Wararka nasoo gaaraya Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in hal askari oo ka tirsan booliska Kenya uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay kaddib markii xalay kooxo hubeysay ay rasaas ku furtay ciidan boolis ah oo roondo ku marayay bartamaha magaalada.
Goobjoogayaal ayaa Kulmiye u xaqiijiyay in ay rasaas is-weydaarsadeen ciidanka booliska iyo dableyda hubeysan taasi oo socotay muddo daqiiqo ah, iyadoo markii dambe ay kooxihii deblayda ahayd ay goobta isaga carareen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in askarigii ku dhaawacmay is-rasaaseynta loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaarisa, iyadoo goobta uu falka ka dhacay ay gaareen ciidamo boolis ah kuwaasi oo baaritaanno ka billaabay halkaas, waxaana la xiray gebi ahaan goobihii ganacsiga ee magaalada kaddib markii ay cabsi soo food saartay dadweynaha deegaanka ku nool.
Dhacdadan maahan markii u horeysay 30-kii September ee sanadkan ayaa labo askari oo boolis ah lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay halkaasi ka jireen xaalado ammaan darro kuwaas oo xiliyada habeenadii ah ay dhacayeen dilal iyo qaraxyo.

