Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Sibabrata Tripathia oo ah safiirka dowladda India u fadhiya dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, ganacsiga, dib u dhiska, horumarinta iyo ammaanka.
Danjire Sibabrata ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha iyo raysul wasaaraha xilalka cusub ee ay qabteen.




