Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan xarig woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay saraakiil sare oo ka tirsanaa ururkii xisbul Islaam ee shabaab la midoobay kal hore, dhowaana ku dhawaaqay iney ka baxeen.
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo magacooda ka gaabsaday ayaa xaqiijiyey in labo sarkaal oo ka tirsan ururka xisbul Islaam laguna magacaabo Shiikh Xasan Mahdi iyo Shiikh Maxamed Macalin oo ahaa madaxii warfaafinta xisbiga shalay laga qabtay garoonka dayuuradaha woqooyiga Gaalkacyo xili ay halkaas ka dhoofi rabeen.
Waxay intaa ku dareen saraakiisha Puntland in labadaas nin xalay lagu xiray saldhiga Booliska woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, maantana la sii daayey ka dib markii ay soo fara geliyeen xarigooda waxgarad iyo ganacsato ka tirsan degaanada Puntland.
“Xasan Mahdi iyo Maxamed Macalin waxay todobaad ka hor ka soo degeen isla garoonka Gaalkacyo waxayna u talaabeen gobolada dhexe ee dalka iyagoo gaaray illaa degmada Cadaado, intaasna Isha ayaan ku heynay dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan, shalay ayey soo laabteen waxayna isku dayeen iney ka dhoofaan garoonka Gaalkacyo hase ahaatee waa la xiray” ayuu intaa ku daray sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.
Lama oga ujeedada Shiikh Maxamed Macalin madaxii warfaafinta Xisbul Islaam iyo Shiikh Xasan Mahdi ay u tageen gobolada dhexe hase ahaatee dhowaan ayey aheyd markii Shiikh Maxamed Macalin uu warbaahinta gudaha iyo dibeda ka sheegay in ururkii Xisbul Islaam ay ka baxeen Al-shabaab ayna doonayaan wadahadal iney la furaan dowlada Somalia.

