Waxaa Maanta Soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Safiiro ka kala Socotay ilaa 15 dal oo sida Qaarada Yurub iyo Dowlado uu Mareykanku ka mid yahay
Safiirada Maanta Soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wadamada ay ka socdaan ka mid ah wadamada Ingiriiska Talyaaniga Farance Iswiden Holan Slovakia Mareykanka Spain iyo wadamo kale waxaana ay kulan kula qaateen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan cade M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud .
Kulanka oo ay saxaafadu Dibad jog ka ahayd ayaa waxaa ay uga wada hadleen Labada Dhinac Sidii Dowladaha ay ka kala Socdaan safiiradaani ay ugarab istaagi lahaayeen Dowladda Cusub ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana Xogtaasi warbaahinta usoo gudbiyay Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Suldaan Axmed faarax oo Markii uu soo dhamaaday Shirku Saxaafada la hadlay.
Waa Markii ugu horeysay oo Tan iyo Bur burkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya wafdi ka kala socda wadamada Intaa la eg uu soo gaaro Magaalada Muqdisho iyagoo Balan qaaday in ay Si wada jir ah ula shaqey doonaan Dowladda Soomaaliya .

