Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka tirsan haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo kulanka ka qeyb galay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raysul wasaaraha uu kala hadlay haweenka kaalinta ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dalka, dhaqaalaha iyo bulshada, iyo in la xoojiyo dowrka haweenka ee nabadda.
Goobdoon ayaa xusay in ay dumarka u soo jeediyeen raysul wasaaraha in la kordhiyo daryeelka haweenka iyo carruurta, il-gaar ahna lagu eego noloshooda.
Raysul wasaaraha ayaa u ballan-qaaday haweenka in la ilaalin doono xuquuqdooda, wada-shaqeyn dhow ahna la yeelan doonto xukuumadda.
Waa kulankii ugu horreeyay ee raysul wasaaraha Soomaaliya uu la qaato haweenka tan iyo markii la magacaabay horraantii bishan.


