Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo booqashadaas ay ahayd tii ugu horreysay ee uu ka tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho tan iyo markii xilka loo doortay.


























