Jaamacadda Afrika caalamiga ah ee ku taalla magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa sanadkan waxay deeq waxbarasho ah siisay 325 ardey Soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah wax ku baran doona Afarta sano ee ay dhiganayaan Jaamacadda.
Deeqda waxbarasho oo ay ardeyda Soomaaliyeed ka heleen Jaamacadda Afrika ayaa isugu jirta kuliyado aad u muhiimsan, waxaa ka mid ah caafimaadka, seyniska, qaanuunka, dhaqaalaha, artis-ka, injineerinka iyo kuwa kale.
Ardeyda deeqda waxbarashada helay ayaa isugu jira ardey dhammaantood ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya iyo qaar kale oo ka yimid dalalka deriska ah, sida Jabuuti, Kenya iyo Soomaalida degta kallinka Shanaad.
Xuseen Cawil oo ka mid ah ardeyda deeqda waxbarashada ka helay Jaamacadda Afrika isagoo ka yimid magaalada Burco ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo dowladda Sudan, isagoo intaas raaciyay in iminkaba waxbarashada ay billaabeen.
Jaamacadda Afrika ee caalamiga ah ayaa waxaa maalgeliya dowladda Sudan, Jaamacadda Carabta iyo ururro Islaami ah, waxayna ardeydu siisaa hoy, cunno iyo dawo.
Jaamacadda Afrika ayaa ah Jaamacadda ugu badan ee ay dhigtaan ardeyda Soomaaliyeed, waxaana lagu qiyaasa tiradooda 2000 ardey, walow Jaamacadda ay dhigtaan qoomiyado kala duwan oo ka soo kala jeeda waddamo kale.

