Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada ee Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
Dowladda federaal-ka ee Soomaaliya ayaa ka dalbatay dhiggeeda Kenya inay joojiso xayiraadda ay la kulmaan dadka sita baasaboorka Soomaaliga ee rabo inay galaan dalkeeda.
Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa ka dalbaday xukuumadda Kenya inay u fududeyso dadka Soomaalida ah inay galaan dalkeeda oo ay meesha ka saarto baaritaanka badan ee maraan.
Wuxuu xusay in loo baahan yahay in la joojiyo baaritaanka dadka ka soo safra Soomaaliya ay ku maraan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-Bari, isla markaana lagu baaro garoomada magaalada Nairobi.
Taliye Gaafow ayaa xusay in arrintan ay dhibaato badan kala kulmaan dadka ka yimaada Muqdisho.
Dhinaca kale, waxaa waaxda socdaalka ay soo bandhigtay maanta qalab casri ah loogu talagalay amniga garoonka iyo in lagu baaro dadka ka baxaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Axmed Jamac

