Iyadoo shalay galinkii dambe ilaa xalay uu dagaal ka dhacay degaanka gawaan ee hoos taga dagmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa saaka waxaa ku baxay kooxahaasi dagalamay Odoyaal iyo wax garad ka soo jeeda degmada Hobyo ku waasi oo isku xilsaaray in ay soo af jaraan colaada u dhaxeysa Ciidanka General Qaybdiid Iyo Taliyaha Ilaalada Badda Galmudug.
Max’ed Axmed sahal oo ka mid ah odoyaasha saaka ka shaqeynaayay sidi loo dhax gali lahaa kooxahii dagaalamay ayaa idaacada kulmiye u sheegay in ay odoyaal ay iska soo xuleen u direyn goobta uu shalay dagaalka ka dhacay balse ilaa iyo hada aysan jirin wax xal ah oo ay isla gareen sida ugu dhaqsiyaha badan ay uxalaindoonan qilaafka ka jira halkaasi ayuu hadalkiisa intaa kudaray Maxamed Axmad Sahal oo ka mid ah odayasha magaalada Hobyo.
Shalayay ayay aheyd markii uu dagaal dhax maray Ilaada Gaarka ah Ee C/Qaybdiid Iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Badda Galmudug uu Halkaasi Ku dhexmaray dagaal dhaliyay qasaaro soo kala gaaray Labada Dhinac ee dagalantay oo inta la og yahay ay dhimashada guud ay mareyso ilaa 2 halka dhaawacana uu kor u dhaafay 10 ruux.

