galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Video Ciidamada la wareegaya Jubaland
  • Daawo Wasiir Cukuse oo shalaayto ka jooga Video uu ka duubay dagaalkii Isaaq
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Dagaalkii Garxajis iyo Gaashaanbuurta Habarjeclo
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Daawo Ugaas diid Prof Samatar oo booqday Ugaaska Samaroon
  • Daawo Ciyaartii Hargeysa oo ku dhamaatay rabshad iyo dagaal
  • Ila qosol: Daawo Faroole oo niikinaa iyo Kenya oo
  • Daawo Wada hadalkii Galmudug oo fashilmay
  • Daawo Muqdisho oo dib u dhisantay
  • Dhageyso Faroole ku dhaartay inuu aqbaleeyn Dowlad dhexe in Somalia ka hirgesho
  • Daawo biloowga israaca Hawiye
  • Daawo Siyaasi Daarooda oo Siilaanyo iyo Muuse Biixi weydiistay inay Siyaad Barre u duceeyaan
  • Daawo taageerayaasha Madaxweyne Garguurte oo cirka isku shareeray
  • Home » WARARKA » Xagla-Toosiye: Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, Walina Waan Ahay, Somaliland oo Dhanna Wasiir Baan u Noqday

    Xagla-Toosiye: Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, Walina Waan Ahay, Somaliland oo Dhanna Wasiir Baan u Noqday

    on Oct 22nd, 2012 // No Comment

    Views 16242

    Wasiirka dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaradda Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo hore u ahaa hoggaamiyaha Jabhaddii Somaliland dagaalka kula jirtay ee SSC, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay xilka Wasiirnimo, isla markaana uu hore u ahaa hoggaankii SSC, haddana uu yahay, sidoo kalena Wasiir u yahay bulshada reer Somaliland oo dhan.

    Wasiir Saleebaan-Xagla-toosiye, waxa uu sidaa ku sheegay Xaflad uu xilka Wasaaradda loo magacaabay kula wareegay oo maanta lagu qabtay guriga Hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inuu ku qanacsan yahay xilka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay toddobaadkii hore.

    “Waxaan ku bogaadinayaa Wasiirkii hore ee dib u dejinta ahna Wasiirka Cusub ee Warshadaha oo aan ku bogaadinayo sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyay.Waxaan isagana ugu hambalyeynayaa jagada cusub ee loo magacaabay oo aan waliba Illaahay uga baryayo maadaama oo ay tahay Wasaarad cusub inuu u fududeeyo.” ayuu yiri Wasiir Xagla-toosiye.

    Waxaanu Saleebaan Xagla-toosiye intaa ku sii laray oo uu yiri; “Waxaan shaqaalaha wasaaradda dib u dejinta ka codsanayaa inay iila shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen Wasiirkii hore. Waxaan balan-qaadayaa inaan hawlaha wasaaradda ka soo bixi doono.”

    Wasiirku waxa uu ku dooday inuu wali yahay hoggaamiyihii ururkii SSC, waxaanu yiri; “Anigu Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay. Wasiir Somaliland ah baan noqday, bulshada Somaliland oo dhan baan Wasiir u ahay. nabadooda, horumarkooda iyo midnimadoodana waan ka shaqeynayaa. Waxase aan u sheegayaa deegaammaddii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqnahay oo aan dedaal weyn u geli doono haddii ILAAHAY ka dhigo sidii nabadda loo xoojin lahaa, sidii horumarka looga shaqayn lahaa iyo sidii isbedel looga dhalin lahaa deegaamadaasi.”

    “Bulshada deegaamadayda shalay Hoggaamiyahoodii baan ahaa maantana Hoggaamiyahoodii ayaan ahay. Tabashooyin badani way jiraan oo way soo gudbisteen dawladuna way balan qaaday inay fulinayso. Waanan ka shaqaynayaa tabashooyinkaasi iyo waxyaabahaasi ay soo gudbiyeen in la hirgeliyo.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye).

    Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin Xildhibaano ka tirsan labada Gole, wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, gaashaandhiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kalluumaysiga, Hawlaha Guud, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland , Salaadiin, waxgarad iyo dadweyne faro badan.

    Wasaaradda Dib u dejinta, Qaab dhismeedkeeda, iyo waajibaadka ay qarankan ugu xilsaaran tahay ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda dib u Dejinta Cali Biikolo, halka sidoo kalena uu wasiirka cusub ugu ballanqaaday isagoo ka wakiil ah shaqaalaha dawladda ay si daacadnimo ku dheehan tahay ula shaqayn doonaan.

    Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi  Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ka hadlay munaasabadaasi balaadhan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabahii ay wax ka qabteen mudadii uu joogay wasaaradda sida mashaariicdii lagu hagaajinayey bilicda caasimadda isla markaana sadex goobood lagaga raray dadweynahii deganaa lagana hirgelinayo mashaariic dan guud ah, halka sidoo kalena ugu yaraan 75 guri loo dhisay dad danyar ah oo ku sugan Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer.

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.