Denis Allex oo ah nin u dhashay dalka Faransiiska oo ku jira gacanta xarakada Al shabab ayaa fariin Vedeo ah waxa uu u gudbiyay madaxweynaha dalka faransiiska Francois Hollande waxana uu ka dalbaday madaxweynaha in xarakada Al shabab uu la galo wada xaajood ku aadn siideyntiisa.
Denis Allex ayaa fariintiisa waxa uu kuyiri Mr madaxweyne aniga weli waa noolahay balse intee in la eg ayaan sii noolaandoonaa , nolasheeda waa mid mid adiga kugu tiirsan , haddii wax wada xaajood ah oo ku aadan sii deynteeda aadan la gelin Xarakada al shabab waxaan ka baqayaa in fariintan Vedeoga ah ay noqoto tii ugu dambeysay oo aad xageyga ka hesho “
La heystahan mudada ka badan 3da sano ku jira gacanta xarakada Al shabab ayaa fariinta uu u diray madaxweynaha dalka faransiiska Francois Hollande waxa uu fariintiisa ku soo gabagabeeyay ogow Mr madaxweyne adey kugu tiirsantahay nolosheyda haddii aad ii gurmato waan badbaadayaa hadii aadan ii gurmana waxaan ka baqdin qabaa in la idilo.
Laheystahan faransiiska ah ayaa saddex sano ka hor isaga iyo rag saaxiibadii ah waxa ay kooxo hubeysan ay ka soo qafaasheen hotel ku yaala magaalada Muqdisho inkastoo markii dambe raggii lala qafaashay ay baxsadeen sida wakaladda wararka ee AFP ay ku warameyso.
Denis Allex ayaa marwadiisa waxa ay sanadkan socdaal ku soo gaartay dalka somalia iyadoo ku sugan Airporka Aden cadana waxa ay warbaahinta u sheegtay inay dalbaneyso in seygeeda loo soo daayo.


