galmudugnews.com

Home » WARARKA » Safaaradda Soomaaliya ee Beijing – China oo isku badashay goob lagu caweeyo ,looguna adeego Somaliland .

Safaaradda Soomaaliya ee Beijing – China oo isku badashay goob lagu caweeyo ,looguna adeego Somaliland .

on Oct 28th, 2012 // No Comment

Views 163329
Galmudugnews.com – Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing ee dalka China oo ka mid ah safaaradaha ka dhega fureysta amarada iyo fariimaha ka yimaada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa isku badashay sanadihii ugu dambeeyay goob lagu caweeyo , looguna adeego danaha Somaliland .
Dhismaha Safaaradda ayaa galab waliba lagu arkayaa haween ku caan ah caweyska iyo tumashada , iyadoo ilinka hore ee Safaaradda uu ku soo dhoweeyo ninka lagu magacaabo Cawaale Cali Kulane oo sheegta inuu yahay Ku-xigeenka /lataliyaha Safaaradda ,hayeeshee ku caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha maanka-dooriya kadib markii taargooyinka diplomaasiga ee Safaaradda uu gacanta u geliyay shaqsiyaad Soomaali iyo ajnabi iskugu jira oo baabuurta taargada diplomaasiga ku xiran ku gudbiya mukhaadaraatka.
Xog badan oo aan ka helay Safaaradda , ayaa waxa ay tilmaamayaan in Cawaale oo ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan in dowladda cusub ka dhaqan-geliso amaradeeda Safaaradaasi , uu ku dhaqaaqay sanadkii 2010-kii dagaal gacmeed ka dhan ahaa Cabdiwaaxid Liiqliiqato oo xilligaasi loo  magacaabay Xoghayaha koowaad ee Safaaradda , waxaana taa ay ka dhigtay in Safaaradda ay ka shaqaaleysiistaan shaqaale aan wadan aqoonsiga iyo magacaabidda Wasaaradda Arrimaha Dibadda , iyadoo la ogsoon yahay in Qunsulka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dhowaan  wadanka China uu hadda ku sugan yahay Magaalada Beijing , kaasoo lagu magacaabo Cabdi Xaashised , hayeeshee laga horistaagay inuu gudaha u galo dhismaha Safaaradda , iyadoo Cawaale Kulane uu ku tilmaamay Decumintiyada lagu magacaabay Qunsulkaasi kuwa been-abuur ah , taasoo ay layaab iyo anshax darro diplomaasiyadeed ay ku tilmaameen saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda China .
Safiirka Soomaaliya ee dalka China Yuusuf ibraahim “ Dheeg” oo ku sifoobay qabyaalad iyo fulinta danaha maamulka la magac baxay Somaliland , si la mid ah Safiirada Soomaaliya ee wadamada Malaysia iyo Ruushka , ayaa waxaa  laga cabsi qabaa in dhismaha Safaaradaha Beijing iyo Moscow laga dul-taago calanka maamulka Somaliland , halka Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ay ka dhaqan-gelisay wadankaasi Passport-ka sharci darada ah ee ay ku safraan ardayda ka timaada gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland.
Xog rasmi ah oo la helay ayaa sheegaya in qalab ay ku deeqday dowladda China , looguna tala-galay in lagu xoojiyo qalabka idaacadda Radio Muqdisho loo weeciyay dhanka Magaalada Hargeysa , iyadoo qalabkaasi ay iskugu jiraan mowjadda FM-ka ah ee ka talaaba xuduudaha , taasoo laga dhageysan karo masaafo aad u dheer .
Howshaan qalabka looga weeciyay Muqdisho ee loo wareejiyay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku lug leh Safiirka , Lataliyahiisa iyo nin sheegta Xoghayaha koowaad ee Safaaradda , kaasoo aan heysan decumint lagu magacaabay oo rasmi ah .
Danjire Yuusuf Dheeg iyo Cawaale Kulane ayaa qalabka oo sidoo kale ay ku jiraan agab lagu xoojiyo Telefishanka iyo gawaari ay ku xiran yihiin qalabka SNG ee lagu tabiyo dhacdooyinka tooska ah (Live) u weeciyay dhanka Maamulka uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo, iyadoo qalabkaasi loo sii marsiiyay Xawaaladda Dahabshiil oo qalabkani ka qaaday Magaalada Beijing.
Warka ayaa waxa uu sheegayaa in gawaarida ay ku rakiban yihiin  qalabka SNG aaney weli gaarin Magaalada Hargeysa , hayeeshee laga iibsaday Telefishan cusub oo dhowaan hawada soo gali doona oo saldhiggiisu noqon doono Magaalada Djibouti .
Laba todobaad kahor ayey aheyd markii Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu xarigga ka jaray qalab uu sheegay in dowladdiisu ay heshay , taasoo xoojinaya maqalka idaacadda Hargeysa oo markii hore aan laga wada maqli jirin qaar ka mid ah xaafadaha Magaaladaasi .
W/qortay : Sacdiyo Muuse “ Magool”
E-mail: sacdiyo161@yahoo.com
Djibouti – Djibouti

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.