Mudadi laabatanka sano ee bur burka waxa la soo dhisay dowlado badan oo kmg ah, waxaana dad badan ey qabaan in hada ey tahay waqtigii dalka iyo dadka waxa loo qaban lahaa ama wax laga qabsan lahaa micnaha hadalkeeyga wuxuu yahay dowladihii hore ee kumeel gaarka ahaa wax,badan waxey u qaban waayeen iyagoo aan haysan mandate rasmi ah oo ey heshiisyo kula galaan dowladaha caalamka sida dhisida ciidan iyo howlo kale oo waaweyn mid taas lamid ah uma suurtoobi karin in heshiisyo daneed lala galo dowlado shisheeye , marka waxaa dad badan ku micneeyen mudadii kmgaarka aheyud mid ku fadhisay horumar iyo hagardaamo badan oo laga yaabi lahaa in ey dhici lahayeen. Hada waxaa lasheegey in laga baxay kmgaarka walina waxaa taagan labadii arimood oo waliba hada yeeshey awoodo ey ku hirgali karaan, rag badan oo wax falanqeeya waxey tilmaamayan in hada saan saanta ugu horeysa ey tahay mid wanagsan raga hogaanka loo doodrtayna ey yihiin aqoonyaho lafilayo in ey geed dheer iyo mid gaban ba u fuulaan difaacida sharafka dhulka, diinta iyo dadka somaliyeed , walise waxaa la qiimeynayaa reysulwasaaraha soo socda ninka uu noqon doono ama in uu noqdo nin ku shaqeeya dano gaar ah ama mida guud, waxa dad badan oo hada ku qanacsan qaabka ey u dhacday doorashadii gudoonka barlamanka iyo tii layaabka laheyd ee madaxweynaha ey hada isha ku hayan ninka loo magcaabo reysulwasaraha cusub iyo waliba xubnaha ka mid noqondoono golihiisa wasiirada in ey noqdaan dad ku soo baxa xulshado gaar ah ama mid ladoor biday , waxaa wararka hoose ey sheegayan in durbadiiba dowlado ey bilabeen in ey madaxweynaha cusub kula taliyaan in uu reysul wasaare u magacaabo rag ey xiriir leyihiin taasoo hadii ey dhacdo ey aqoon yahano badani ku tilmaamen marin habaabintii ugu horeysey ee soo wajahda dowla cusub. Sidoo kale waxa la sugaya in lagu qiimeyo waxaqabadka madaxda cusub mudada 120 maal mood ee ugu horeysa qaabka shaqadooda ey u soo bandhigaan, , madaama aan hada wax Abadan lagala socon qaab siyaasadeedkooda,, waxa faaladan ciwaankeedu yahay hadii kmg dhamaaday kameelgaare ka ilalsha ey ka digeysaa in ey dhacdo in hogaanka inta dhiman ey ku soo baxan rag ku tiirsan dowlado ajnabi ah kana door bida danta umda mida shisheeye sidoo kale ku dadgdago galida heshiisyo wax badan u dhibaya dhulka iyo dowlad nimada umada , waayo sidaan horey u xusay dowladaan waa mid aan kmgaar aheyn waxeyna awoodaa in ey gasho heshiisyo caalami ah oo aan kadaba hadal laheyn heshiisyadaas waxey isuga jiri karaan kuwo dalka iyo daka faa ido u leh iyo kuwo meel xun marinkara masiirka umada hadaba soo sax maahan in hadii markaan seeftu afyeelatay in aan loo dhiibin nin ku jaraya xididada geedka ey harsanayaan dadka somaliyed waxaana cad hadii loo dhiibo talada dad tix galin u haya dalka iyo dadka in ey wax badan qabsoomi doonaan hadiise daniiste loo dhiibo ey dad badan ka shaleyndoonan, sidoo kale waxaa dowladihii kmgaarka ahaa madaxdooda qaar caado u aheyd in ey hoostagaan safiiro ajnabi ah haku qasabto siyaasad xumo ama tabar yaradii dowladahaas , waxaana marar badan la arki jiray masuul qaran oo diyaarad u raaco lakulanka dad hoose una qaabila sida in uu madaxweyne ama reysul wasaare la kulmayo, hadaba waxaa masuuliyiinta cusub laga sugayaa in ey mudnaantii dalka soo celivaan;iyadoo uusan safiir dambe ku amar ku taagleyn madaxa sare sidoo kale ey ahaato talada mid gacanta ugu jirta somalida. Madaama la sheegayo in dowlad rasmi ah, loo gudbay, isku soo wada duuboo hadii uu kmgaar dhamaday kameelgaare ka ilaalsha, ,
W/D Xasan Xuseen Axmed Email: xasan75@hotmail.co.uk


