galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Dagaalkii Garxajis iyo Gaashaanbuurta Habarjeclo
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Home » WARARKA » Puntland oo lacag been abuur ah ku gubtay Gaalkacyo

    Puntland oo lacag been abuur ah ku gubtay Gaalkacyo

    on Oct 29th, 2012 // No Comment

    Views 16204

    Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay lacag been abuur aheyd oo isugu jirtay doollar iyo shilin Soomaali oo ciidamada booliska ay ka soo qabteen suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Agaasimaha maaliyadda gobolka Siciid Cali Yuusuf (Gaaddo-yare) ayaa warbaahinta u sheegay in lacagta la gubay oo ku jirtay jawaanno ay gaareysay 50 milyan oo shilin Soomaali ah iyo 130,000 oo doollar oo been abuur ah.

    Agaasimaha wuxuu sheegay inay jiraan dad doonaya inay dhacaan hantida ummadda, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay lacag been abuur ah ku sameeyaan deegaannada maamulka Puntland iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

    Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Maxamuud Yuusuf Tigey oo isna ka hadlay goobta lacagta lagu gubay ayaa uga digay ganacsatada gobolka inay isticmaalaan lacagta been abuurka ah, oo uu sheegay inay keeni karto sicir barar ku yimaada maciishadda haddii ay suuqyada gasho.

    Maxamuud Yuusuf ayaa ka codsaday shacabka iyo ganacsatada gobolka inay ka digtoonaadaan lacagtaas been abuurka ah.

    Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa horraantii sanadkan uga digay shacabka iyo ganacsatada lacag shilin Soomaali ah oo been abuur ah, taas oo la sheegay in ay soo gashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.