Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa howlgal gaar ah oo ay maanta ka sameeyeen guri ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo waxay ku soo qabteen bambooyin iyo walxo qarxa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay bambooyin aan tiradooda la sheegin iyo labo jaakadood oo ay ka buuxeen walxaha qarxa, kuwaasoo loogu talagalay inay xirtaan dadka is qarxiya.
Taliyaha ciidanka booliska Galmudug Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay kaddib markii lagu wargeliyay in guri ku yaalla xaafadda Horumar lagu diyaarinayo qaraxyo.
Xabeeb wuxuu sheegay inay guriga ka baxsadeen labo nin oo la sheegay inay ku howlanaayeen diyaarinta walxaha qarxa.
Taliyaha wuxuu sheegay inay ku raad-joogaan labadaas nin, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

