Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan oo ay Joogaan Kumanaan Arday ah ayaa lagu Qabtay Munaasabad Caalami ah oo loogu dabaal dagayay Kulanka dhalinyarada Somaliyed ee Suudaan taas oo ay kasoo Qeyb Galeen kumanaan Arday ah, Aqoon Yahano, Waxgarad iyo Madax Ka tirsan Dowladda KMG ah ee Somaliya.
Munaasabda oo aheyd mid Heer sare ah ayaa ugu Horeyn waxaa lagu soo Bandhigay Suugaan ka Tarjumaya Maalmaha CIida iyo Qiimaha ay leedahay Wadaniyada iyadoo sidoo kale ay meesha kusoo Bandhigeen Abwaaniin ka kala Socday Somaliya iyo jabuuti Barnaamijyo ay ku Muujinayaan Hidaha iy DHaqanka Labada Dal ee Walaalaha ah.
Masuuliyiintii Goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Qunsulka Safaarada Somalida ee dalka Suudaan Ibraahim Guure kaas oo sheegay in mahad Balaaran ay u celinayaan Dowladda Dalka suudaan oo uu Sheegay in ay Gacan tii ugu wanaagsaneyd ay siisay Somalida kuwaas oo u oomanaaa Waxbarashada.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadlay madax kale oo qudbadahooda ku Cabiray munaasabadan una Mahad celiyay soo Qaban qaabiyeyaashii waxaana ka mid ahaa niinkii ugu horeeyay ee Somali ah oo asaga oo Indhaha la’a Qaatay Darajada Mastarka walibana kaalinta koowaad kaga Baxay Jaamacada.
Munaasabadan oo ah Mid Sanadkasta Maalinta Sadaxaad ee Ciidul Adxaha ah Lagu Jamciyo Dhalinyarada Somaliyed ee Reer Suudaan (Al-islaax) ayaa waxaa soo Qaban Qaabiyay Golaha Sare ee Kulanka dhalinyarada Somaliyed ee Suudaan iyadoo lajnada Qaaska u Qaban qaabiyay Xafladii Qiimaha Badneed uu Gudiimiye u ahaa Cusmaan Axmed Afrax oo Dhanka kalena Ka mid ahaa Ardaydii Sanadkan isu Taagay in ay U tar tamaan Doorashada Madaxtinimada Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka SUudaan.










