Wararka naga soo gaaraya degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari ayaa sheegaya inuu xalay markab dagaal geeyay halkaas 17 qof oo burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo uu horay uga qabtay biyaha Soomaaliya.
Axmed Suleymaan Faarax oo ka mid ah Iskaashatada Kalluumeysiga ee degmada Bandarbeyla ayaa Bar-kulan u sheegay in burcad badeedda la keenay degmada xalay saacaddu markii ay ahayd 10:30 pm.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ragga burcad badeedda ah muddo saddex maalmood ah lagu hayay markab dagaal, kaas oo gacanta ku soo dhigay xilli uu soo badbaadinayay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ay burcad badeeddu qafaalaatay.
Bar-kulan uma suuragelin inay ogaato sababta burcad badeedda loo keenay Bandarbeyla iyo dalka laga leeyahay markabka dagaal.
Shaqaalihii la socday doonta oo intooda badan u dhashay dalka Iran ayaa lagu wadaa in loo gudbin doono dalka Yemen.

