gabar yar oo 14 jir ah oo dagan degmada yaaqshid ayaa habeen ka hor waxaa suuqa looga diray adeeg jidka ay xiligaas maraysay waxa uu ahaa mugdi waxaana ay sheegtay gabadhaas in nin watay dharka ciidanka uu isku duubay ka dibna uu xamaarsaday gabadho yariwaxa ay tiri “waan qaaliyay oo qaliyay balse ma jirin haba yaraatee cid ku soo baxday qayladeyda dadka waxa ay ahaayen kuwo guriyaha hoosta ka xiranaayay qaarna ay daaqadaha iga fiirsanayen
waxaana durbadiiba igu soo yaacay ayay tiri dad kale oo aan ku qiyaasay 10 in ka badan mid kastana qayb jirkayga ka mid ah ayuu ku dhagay wixii intaa ka dabeeyay magaranaayo sida uu ahaa miirkayga, lkn waxaan xasuustaa in ninmankaasi ay ahaayeen kuwo manaxyaal ah oo usan ku jirin damiir soomalinimo iyo mid islaanimo
intaas ka dib waxaan so miirsaday anigoo xalad xun ku sugan waxaana la I keenay guri anan garaneyn hada meesha uu iga xigo habeenkii gurigaas ayan ku waabariistay ma haysan meel aan kala xariiro gurigaygii oo igu ogaa anigoo adeeg ugu maqan marka uu waaga soo baryay ayaa waxaa la isgu soo qaaday Amiin Ampalece oo i keenay isbitaal Banaadir.
gabadhaan ayaa marka ay dhacdadaasi uga waramaysay idaacada kulmiye waxa garab keeda fadhisay hooyadeed oo gacanta ku haysatay maro oo waxyar ka diba ilenta uga tireysay indhaha gabadhaas yare qofka arka waxaa u ku qiyaasi lahaa in uu dhiig isku xiray xanuun badan ayaa haya xiligan gabadha, balse waxa ay u sheegtay idaacada kulmiye iyadoo xanuunka haya in uu ka daranyahay gabarnimadeedii oo ay weysay marka ay cambaar sheekaysaba gabadhaas way oynaysay hadalkana wuu ku xirmaayay waxaana ka muqatay jirkeeda xagatimo dhuunta kaga yaala iyo xanuun feeraha ah sida ay iyadu sheegtay.
Hooyada dhashay gabadha la fara xumeeyay oo iyadana nooga sheekaysay xaalada ay ku sugan yihiin aya waxa ay u sheegtay idacaada kulmiye in ay owlaad ka dhashay gabadhaan la kufsaday qosykooduna uu yahay mid danyar ahisbitaalkana ay ku jiraan labo maalin iyo habeen oo aysan jirin koob shaax ah oo ay cabeen iyada iyo gabdheeda marka laga so tago gajadaas dhicana kale ilaa iyo hada aysan helin wax daaweyn rasmi ah oo gabadheeda loo daweeyo waxana ay caalamka iyo umadaha islaamka ah ka codsatay in la caawiyo gabadheeda oo la fara xumeeyay wax ay ku dawaysana aysan haysan dowladana waxa ay ka codsatay in gacanta lagu soo dhigo raggaas gabadheeda mustaqbalkeeda ku ciyaaray .

