha soomaliya Xasan sheekh Max’ud waxa uu ku dhaaqay in la gar gaaro dadkaasi oo xitaa isaga oo indhihiisa ku soo arkay waxa ka dhacay Baledweyne ilaa hada aan wax muuqda loo qaban dadkaas ay saamaysay fatahaadu.

