galmudugnews.com

Home » WARARKA » Qalabka loo geeyay Radio Hargeysa, Oo Laga Qafeeyay Radio Muqdisho & Gaadhi Tvga Qaranku Leeyahay oo kusii Jeeda Hargaysa

Qalabka loo geeyay Radio Hargeysa, Oo Laga Qafeeyay Radio Muqdisho & Gaadhi Tvga Qaranku Leeyahay oo kusii Jeeda Hargaysa

on Oct 27th, 2012 // No Comment

Views 16297

Warar Rasmiya oo Aanu Helayno ayaa Sheegaya  dawlada china ay ugu deeqday radiomuqdisho codka jamhuuriyada somalia qalab casri ah oo radio fm masaafo aad u dheer laga dhagaysan karo iyo qalab ay ugu tala gashay tv ga qaranka somaliyeed ee SNTV.

Qalabkaaas oo ahaa qalabcasri ah ayaa waxaa safiirka Soomalia u fadhiya dalka China Mudane Yusuf dheeg iyo xoghaya koowaad ee safarada oo sheegto inoo yahay Qunsulka Safaarada lakin ah xoghaya koowaad ayaa waxay qalabkii dawlada china ugu deeqday u weeciyeen magaalada Hargaysa.

Mr Yusuf dheeg iyo Cawaale ayaa qalabka siiyey maamulka siilaayo ayadoo qalabka la mariyey shirkada Dahab shiil oo qalabkan ka qaaday dalka China.

Soomalida China ku nool ayaa aad ula yaabtay kadibmarki qalabkii loogu deeqay Radiomuqdisho iyo Tvaga Qaranka Soomaliyeed loo weeciyey Hargaysa,  Yuusuf Dheeg ayaa arinkan ku kacay waxaana qalabka ka dhoofiyey dalka China.

Xoghaya koowaad Cawale Cali Kulane, halka yusf dheeg uu ku suganyahay magaalada muqdisho hotel la dhaho amiira hotel oo ku yaalo isgoosyka Zoobeaktiisa.

Qalabka loogu deeqay Tvga qaranka oo aad qaali u ah ayaa la sheegay in uu ahaa Gaadhiweyn oo Studio Guur guura uu saaranyahay oo hadba meesha dhacda ka dhacdo  si live ah looga tabin karo.

Gaadhigaas ayaan wali Hargaysa gaadhin waxana la sheegaya shirkada Dahab Shiil inay ka iibsatay Tv cusub oo laga furi rabo magalaada Djouti ee dalka Jabuuti.

Dhinaca kale Arinkan waxba kama ogo dawlada cusub, Hasa Ahaatee Ganacsato iyo Aqoonyahan china ku sugan ayaa aad ula yaabay ayagoo balan ku qaaday inay dacwad deg deg ah u gudbin doonaan dawlada Soomaliya.

dhacdada ugu hadal haynta badan ee maanta china ka taagan ayaa ah arinkan, Baaris iyo daba gal aan ku wadno safarada somalia ee China oo dad gaar ah ay ka macaasheen ayaan idin soo gudbin doonaa insha allah.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.