Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa qeylo dhaan xoogan ka soo saaray ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo dhac baahsan ka wada degaano badan oo ka tirsan gobolkaas kuwaasoo aysan jirin cid ay ka amar qaataan.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka Sh/hoose Maxamed Cumar Carabey ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay shacabka gobolka iska xirtaan, hantidoodana iska boobaan iyadii aysan jirin ayuu yiri cid ay u dacwoodaan, isagoo xusay degaanada ugu daran ee dadka lagu dhaco in ay yihiin kuwio ku teedsan wadada isku xirta Afgooye iyo Marka.
“Waxaan cabasho gaarsiinay laamaha amaanka dowlada sida wasaarada arimaha gudaha talisyada ciidamada nabad sugida, booliska iyo milateriga, hase ahaatee ilaa hadda ma heyno cid dhibaatooyinkaas wax ka qabatay, waxaana ka codsaneynaa ciidamada AMISOM iney wax ka qabtaan askarta dhaca bareerka ah geysaneysa.
Hadalka Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka Sh/hoose Maxamed Cumar Carabey ayaa ku soo aadaya xili amaanka qeybo ka mid ah gobolkaas uu faraha ka baxay ka dib markii ciidamada dowlada ay bilaabeen iney boobaan wixii ay arkaan, iyadoo wadada isku xirta degmooyinka Marka iyo Afgooye shalay lagu baartay laguna dhacay lix gaari oo rakaab ah kuwaasoo dadkii la socday laga qaatay wixii ahnti ahaa ee wateen.
Xaalada wadada isku xirta degmooyinka Marka iyo afgooye ayaa noqotay maalmihii ugu dambeeyey mid aad u cabsi badan oo khal khal badan uu ka taagan yahay amaankeeda, waxaana gaadiidka qaar au bilaabeen iney ka wareegtaan wadadaas iyagoo isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah si ay uga badbaadaan ciidamada dowlada ee wixii ay arkaanba il iyo aragti ku dhacaya.

