Dadka ku dhaqan magaalada muqdisho oo mar ahaan jiray dad aad u jecel dhageysiga idaacadaha . isla markaana tixgalin weyn siin jiray ayaa bilihii u dambeyey waxey noqdeen kuwa aad u dhibsaday kadib markii idaacaduhu noqdeen tira ahaan kuwo xad dhaaf ah ,magaalada muqdisho oo ey hada ku yaalaan ama laga dhageysto in ka dabadan labo darsin iyo bar idaacdood. Ayaa marka aa isku daydo in aa shido radiyahaaga waxaa durbadii go,aan ku gaareysaa in aa damiso, sababtuna waxey tahay 28 mowjadood oo is garabyaal oo wada FM ah hal af ku hadlaya halwarna tabinaya halwaqtina isla tabinaya taasoo aadan garan karin mid aa dhageysato,waxaana dad badan ey ku qasabtay in ey iska dhaafaan dhageysigooda,,su,aashu waxey tahay sababta ku qasbeysa dadka leh idacadaha in ey halmagaalo oo la ogyahay dadka ku dhaqan tiradiisa luqadiisa in maalin walba idaacad cusub hawada loo soo galiyo tiiyoo aan lahadleyn qowmiyado kala duwan oo kala af ah iyaguna eysan ku baxeyn afaf kala duwan waxa ey ka hadlayaana ey tahay siyaasada iyo arimaha ku saabsan bulsho ayada dhanba dhowr milyan lagu sheego,
Wey iska cadahay jawaabtu waana dano dhaqaale iyo ganacsi waxa ku riixaya , waana dhaqan dadkeenu ey caadeysteen kaasoo ah in hadii ey arkaan ilyar oo dhaqaale dhowr qof u socota in inbadan ey ayagana ku soo biiraan,taasoo la dhihi karo waxey ka mid tahay isku quuri waaga ka dhex jira bulsahdeena,in kastoo wax waliba ey lee yihiin faa,ido iyo qasaare hadana waxaan oran karnaa Fm yada muqdisho waxaa badan qasaaradooda, waayo maba garan kartid mid aa dhageysato,marka aa u dhaba gasho
barnaamijyada ey sii daayaan idaacadahaani iyo wararkaba waxey u muuqdaan kuwo lakal kobiyeyey, sida barnamijdaya siyaasada oo isku qaab ah isku waqtina latabiyo,sidoo kale wararka ayaa ah kuwo la is dulsaaro waqtiyada ey ka baxayaan idaacdaha waaana saacad go,an taasoo ah mid sii qiimo riday dhageysigooda. Sidoo kale barnamijyada malinta jimcaha ah ayaa u eg kuwo lakala koobiyeyey,sikastaba ha ahaatee waxaa cad in idaacadahaani ey yihiin kuwo buuq galiyey bulshada muqdisho,,waxaa intaas sii dheer dhinaca aqoonta dhalinyarta ka howl gasha idacadaha ey u leeyihiin saxaafada iyo waliba xuquuqdooda ey leeyihiin sida ey uga helaan mulkiilayaasha oo iyaguna ah kuwa laga deyriyey ,isku soo wada duuboo waxey arintu ku dhamaaneysa isla egta ah ,,tirada badan ee FMyada oo lagu daray tayo xumadooda waxey la micno tahay,buuq galinta bulshada oo lagu daray iska damintooda..
W/D Xasan Xusen Axmed, xasan75@hotmail.co.uk


