Warsaxaafadeed : Baaris lagu sameeyay Wariyeyaal lagu dilay Muqdisho- cadeeyn
Agaasimahii Waagacusub Media Abdirahman Mohamed Ali oo ay wehliyeen laba qof oo mid haweeneey tahay ayey Sedex nin oo bustoolada ku hubeeysnaa ku joojiyeen Jidka Warshadda Dhiiga ee Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa 26 September 2012.
Dableeyda ayaa Abdirahman iyo labadii qof ee la socday ku qasbay inay galaan gaari ay wateen kadibna indhaha ayaa laga duubay ,iyadoo la geeyay guri qurux badan sida ay ASOJ u sheegeen dadkii la socday oo nasiibka u saamaxay in la sii daayo iyagoo bad qaba.
Allaha u naxariistee Wariye Abdirahman iyo dadkii lala afduubay ayaa guriga dhexdiisa lagu wareeystay,iyadoo la waydiiyay inay wada socdeen oo is yaqaanaan iyo inay isku cusub yihiin.
Abdirahman wuxuu sheegay inaysan aqoon hore ka dhaxeyn wiilka iyo gabadha la socday balse isku dhex barteen baska.
Nin aan ka mid aheyn dableeydii afduubatay ayaa Abdirahman waydiiyay Password-ka iyo User name-ka Waagacusub hasse yeeshee wuxuu ku gaabsaday inuu aqoon macluumaadkaas balse shaqadiisu tahay maamul.
“Wariye Abdirahman waxaa lagu yiri Telefoon kula hadal milkiilayaasha Sunatimes iyo Waagacusub oo ku dheh ka bixiya Macluumaadka Dahabshiil laga jabsaday Database-kooda iyo Warbixinada English-ka lagu qoray laakiin nasiib daro telefoonadii uu codsaday in loo waco dhamaantood waa xirnaayeen ” ayey yiraahdeen Wiilkii iyo Gabadhii la socday Wariye Abdirahman kuwaas oo aan xaalad amaan darteed uga gaabsanay inaan magacooda sheegno.
” Ma taqaan Wariyaha Sunatimes u jooga Muqdisho magaciisa iyo telefoonkiisa ayaa la waydiiyay Abdirahman wuxuuna ku jawaabay HAA ” ayey yiraahdeen dadka lala afduubtay Wariyaha la dilay,waxayna warkooda ku dareen “Abdirahman oo indhaha ka xiran ayaa qolkii lagu wareeysanayay ee aan la joognay laga kaxeeyay “
Goobjoogayaal arkayay xilligii la afduubanayay Wariye Abdirahman iyo dadkii la socday ayaa ASOJ u sheegay in sedexda qof ee afduubka fuliyay nin ka mid yahay Ilaaladda Shirkadda Dahabshiil laguna magacaabo Mohamed.
Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa laga jaray,loona saaray xabadka ayaa 27 September 2012 waxaa meeydkiisa laga helay meel ku dhaw Barwaaqo Restaurent oo ku taal Xaafadda Suuqa Xoolaha halka Wiilka iyo gabadhii lala afduubay maalintaas habeenkeeda saqdhexe gaari lagu geeyay degaanka Waxaracadde ee Degmadda Huriwaa,sida ay ASOJ u sheegeen.
“Anagoo indhaha ka xiran ayaa gaari nagula qaaday kadibna waxaa nalagu tuuray meel baadiya ah oo la yiraa Waxaracadde,halkaas ayaan ka soo lugeeynay” ayey yiraahdeen.
Wiilka iyo Gabadha la socday Wariyaha madaxa laga jaray waxay sheegeen inaan dhibaato loo geysan balse laga qaatay telefoonadeey wateen.
Kooxo hubeysan ayaa toogasha ku dilay Tifaftirahii Website-ka luqada English-ka lagu qora ee Sunatimes 28 September 2012 oo ku beegneed maalin kadib markii la helay Meydka Abdirahman .
ASOJ waxay rumeeysan tahay in Tifaftiraha Sunatimes Ahmed Abdullahi Fanah loo dilay xog uu bixiyay Abdirahman Mohamed Ali ,ayna dileen isla kooxda madaxa ka gooysay Agaasimaha Waagacusub Media allaha u wada naxariistee.
Saacado kadib markii la dilay Wariye Ahmed Fanah 28 September 2012 wuxuu Tifaftiraha guud ee Waagacusub Media ahna Gudoomiyaha ASOJ Mr Dahir Alasow gudoomay Dukumiinti hanjabaada oo Qareenada Bird & Bird LLP u soo dhigeen Registered Mail ama Boostada alaabaha looga qaato diiwaangelinta saxiixa iyo sharciga qofka.
Warqada Dukumiintiga ee Bird & Bird waxaa loogu hanjabay Dahir Alasow in Maxkamad lala tiigsan doono hadii uu todobaad gudahood uga bixin waayo Waagacusub.com,sunatimes.com iyo ASOJ.org.
Falalka dilalka iyo hanjabaadaha iskugu jira waxay dhacayaan todobaad kadib markii Associated Somali Journalists ASOJ heshay xog ku saabsan in shir golaha sare ee Shirkadda Dahabshiil ku yeesheen Hargeysa lagu go”aamiyay in madaxa Dahir Alasow la dul dhigo lacag dhan sedex Milyan oo Dollar taas oo loogu tala galay in lagu kharash gareeyo sidii loo dili lahaa ama loo xiri lahaa.
Nin ku nool Magaaladda Breda ee dalka Holland ayaa telefoonka Dahir Alasow u soo diray fariin qoraaleed (Text Massege) uu ku cadeeyay in Dahabshiil u xilsaartay dilkiisa uuna lacag dhan boqol kun oo dollar ku bixin doono sidii loo khaarijin lahaa.
Ninkaas Fariinta soo qoray oo ay isku qabiil yihiin Milkiilaha Dahabshiil Company ayey Ciidamadda Boliiska Holland soo qabteen,sida ay u sheegeen boliiska mar ay ku booqdeen gurigiisa .
Shirkadda Dahabshiil oo hore ugu guuldareeystay dacwad ay ku oogtay Tifaftiraha Waagacusub ,ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 waday dagaal ka dhana Warbaahinta madaxabanaan ee Somalia gaar ahaan Waagacusub.
Dahabshiil Company oo garab ka heleysa Maamulka Somaliland waxay mudo laga joogo bil iyo maalmo ku guuleeysatay inay adeegeeda Internet-ka Somtel iyo kan Telesom ka xanibto in laga booqdo Website-yo gaaraya 36 Websites ,uuna ka mid yahay Waagacusub.
Dahabshiil Company oo Database-keeda ay jabsadeen koox la magac baxday Anonymous waxay Website-kooda soo dhigeen Warbixin ay ugu hanjabeen Website-yada Somalida ee xogtooda la jabsaday faafiyay gaar ahaan Tifaftiraha Waagacusub.com.
Ururka Associated Somali Journalists oo si sharciya uga diiwaangashan Somalia iyo Netherland wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Shirkadda Dahabshiil maleegtay falkii lagu khaarijiyay Agaasimahii Waagacusub Abdirahman Mohamed Ali iyo Tifaftirahii Sunatimes Ahmed Abdullahi Fanah.
Associated Somali Journalists waxay rajo wanaagsan ka qabtaa in dacwada loo madlan yahay bisha November noqon doonto mid lagu soo afjaro tacadiyada iyo hanjabaadaha joogtada noqday ee Shirkadda Dahabshiil si Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Somalia u helaan madaxbanaani ay ku gudbiyaan macluumaadkooda .
ASOJ waxay mar labaad ugu baaqeeysaa Hay’adaha Qaramadda Midoobay ee Xiriirka Ganacsi la leh Dahabshiil sida UNDP,WHO ,Unesco iyo Unicef inay ka fiirsadaan si aysan ugu lug yeelan tacadiyada joogtada noqday Shirkadda Dahabshiil kula kacday Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Associated Somali Journalists waxay ugu dambeyn tacsi tiiraanyo leh u direeysaa dhamaan Wariyeyaashii sida xaqdaradaa loogu xasuuqay Somalia,waxayna Dowladda Federalka KMG iyo Beesha Caalamka ugu baaqeeysaa inay xil iska saaraan ilaalinta amaanka Wariyeyaasha iyo sidii loo siin lahaa taageero wax ku oola.


