C/kariin Yuusuf Aadan dhaga badan oo ah Abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in markii magaalooyin waaweyn laga saaray AL-Shabaab ay isku aruursanayaan dhulka baadiyaha ah,asagoona xusay in ciidamadu ay diyaar uyihiin in ay uga daba tagaan meelkaste oo ay ku dhuumaalaysanayaan sida uu yiri Dhaga badan.
Dhinaca kale Abaan duulaha ciidamada xooga dalka ayaa muujiyay in taako ka mid ah Soomaaliya aysan qabsan Karin ciidamadda isgarabsanaya hadii ay san helin taageero kaga timaada shacabka,waxa uuna tilmaamay in haatan ay taageero ka helaan qaar ka mid ah Soomaalida islamarkaana ay u sheegaan meelkaste oo ay joogaan Al-Shabaab.
Gen/ Dhaga badan ayaa waxa uu ku faanay in Dowladda ay shacabka horay ay uga balanqaadeen in uu san dagaalku joogsan doonin tan iyo inta ay Shabaabka ka cirib tirayaan guud ahaan dalkaani Balantiina ay halkeedi tahay wali.
Taliska militeriga ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in ay ka go’antahay soo afjarida dagaalada ay kula jiraan xarakadda AL Shabaab waaxase hubaal ah in wali aan dhamaad lagu tilmaami karin dagaalada u dhaxeeya Ciidamada militariga soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo Al-shabaab madama uu Generalku xusay in ay Baadiyaha isku urursanayaan Xarakadda AL-Shabaab.

