Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa sheegay in Ciidamo ay ku kordhisay degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir, si ay ammaanka u xaqiijiyaan, kadib dilal qorsheysan iyo qaraxyo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho.
C/samad Macalin Maxamuud oo ah sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ayaa sheegay in Ciidamo labisan iyo kuwa aan labisneyn ay geeyeen baro ka mid ah magaalada, si ammaanka loo xaqiijiyo.
“Meelaha qaar ciidankii horay u joogay ayaa lagu kordhiyay, waxaa la geeyay baro cusub ciidamadana ay dageen, waana arrimo loogu tala galay wixii imaan kara looga hortago, ciidanka waxaa uu isugu jiraa kuwo labisan iyo kuwo aan labisneyn”ayuu yiri C/samad oo la hadlay Idaacada Radio Muqdisho.
Waxaa uu sheegay inay socoto wali qorshayaal loogu tala galay in lagu xasiliyo amniga magaalada, waxaana uu sheegay in Ciidamada haatan lagu arki doono goobo aan horay loogu arkin.
Mar uu ka hadlay falalkii dhowaanahan ka dhacayay magaalada ayaa waxaa uu sheegay in muhiim tahay in shacabka iyo Ciidamada ammaanka ay wada shaqeyn dhex marto, si looga hortago wax kasta oo dhaca.
Dhinaca kale waxaa uu Wasiirku sheegay in go’aamo adag laga soo saaray rasaasta maalayacniga ee ay ridaan Ciidamada, isagoo xusay in askarigii shacabka dhexdiisa rasaas ku dhex rida tallaabo laga qaadi doono.
“Go’aamo adag ayaa laga gaaray inaan la isticmaalin karin xabadaha aan loo meel dayin, lana ogolaan karin, taliyaasha ciidamada go’aan ayay ka gaareen in aan maalin cad magaalada dhexdeeda xabad lagu ridin, waa arrin sharciga waafaqsaneyn, ciidan dareys wata inuu rasaas rido”ayuu yiri.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay is qabsatay rasaas xoogan markii ay soo baxeen warar sheegayay in Ra’iisul Wasaare loo magacaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo taageero ka heysta Ciidamada dowladda.

