galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Home » WARARKA » AMISOM oo ammaanka kala shirtay odayaasha Beledweyne

    AMISOM oo ammaanka kala shirtay odayaasha Beledweyne

    on Oct 20th, 2012 // No Comment

    Views 16170

    Saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa kulan looga hadlayay nabadgeliyada duleedka Beledweyne kula qaatay odayaasha dhaqanka magaalada.

    Kulanka oo ka dhaxay xarunta AMISOM ee duleedka Beledweyne ayaa la iskula soo qaaday ammaanka Beledweyne loo adkayn lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa ciidamada dowladda ee iyagoon labisnayn ku dhex socda gudaha magaalada.

    Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ay barakicisay fatahaaddii wabiga Shabeelle.

    Nabaddoon Maxamed Cabdi Raaxeey oo odayaashii kulanka ka qaybgalay ka mid ahaa ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan la shaqeynta ciidamada AMISOM, isla markaana ay gacan ka gaysanayaan nabadgaliyada gobolka.

    Taliyaha ciidamada AMISOM ee Baladweyne, Kornayl Cismaan Dubbad ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka shaqeynta ammaanka deegaannadii Shabaab laga saaray ee gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kale sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii dadka fataahadda waxyeelleysay ay u gargaari lahaayeen.

    Kulanka waxaa layku af-gartay in ammaanka si wada-jir ah la isaga kaashado, isla markaana tababarro la siiyo ciidamada dowladda ee Beledweyne jooga.

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.